XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
Khilaafka Yusuf iyo Geedi Dabeecadda
Bashir
A/kadir Muallem
Bascir61@yahoo.com
Dabeecadda
shaqo ee laba mansab – Madaxweyne iyo Ra'iisal wasaare – ayaa dhalineysa khilaaf
dhex mara labada qof ee jagooyinkaa kala haya , waayo awoodooda ayaa ah mid aan
si cad loo kala qeexi Karin , laakin dunidda arrinkaa waxay ku xaliyaan in ay
maxkamadda sare kala saarto , wixii ay isku qabtaan , waayo iyadda ayaa ah
hey'adda dastuuriga ee qeexi karta qawaaniinta iyo shuruucda leysku qabsado
fasiridooda .
Khilaafka
madaxda sare ee DFKM waa mid leh dabeecaddo ka duwan kuwa ay keento shaqadda.
Khilaafkooda waa mid ku saleysan asbaabo kale oo ka baxsan dabeecadda shaqo ee
manaasibta .
Sababha is
khilaafida labada Madax , markaan meel iska dhigno hantida leysku heysto oo la
sheegayo, waxaan ku soo koobi karnaa dhoor sababo.
1. Jibinta
Xeerka ay DFMK ay soo dhigatay.
Yusuf iyo
Geedi ma ilaalin xeerka ay soo dhigteen intii ay dowladda jirtay mar haddi ay ka
hor imaanayaan danahooda qaaska ah , halkaan kuma soo koobi karno xeerarka ay
jibiyeen ,laakin waxaa ugu weyn keenista ciidamadda Ethopia ee dalka la keenay
iyadoo barlamaanka diidan yahay taasna ay dhalisay in barlamaanka kala jabo, oo
gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan diido talaabadaas .
Mar haddii
madaxdii sare ilaalineynin xeerka ay soo dhigteen , khilaaf kasta oo yimaada ma
xalismaayo.
2. Kaalinta
Garsoorka oo maqan.
Garsoorka
oo ah heydda u xilsaaran fasiridda qawaaniinta iyo sharuucda dalka marka leysku
qabsado ayaan shaqeyneenin , wax awood ah ay leedahayna ma jiraan , oo madaxdda
sare ayaa iska xiraneysa madaxda garsoorka ama xilka ka qaadeysa marka ay u
aragto in ay khatar ku yihiin .
Dunidda
marka ay is qabsadaan madaxdda sare ee dalka waxaa kala saara Garsoorka , sida
ka dhacday Mareekan doorashaddii midaan ka horeysay , Markey Al, Gore iyo Bush
is qabteen waxaa kala saaray maxkamadda sare ee Mareekanka .
Markaa
haddii ay shaqeyneenin Garsoorka , khilaafka madaxdda dowladda ka dhasha ma
xilismaayo , bur bur ayuu sababaa mooyee.
3.
Munaafiqnimadda Xubnaaha Barlamaanka.
Xubnihii
Barlamaanka ee la xisaabtami lahaa madaxdda dowladda, ilaalina lahaa habsami u
socodka howlaha dowladda iyo sharcinimadooda ayaa noqday kuwo aan u qalmin
kaalintooda oo ka hooseeya raga madaxda u ah dowladda , aqoontoodana iyo
dadnimadoodana ay hooseeso , codkoodana ku iibsada majin qaad iyo maaalin qado
ah.
Mar haddii
ay sidaa yihiin xubnaha barlamaanka intooda badan , madaxda dowladda waxaa u
fududaatay in sida ay doonaan u marsiistaan barlamaanka, arrinkaana waxay sii
cakarisay wada shaqeynta labada nin.
4.
Madaxweyn Yusuf oo aan Xulan Geedi.
Waxaan
wadda ogsoonahay in Madaxweyn Yusuf uusan xulan Geedi markii la doortay , oo
Mellis kor kaga keenay , taas waxay hoos u dhigtay ixtiraankii Geedi u heyn
lahaa Madaxweyn Yusuf haddii uu isaga soo magacaabi lahaa, Geedi ma aqoonsana
mana dareensana awooda jaggada Madaxwenahay , waayoo wuxuu ogyahay haddii Mellis
uu ku qaanacsanyahay in ay jirin dowladda dhexdeeda awood jagadda ka qaadi karta
xittaa Barlamaanka .
Mar haddii
Geedi si ficli ah u hoos imaaneyn madaxweynaha , lalana xisaabtami Karin wada
shaqeynta Yusuf iyo Geedi waxay ku jireysaa khilaaf.
Intaa
asbaab aan soo sheegnay waxay sal u yihiin khilaafka labadda nin , intoodana
waxaa abuuray sida ay nala tahay Mr Yusuf.
Waayo,
markii Yusuf loo doortay Madaxweyn , wuxuu xaq u lahaa in uu soo magacaabo nin
uu ku kalsoon yahay oo karti u leh xilkaa qaadistiisa , laakin wuxuu ka door
biday ninkaan Mellis uu kor uga keenay uusan aqoon , isagoo ka baqanaaya in
haddii Mellis uu wax ka diido ay wax u soocon waayaan , laakin waxaa cadaatay ka
ogolaanshaha Mellis sida uu doortay ayaa caqabad ku noqotay madaxtinimadda
Yusuf.
Yusuf wuxuu
hilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa wax ka dhigi kara , markaa
ayuu cadawgiisa – isaga xitta- iyo kan dadkiisa iyo dalkiisa ayuu ka dayay
sharaf iyo cisi , laakiin wuu ku hungoobay.
Yusuf ,
Xeerkii la soo dhigtay wuxuu u jibiyay , asxaabtii u soo ololeysayna balantii
ugu baxay ,si uu u qanciyo Mellis , intaa oo dhan waxay ka burburisay riyadiisii
30ka sanno uu ku riyoonaayay oo aheed in mar uun hogaamiyo dalkaan .
Sida ay
nala tahay , dabeecadda khilaafka Yusuf iyo Geedi waa mid ku tala gal loo
abuuray , haddii aad dhuuxdid sida loo soo dhisay dowladda iyo dadka la soo
xushay iyo sida loo hortaagan yahay in ay shaqeeyaan hey,adaha dastuuriga ,
waxaa kuu cadaanayaa in dowladda loo abuuray asbaabihii ay ku burburi laheed, oo
la dooneynin in ay shaqeeso .
Mar haddii
ay sidaan tahay , Yusuf ayaa looga fadhiyaa in uu fahmo in ay Tigreega la
dooneynin in uu noqdo madax.
Markaa
waxaan dhoornaa waa talaabadda uu qaato Yusuf.
Bashir
A/kadir Muallem
Bascir61@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007


|