SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL

XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)


Haduu madaxu mayd yahay majuhuna manoolee maxeey milicsan karayaan!!

 Bislilaahi Raxmaani raxiim , Asalaamuc aleeykum dhamaan Akhristayaasha iyo Qorayaashaba,

{ Nin weliba walaac iyo walbahaan wuxuu qabo Naftiisaa La walwaasha } aan ka sii wado akhristoow aniga oo lagu magcaabo Abshir salaad ciise kuna magac dheer (Roble) AYaan waxaan jecelayistay in aan fekredayda ka dhiibto dhibaatooyinka ka aloosan somalia khaasatan Gobolada Puntland, aan ba dheho dhicina gobolka sool , Runtii ma ah wax loo dulqaadankaro, waa wax isasoo taraya sanad kasta . Bil kasta maalinkas iyo saacad kasta Hase ahaatee waxaa is weeydiin mudan su'aalahaan soo socoda : what ? why ? how ? and when ? hadii aan ku sii cadayno Afkiina Hooyo ama ku dhamayistiro su'alaha ayaa ah sidatan

waa maxay sababay dhacdadaan keentay dhibaatada ?

maxaay u dhacaday dhibaatadani ?

sidee beey u dhacaday dhibaatadu ?

goormeey bilaabatay in eey dhacado dhibaatanadi ?

Hadaba Akhristoow su'aalahaan oo dhan inkata eeytahay Ilahay amarkii , ayaa hadana u baahantay in laga feejignaado, hadii aan u dhexgalo fasiraada ama micnaynta su'aalaha ayaa ah sidatan . waa maxaay sababay dhacdadaan keentay dhibaatada ?

ayaa lagu tarjumikaraa sidatan . su'aashaan waxaa sababikara arimo badan taas oo lagu timaami karo .Maamul xumo iyo isku dhac Masuuliyiinta ka yimaada "" Haduu madaxu mayd yahay majuhuna maloonee maxeey milicsan karayaan"" waxaan ula jeedaa Maamulka puntland ayaa soo wiiqsamay ilaa iyo intii uu dhamaaday maamulkii hore, Hadeyeeshee Bushasha ku dhaqan gobolada puntland ayaa Rajayneeysay in Maamulka hada jira uu ka bedelidoono wax kii hore ka maqanaa , balse waxaa muuqata oo qofkasta dareemi karaa in ay dhibiyo welwel iyo walaac joogto ah ku riday bulshadii Nabada , bushadii nolosha , beledkii Raaxada , bilicdii ganacsiga , Nadaamkii iyo kala danbayntii Taas oo lagu eedaynkaro mamulka hada ka dhisan!! ,

Hadii aan u gudubno su'aasha labaad oo ah "" maxaay u dhacaday dhibaatadani ? " kadib markii maamulka hada tadahay uu ka bixiwaayeey waajibaad badan oo saldhig iyo asaas u ahaa Hoga Nabada ee gobolada puntland , waxaana ka mid ah oo mataal lagu soo qaadankaraa Qodobadaan soo socoda :

1- IN aan lahelin Balan qaadkii lagu soo jiidanayey bushada xiligii Doorashada

2- in uu Faraha kabaxay amnigii gobolada sida hada sool ka muuqata

3- in aan lagu samayn wax kobcin horumar ah dhamaan gobolada puntland

4- amni darokajirto dhamaan gobolada puntland inta Baaqiga ah

5- in markasta lagu soo qaado Deeq macaga puntland oo aan lahelin meelay markay

 Hadaba ma aha wax lagu soo koobikaro qoraa ama hadal dhibaatooyinkan sababay in ay puntland mantay noqoto meel aan Nabadu ku heehaabin , waxaa jirtay gabay aan katiriyey marhore dhacdooyinka Puntland ama khayraadka hanoqoto ama difaaca dalkee, waana filayey in eey dheceeyso ceebtaan iyo foolxumadan hada ka dhaxayd muuqata Gobolada punland khaasatan sool, waxaan jecelayistay in aan idin xasuusiyo gabaygii oo runtii taabanaya dhacdooyinkaan , akhristoow si taxadar leh u dhuux oo u fahan dulucda gabayga , wuxuuna la magac baxay

Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye.

wuxuuna ku bilaamay sidatan :
  • . Ka’leydaa igu kaliftay, iyo kiiska uu galaye
  • · Kaftan ma aha xaajadu waa keeblayuurura’e
  • · Intaan kuu dulqaataa kabadan , Kun iyo dheerade
  • · Kilwihii kaymaha gubay , baad la kiistahay
  • · Kaafir caan ah baa kiishadiyo kaashka ku sida’e
  • · Kadaa baan kuleeyahay ragbay , kayd utahay taase
  • · Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye
  • · Hadaa kibir ku nooshahay , rag baa kaa sarayn jiraye
  • · Oo kadiidnay in ay kaydka , iyo kayrka kiishaane
  • · Ogoow kibirka waa lagu jabaa , kaadisaad malehe
  • · Kacdoonkiyo dhibaatadi , horaa baa keentay xaajada’e
  • · Intaan kabayo haamaha , kadaa kaydka guridiisa
  • · adaa kiciyey kii hore oo kudaray , kibirka sarataagan
  • · Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye
  • · Kaftamimayno hadaannu nahay , kureey sugaysa koolkooda
  • · Kuwa khayrka ceeriin raboow taas ma kaayelin
  • · Mar ka,caay xaajada xun looma kaad sado’e
  • · Waa kow biloow weeye , waa la iska kiishaaye
  • · Kayeeli meeynoo dagaal , baan kiishado u xirane
  • · Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye
  • · Kuwii badaha jariifaa kuyiri ,waa koolba ceeriine
  • · Kusoo kece kuwani oo dhulkeey , kiilanaayaane
  • · Kuwa xigana hadhoowdii dhulkeey kugu qabsanayane
  • · Inta aan keligeen nahay iska rida , oo kaca dhamaantiinu
  • · Falastiin oo kaleetaa dhulkaan , loogu soo kacaye
  • · Kurtun qodaxleh baa loo dhigaa , iyo kolonyo ciidana ahe
  • · Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye
  • · Horay kadax iyo kadeed nagu hayeen , kaad tahoo idile
  • · Mahadaa kaydkii loo soo dhigtay , oy kiilka shidayaane
  • · Kitaabkaan ku dhaartaye walee , kabuhu ii xirane
  • · Kufaar aaminkii saan lahay , koonbo caanaaye
  • · Hadii aan karbaash lagu kaxayn , way kugu koraayaane.
  • · Kaddaa khayrka keligaa malihid , kaadib baa tahaye

 Waxaan u soo qaatay gabaygaa meelo ka mid ah oo taabanaya xaaladaan maantay sida

Kuwii badaha jariifaa kuyiri ,waa koolba ceeriine

Kusoo kece kuwani oo dhulkeey , kiilanaayaane

Kuwa xigana hadhoowdii dhulkeey kugu qabsanayane

Inta aan keligeen nahay iska rida , oo kaca dhamaantiinu

Waxaa halkaas ku soo dhamaynayaa Su'aashii labaad waxaana inoo harsan Akgristoow labo su'aal waxaana jecelahay in aan idiin ku soo rado gabay Cusub oo aan ka tiriyey dhacadada maantay ka qaagal puntland siiba Gobolka sool , ha u daymasho la aan Qaybta labaad ee maqaalkaan la magac baxay "Haduu madaxu mayd yahay majuhuna maloonee maxeey milicsan karayaan"

waxaa igala soo xiriir kartaan , dhamaan waaqica aad iga helikartaa ee sida

abshir_salad@yahoo.com , siciidsamatar98@hotmail.com ama tellphone Number :00923215356672

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com