Yaa Mudan Shacabka
Moqdisho In uu La dagaalamo Ma Ciidamada
Dowlada Misa Ciidamada Gumeysiga ?
Ismail
saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Ra’isulwasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi
waxuu Ka Horjeediyay Koox Barlaamanka Ka
Tirsan Oo U Badan Tageerayaashiisa
sacabkoodana laga dareemayay in lacag lugu
soo kireeyay Khudbad Xamaasadi Ku jirtay oo
aan Hore Looga Baran waxaa Khubad Geedi ka
Muuqatay in uu yahay Nin galgalanaayo ama
qof dhiman rabo oo u Baahan Gargaar Lakiin
waxaa Loo Gargaaraa Ninkii gargaar
Hormarsada
Geedi
waxuu khudbadiisa Shacabka Moqdisho kaga
codsay In ay Ciidamada dowlada ISka celiyaan
Lakiin Uma sharaxin sida ay shacabka
Moqdisho isaga Celinayaan Ciidamada dowlada
Asigu ra’isulwasaare ka yahay oo laga rabay
in ay shacabka Dulmiga Ka Kor qaadaan ?
Waxey Mudaneed ku Geedi u sacabka beenta ah
u tumaayay in ay Weydiiyaan Hadii shacabku
Iska Celiyo Ciidamada Dowlada Kuwa Xabashida
maxuu ku sameynaa ma shaah iyo caano ayuu u
geynaa sida hada hor Codsaday maxamed
dheere ? waa yaabe yaa Mudan In Lala
Dagaalmo Ma Ciidamada Somalida Misa Kuwa
Gumeysiga ah ee Geedi dalka Keensaday ?
waxaan hubaa in shacabka ku nool magaalada
Moqdisho uu Garan Karo Cida Mudan In Lala
Dagaalamo oo Usan Sheegid u Baahneen.
Geedi
waxuu u Muuqday nin inta Adis ababa Tegay
Males usoo Tacsiyey waxuu rabayna kasoo
waayay Lakiin waxey Mudneed in uu shacabka
Moqdisho Ka Codsado in ay Ciidamada
Xabashida la dagaalamaan Inta uu Ka Codsan
Lahaa in ay La dagaalamaan ciidamada
Somaliyeed .
Waxaan
shaki Ku jirin In Maalmaha Geedi ay Yahiin
kuwa fara Ku Tiris ah Khudbadiisana waxey U
muuqatay Mid caadifad Qabiil Ku jirto lakiin
Kuwa Geedi Qabiil ahaan Ula safan Doono
waxaa La rabaa In ay Ogaadaan Geedi in uu
Yahay Kii aragagixiso Ku Tilmaamay
Caruurtoda iyo Haweenka oo ku qasbay in ay
qabowga Geedaha Hoos Jiiftaan kadib Markii
Amarkiisa Lugu Burburiyay Guryahoodii.
Waxaa
Khaldamaayo Ninka u maleeyo Hadalka Geedi oo
Tuugtanka ahaa in uu Ka Yahay Jaceel uu Qabo
Tolkiisa, waxaa laga rabaa Kuwa uu ka
dhashay In ay fahmaan wax Geedi Hadakaas
Ka Keenaayo in ay tahay kaliya Baahi maxaa
yeelay waxuu arkay in meel cidlo ah Looga
Tegay waxuu aaminsanaa markii hore hadii
xabashi uu heesto in uusan qabiil u baahneen
lakiin xabashadii ayaa ka Xiiso Dhigtay
waxeyna ka jeclaatay Cabdulaahi Yuusuf Axmed
oo Ay Taratan Ugu Jireen Raali Gelinta
Males Zanaawi.
Geedi
Hadii Barlaamanka Xakuumadiisa Codka
Kalsoonida Kala Noqdo waxey U Guul u tahay
umada Somaliyeed oo ay Ku soo aadeen Labo
Shaqsi oo Kale xun oo Manaxariisata Yaal ah.
Geedi
Waxuu ku fiicnaa howsha uu soo bartay in ku
shaqeeyo waxaa khalad iskalahaa ninkii
shacabka somaliyeed dhakhtar xoolaad uga
dhigay dhakhtar Biniadam Lakiin Barlamanka
Somaliya Hadii uu shacabka Somaliyeed Geedi
ka Hor wareejiyo waxuu
Noqonayaa Barlaman shacabka somaliyeed
kalsooni iyo ixtiraamo ka Hela inkastoo
uusan soo dooran , waxuuna arinkaasi
gelinayaa shacabka somaliyeed rejo ah in
barlamaanku Cabdulaahi Yuusufna sidoo Kale u
Casilo maalin uun maalintey noqotoba.
Dad badan
ayaa aaminsan in ay mudan Cabdulaahi yuusuf
in uu barlamanku Marka Hore casilo lakiin
waxaan leeyahay Cabdulaahi yuusuf waxaa ay u
badantahay in ilaah aduunka dhan ka casilo
doono maadama caafimaadkiisa laga deyrinaayo
marka waxaa wanaagsan In Geedi Laga Hor
Istaago in uu Kursiga Ka Sugo Cabdulaahi
Yuusuf oo uu Hogaamiyo Umada Somaliyeed
Maxaa Yeelay Shacabka Somaliyeed waxuu
Mudan Shaqsi Geedi wanaagsan oo danaha
Umadiisa Yaqaano.
Geedi
waxaan Hubaal ah in uu Tariikhda Somaliyeed
Meel xun oo mugdi ah Ka Galay shacabka
somaliyeedna ma cafin doono waxuu ka dhigay
xakuumadii uu hogaaminaayay NGO Waxuuna
Shacabka Somaliyeed kusoo xasuusan doonaa in
uu dalkii iyo dadkii somaliya Gumeysi Gacan
u Geliyay waxaana qasab in caruurta soo
koreyso schoolada sidaas looga dhigo.
waxaana
shaki ku jirin in Geedi shacabka somaliyeed
maalin uun la xisaabtimo doono waxaana La
hubaa in aysan Maalintaas dheeran doonin
waxaan u sheegaa ninkey la dheertahay in ay
Macquul tahay in xabashidu Geedi xiraan oo
ilaah ku salido markaas kadibna shacabka
somaliyeed gacanta usoo geliyaan si
Haweenkii iyo Caruurtii uu ka qixiyay
guryahooda xaqooda gacantooda uga goostaan.
Ismail
saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
MIDLLE
EAST
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007


|