Ra'isal Wasaare Geedi: Ma sii
shaqeyn karaa? Mise....?
Cali Max'ed Geedi oo ah Ra'isal Wasaaraha DFS xiligaan ayaa
waxaa ku furmay Mowjado dabeylo Siyaasadeed wataa oo ay Xildhibaanada kaga soo
horjeedaan sii shaqeynta xukuumadiisa kadib markii ay ku eedeyeen in uu ku takri
falay si qaawan lacago fara badan oo soo galay Qasnada DFS.
Cali Geedi aya waxaa uu tan iyo markii uu xilkaan qabtay ka badbaday dhawr
Mooshin oo ay Xildhibaano ku doonayeen in ay xilka kaga qaadaan laakin uu ku
badbaaday si dirqi ah kadib markii uu adeegsaday lacago uu magaca Qaranka markii
horeba ku soo qaatay.
Wargeyska Finational Times ee ka soo baxa Magaalada London ayaa waxaa uu
todobaadkaan soo daabacay Warbixin uu kaga hadlay Aduun fara badan oo Geedi u
yaala Bankiyada ugu caansan Caalamka Sida Bankiga Aduunka oo la qiyaasay sida
wargeysku daabacay in ay u taalo lacag dhan boqol 100 milyan oo $ halka Bangiyo
ku yaala Dalal Yurub ah uu dhigtay lacago kale oo la qiyaasay in ay gaarayaan
ilaa 200 Milion .
Wargeyska ayaa warbixintisa waxa uu ku sheegay in lacagaha ay
yihiin inta badan Deeqo ay beesha Caalamka ugu talagashay in ay ku kobciso
dhaqaalaha Dalka Somalia iyo lacago kale oo loogu talagalay Dib u dhiska Dalka
Somalia oo ay ku soo yabooheen Midawga Yurub iyo waliba Deq bixiayayaasha
Caalamka.
Warbixinta ayaa waxaa uu wargeyska ku soo qaatay Arooskii
taarikhda mdaw galay ee Cinwaanada hore ka galay Warbaahinta caalamka, iyadoo
geedi inta la ogsoon yahay mudadii uu Ra'iisulwasraha ahaa wuxuu ka gatay
magaalada Nayroobi guri weyn oo qasri ah, kaas oo uu lahaan jiray hogmiyaha
jabhada SPLA john Graing.
Ra'iisul wasaare Geedi oo ah nin aqoon durugsan leh, ayaa hadana
lagu eedeeyaa inuu yahay nin aan la tashan dadka, islamarkaana waa nin si aad ah
iskula weyn, wuxuuna jecelyahay mar walba inuu qaato go'aan isaga u gaar ah.
Dhinaca kale waxaa lagu eedeeyaa Mr.Geedi in xubno fara badan oo
ay qaraabo yihiin inuu xilal kala duwan u dhiibay, waxeyna taasi ka careysiisay
beelo dhowr ah, iyadoo taasi kuu muujinayso sida weyn ee Ra'iisul wasaare geedi
u yahay mid Qabiili ah.
Su'aasha ay dad badan isweydiinayaa ayaa ah sidee Prof. Geedi mar kale loogu
aamini karaa inuu qabto jagada ra'iislawasaarenimada, mise u qalanyaa xilkaas
inuu sii hayo iyadoo la og yahay inuusan laheyn waxqabad balaaran oo buuran.
W/Q: Cali Xasan Xaaji
L/H: Muqdisho
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007


|