XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY:
Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan
sano (1936-1941)
Xaqiiqada Soomaalida: Xal Baan Rabaa; Xaqana
Ma Rabo
Qaybta 1aad
WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ
الْعَالَمِينَ والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.
تَرْجُوا
النَّجَاْةَ وَلَمْ تَسْلُكْ طَرِيْقَتَهَاْ
إنَّ السَّفِيْنَةَ لاتَجْرِيْ عَلَىْ
اليَبَسِ
Badbadana Waad Filaysaa Jidkeediina Ma Haysid
Doontuna Kuma Dul Socoto Meel Gawwaan Ah ( oo qalalan )
Waxaa Cajiib ah umadaha
carbeed sida ay ugu kala soocan tahay midka doqonka ah iyo midka is doqominaya
ee doqonka iska yeel-yeelaya. Sideedaba way u kala soocan tahay umadaha carbeed
erayga:
أهبل و مستهبل
Doqon iyo doqon iska yeele
Kolka ay arkaan qof is doqominaya si dantiisa uu
u gaaro ayay waxay ku yiraahdaan lahjadooda
والله يا أخي
إنت بِتِسْتَهْبَلْ
Wallee Walaalow
Adigu Waad Is Doqomaynaysaa
Waa sida aynu
niraahna oo kale: Waad Is Yeelyeelaysaa.
Arintaana waxaa keenaya sida
saraaxada leh ay u wada hadlaan taasoo u suurta gelisay inay ka badbaadaan kuwa
dhagarta wada ee ku qaraabta in caqligoodu wax u dhiman yahay balse laga yaabo
inuu marsiiyo mid aan wadankooda u dhalan sida soomaali oo kale oo aan kala
garanaynin in arintaasi ay daacad ka tahay iyo in kale.
Tan iyo markii dagaalada
sokeeye ka bilowdeen dalka soomaaliya waxaa laga hadlaa xalku muxuu yahay,
laakiin laisma waydiiyo marka hore diyaar ma u nahay inaan xal gaarno?
Waxaan halkaan ka cadaynayaa
in wadadii xalka lagu gaari lahaa ay inoo cadahay balse aynaan inagu hada diyaar
u ahayn.
Sababta aan arintaa u
leeyahayna waxay tahay. Qof walibaa wuu ogsoon yahay in kitaabka Alle SW iyo
Sunnada Nabiga SCWW uu xalkii kama danbaysta ahaa uu yahay hadana qofku wuxuu
rabaa in diintu ay hawadiisa raacdo laakiin marna diyaar uma aha in hawadiisu ay
raacdo diinta. Taa macnaheedu waxaa weeye hadii ay diintu waafaqdo siduu rabay
wuu ku qanci hadiise ay waafaqi waydo wuxuu oran tan diintii ma’aha, waa reer
hebel oo doonaya inay xukun ku gaaraan IWM.
Tusaale ahaan. Dagaaladii ka
dhacay bari 1992dii ee u dhaxeeyay wadaadada iyo C/llaahi Yuusuf waxyaabihii
shacabka lagu kiciyay waxaa kamid ahaa war hawiyaa idiin qabsadaye iska kiciya
taasoo sabab u ahayd ka dhex muuqashada uu ka dhex muuqday dagaalkaasi Sh Xasan
Daahir Aways ayaa shacabkii loogaga dhigay shaabad.
Sidoo kale kolkii Itoobiya ay
kusoo duushay gobolka Gedo wadaado badan baa isku qanciyay inuu dagaalkani yahay
dagaal fitno gacmahoodiina ka laabtay iyadoo lala dagaalamayo gaalo wadanka
kusoo duushay. Walaalo badan oo ahlu khayr ah oo Sh xasan daahir uu hogaaminayo
ayaa xamar ka yimid caamadii kolkay arkeen in wadaadadii ay kala jabeen qolana
ay diiday dagaalka oo fitno ku tilmaantay ayaa waxay yiraahdeen waxaa is haya
daarood iyo itoobiya kolkii ay mudo kasoo wareegatayna waa tii caamadu oran
jireen ururka nimankan wadaadada isku sheegaya waa daarood xukun doon ah oo diin
kusoo gabanaaya.
Sidoo kale kolkii ay
maxaakiimta islaamiga ay soo baxeen gobolo badana ay qabsadeen ayaa waxaa
caamadii dhanka kale kasoo yeeray waa hawiye xukun doon ah oo kitaabka kusoo
gabanaaya.
Waxaa maanta nasiib daro ah
walaalkaana diid waraabaha tigreegana haku xukumo. Taasi waxay khilaafsan tahay
ragii hore ee khilaafada isku haysan jiray marka ay arkaan in awooda ay gaaladu
kala wareegi rabto waxay u ogolaan jireen inay xukunka uga tanaasulaan walaalka
herdanka kala dhaxeeyo waxayna oran jireen:
رَعْيُ
الجِْمَاْلِ لاْ رَعْيُ الخْنَاْزِيْرِ
Geel Jire Balse
Maya Doofaara Lajir
Macnaheeduna uu yahay intaan
gaal adoon u ahaan lahaa doofaaradana u raaci lahaa waxaa ii dhaanta inaan
adoon u ahaado qof muslim ah oo aan geela u raaco.
Laakiin maanta waxaa dhacday
inaan waraabaha tigreegana aan aqbalno walaalaheena aan ku shaabadayno waa
hawiye iyo waa daarood si aan isaga fogayno.
والله المستعان
Dhibtaasoo
dhana waxaa u sabab ah inagaa xoog isu leh oo isu buuran oo cadawba isagama
aadno. Waana siduu shaacirku yiri:
أَسَدٌ عَلَيَّ
وَفِيْ الْحُرُوْبِ نَعَاْمَةٌ
Libaax buu igu
yahay kolka dagaalka lajoogana waa sida goroyada oo kale ( oo waxba iskama
dhicin karo )
Halkaa waxaad ka ogaatay
umadani inaysan hada diyaar u ahayn in xal lagaaro inta reer walibaa uu leeyahay
hadaynaan reerka aan ka dhashay kitaabku wadin mayeelayo. Ilaa soomaali hurdada
ka toosto xaqiiqadana toos u abaarto xal yaan la sugin.
وبالله التّوفيق
وصلّى الله وسلّم على نبيّنا
محمّد وآله أجمعين.
WQ: Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2007
|