XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
Warar: Oct 25, 2007
- Wararkii ugu dambeeyey ee Siyaasadda ka jirta Baydhabo
- Weeraro kale oo lala beegsaday Dekedda weyn e magaaladda Muqdisho.
- C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Aadan Madoobe oo la filayo in ay u
dhoofaan sucuudiga
- Itoobiya oo lagu cadaadinayo in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ..
-
Geedi oo si deg deg ah ugu ambabaxay dalaka Itoobiya ka dib markii…
-
Dowladda Mareykanka oo qoraal soo direy wadanka Itoobiya…
-
Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga oo isaga soo horjeeda..
-
Xulka qaranka oo kulan tijaabo ah beri la la yeelanayo Kooxda…
Wararkii ugu dambeeyey ee Siyaasadda ka jirta Baydhabo
Iyadoo
weli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo
Ra'isul Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed Geedi, ayaa waraka ka imaanaya Magaalada Baydhabo
sheegayaan in laga yaabo in dib loo dhigo kulankii ka dhici lahaa Magaalada
Baydhabo oo ay isugu imaan lahaayeen Baarlamaanka kaas oo cod loogu qaadi lahaa
Dowladda Cali Max'ed Geedi.
Ra'isul Wasaaraha DFKMG Geedi labo fursadood ayuu haystaa
oo ku saabsan dowladdiisa, midda hore waxaa baarlamaanka marka hore weydiinayaa
in Dowladda Cali Max'ed Geedi sii shaqeyso iyo in aysan shaqeynin, haddii
baarlamaanklu isku raaco in ay sii shaqeyso, Ra'isul Wasaaraha DFKMG Geedi waxa uu ka
helayaa guul weyn, haddii la yiraahdo 'Dowladdu ma sii shaqeyn karto oo
waqtigeedii waa uu dhamaaday' waxaana halkaasi ka soo baxeysa fursad kale oo la
xiriirta in moowshin la hor dhigo baarlamaanka oo cod loogu qaadayo Xukummadda
uu Cali Max'ed Geedi hogaamiyo, haddii 'maya' uu yiraahdo baarlamaanku waxaa
halkaasi ku soo gebagaboobeysa Cali Max'ed, haddii haa la yirahdna mar kale ayuu
ra'isul Wasaaraha DFKMG Geedi soo dhisi doonaa xukuumad.
Ra'isul Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed
shalay ayuu ka ambabaxay magaalada Baydhabo, isagoo u sii jeeda magaalada
Adis-Ababa ee dalka Itoobiya, oo kula kulmi doono xubno ka tirsan
Dowladda Itoobiya iyo safaraadaha ku sugan magaalada Adis-Ababa, hase yeeshee
warar ayaa waxay sheegayaan in marka uu dhamysto safarka Itoobiya uu Ra'isul
Wasaaraha DFKMG Geedi u duuli doono dalka Sucuudi Carabiya oo la filayo in dhawaan ay
gaaraan madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, waxayna wararku sheegayaan in dowladda
Sucuudiga ay dooneyso in ay dhameyso khilaafka u dhexeeya labada mas'uul.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in manta laga yaabo in
Baarlamaanku uu kulan isugu yimaado si cod loogu qaado Dowladda Cali Max'ed
Geedi.
Weeraro kale oo lala beegsaday Dekedda weyn e magaaladda Muqdisho.
Duqeyntii labaad ayaa lala beegsaday dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ay
weli ka socoto hawlo la xiriir dejin iyo dhoofin, waxaaa shalay subax weerarar
hoobiyayaal ah lagu qaaday dekedda, waxaana la sheegay in ay waxyeelo ka soo
gaartay dad ka deganaa degaanaa ku dhow dhow dekedda.
Habeen hore ayay ahayd markii weerar hoobiyayaal ah lagu qaaday dekedda laguna
dhiftay ilaa iyo 13 hoobiye oo la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamad
Uganda iyo kuwa Dowladd Federaalka.
Weeraradaani ayaa waxay ku soo beegmeen xili uu khilaaf xoogani u dhexeeyo
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra'isul Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed Geedi, sidoo kale,
waxaa sii xoogeystay weerarada lagu hayo ciidamada Dowladda Federalka iyo kuwa
Itoobiya, waxaana shalay dhacay dhowr weerar oo lagu qaaday ciidamada Dowladda
Federaalka, kuwaas oo gaystay khasaarooyin, waxaana aad u kacsan xaaladda
magaalada, iyadoo dadkoo dhami u dheg taagayaan waxa ka soo yeeri doona
Magaalada Baydhabo.
C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Aadan Madoobe oo la filayo in ay u dhoofaan
sucuudiga
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan
Max'ed Nuur (Madoobe) ayaa la filayaa in saacadaha soo socda u ambabaxaan dalka
Sucuudi Carabiya, kadib markii ay martiqaad ka heleen Dowladda wadanka Sucuudi
Carabiya, inkastoo aan la faahfaahin waxa uu ku saabsan yahay safarkaani,
haddana warar ayaa waxay sheegayaan in boqortooyada Sucuudi Carabiya ay dooneyso
in ay dhex dhexaadiso Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha.
Warar kale ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Aadan Madoobey ay
halkaasi u tagayaan sidii ay uga heli lahaayeen dhaqaale, hase yeeshee
dhaqaalihii ay horey u bixisay Sucuudiga ayaa qayb ka ah khilaafka haatan u
dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha.
Dowladda Sucuudiga waxa ay kal hore Ra'isul Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed Geedi gacanta u
gelisay lacag gaareysa 35-milyan oo Doolar, waxaana bixinta lacagtaasi si weyn
uga carooday Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf.
Itoobiya oo lagu cadaadinayo in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ..
Wararka ka imaanaya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan
wadanka Itoobiya ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka
ciidamada Itoobiya ee dalka Itoobiya, sidoo kale kooxaha mucaaradka ee aan la
dhacsaneyn siyaasadda Ra'isul Wasaaraha itoobiya Meles Zenawi ayaa waxay ka dalbadeen
dowladda wadankaasi in ay si dhaqsi leh uga soo saarto ciidamadeeda gudaha dalka
Soomaaliya.
Banaanbaxyadaan iyo wararka ka soo yeeraya mucaaradka waxay muujinyaan sida Itoobiya loogu cadadinayo in ay ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha
dalka Soomaaliya, iyadoo kooxaha mucaaradka dhawaan ay sheegeen in Magaalada
Muqdisho ku dhimanayaan ciidamo ka tirsan Itoobiyabaarlamaanku codkaasi qaadi
doono
Geedi oo si deg deg ah ugu ambabaxay dalaka Itoobiya ka dib markii…
Safar aan la fileyn ayaa waxaa maalintii shalay ahayd ugu ambabaxay dalka
Itoobiya Ra'isu Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed Geedi, kadib markii sida la sheegay
uu martiqaad ka helay wadanka Itoobiya.
Safarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii dowladda Itoobiya ay walaac weyn ka
muujisay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha, iyadoo
dowladda Itoobiya ay dhowr jeer ku guuldareysatay in ay dhex dhexaadiso
Madaxweynaha iyo Ra'isu Wasaaraha, waxa uuna safarkaani yahay midkii labaad oo
uu Ra'isul Wasaaruhu ku tagayo dalka Itoobiya, iyadoo kii hore aysan ka soo
bixin wax natiijo ah oo la xiriira dhameynta khilaafka ka dhex taagan
mas'uuliyiinta Dowladda.
Dowladda Itoobiya indhaha ayay ka fiirsneysa xaaladda ka dhex taagan
madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha, waayo marka uu khilaaf soo kala dhex galo
mas'uuliyiinta Dowaldda waxaa xalin jiray Dowladda Itoobiya, balse haatan waxay
dowladda Itoobiya u muuqataa mid aan indhaheeda u soo jeedin khilaafka u
dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha.
Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka dalxiiska Itoobiya Maxamuud Dirir uu ku
guuldareystay xalinta khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha
mar uu yimid Magalada Baydhabo, sidoo kale beesha Caalamka ayaan weli soo
faragelin khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isul
Wasaaraha DFKMG Cali Max'ed Geedi.
Dowladda Mareykanka oo qoraal soo direy wadanka Itoobiya…
Dowladd Mareykanka ayaa waxay qoraal soo gaarsiisay Itoobiya oo ay kaga
dalbaneyso in ay si dhaqsi leh u soo gebagabeyso khilaafka u dhexeeya
Madaxweynaha iyo Ra'isul wasaaraha Dfkmg, hase yeeshee Dowladda Itoobiya kama aysan jawaabin
qoraalkaasi sida aanu ku heleyno warar ka imaanaya Magaalada Adis-Ababa.
Itoobiya ayaa waxa ay si aad ah kal hore uga carootay markii
kongareeska Mareykanka uu isku raacay in cunaqabateyn la saaro
Itoobiya dhaqaalihii uu Mareykanku siin jirayna laga joojiyoy, taas oo la
sheegay in ay keentay in Dowladda Itoobiya dhegaha ka xirato codsiga ka yimid
Dowladda Mareykanka ee la xiriira Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha Dowladda
Federaalka.
Dowladda Mareykanka ayaa Itoobiya ku eedeeysay in maamulka Meles
Zenawi uu ku xadgudbay xaquuqda Bini'aadamka, isla markaana uu ku xadgudbay
dastuurka u yaala dalka Itoobiya, hase yeeshee mas'uul u hadlay Dowladda
Itoobiya, waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay tahay dowlad marka ay gaarto
danteeda fadeexooyin u raadisa hadba dowladda ay hawlgeliso.
Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga oo isaga soo horjeeda..
Dhowr goobood oo ay degan yihiin Ciidamada Dowladda FKMG, gaar ahaan kuwa Milatariga
ayaa la amray in ay isaga guuraan goobahaasi, waxaana goobahaasi ka mid ah
dekedda weyn ee Muqdisho iyo waliba agagaarka Sayidka.
Amarkaan oo ka soo baxay maamulka Gobalka Banaadir ayaa goobaha ciidamada
Milatariga lagu amray in ay ka guuraan, waxa uu maamulka gobalka Banaadir amray
in lagu bedelo ciidamo ka tirsan booliiska.
Dad goob-joog ahaa ayaa waxay noo sheegeen in agagaarka Sayidka ay shalay
dhufeysyo isugu jireen ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga, iyadoo ciidamda
Milatariga ay ad uga careysan yihiiin in goobahasi laga wareejiyo.
Ciidanka Booliiska ee la geeyey sayidka ayaa shalay ku jiray heegan buuxa,
iyadoo ka cabsi qabay in ay soo weeraraan kuwa milatariga, waxaana shalay oo
dhan la joojiyey dhaqdhaqaaqii gawaarida ee halkaasi.
Dhowr jeer ayaa lagu amray in ciidamada Milatariga in ay isaga baxaan gudaha
Magaalada, kadib markii ay cabasho fara badan ka timid shacabka.
Xulka qaranka oo kulan tijaabo ah beri la la yeelanayo Kooxda…
Xulka qaranka oo maalmahan ku jiray tababaro joogto ah kaas oo uu isugu
diyaarinayo kulan ka tirsan is-reebreebka koobka adduunka oo la yeelan doonaan
xulka wadanka Jabuuti.
Xulka qaranka oo haatan xareysan ayaa maalin walba wax uu sameeyaa tababaro
joogto ah oo habeen iyo maalin ah, waxayna cayaartooyda xulka qaranka haatan ka
kooban yihiin 26-cayaartooy, inkastoo ay yar yihiin kulamda tijaabada ah ee uu
sameeyey xulka qaranka, haddna maalinta beri ah ayaa la filayaa in kulan tijaabo
ah la yeesho kooxda badbaado oo ka tirsan kooxaha soo Soomaaliyeed ee ka dhisan
Magaalada Muqdisho.
Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa dadweynaha ku wargelinaya in ay kulankaasi
ka soo qaybgalaan sidii ay indhahooda ugu arkaan xulka qarnka soomaaliya.
Xulka
qaranka Soomaaliya dhowr kulan oo uu kaga qaybgalay dibadda ayuusn ka soo hoyn
wax guulo ah, hase yeeshee shacabka soomaaliyeed ayaa xiligaani uga fadhiya in
ay guul weyn ka soo hooyaan xulka qaranka wadanka Jabuuti oo isna ku jira diyaar
la xiriira kulankaasi ee is-rebreebka koobka Adduunka oo sanadka 2010 lagu qaban
doono dalka Koonfur Afrika oo isagu haatan isku diyaarinaya qabshada
tartankaasi.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007


|