Mu’aamarada cadawga iyo maangaabnimada Somalida
Qaylo dhaan ayaan sidaa,cadawga gudaha iyo kan dibada ayaan ka
digayaa,wadinagaan udigayaa ,qaran dumiyaan ka digayaa,daljire iyo dawlad doon ayaan u digayaa ,dhadhama raac ayaan ka digayaa .lakiin waxaan filayaa in aysan digniintan waxba tari Karin oo soomalida tahay indhaw garad meel aan saa u fogayn wax ka aragta abwaan Timacade ayaan hortay ku daalay oo ku tilmaamay dixdhagaxeed lakiin waajibka isaaran ayaan iska ridayaa. Waxaa curatay hogol daruur waxaana halmar loo sara kacay khudbadii Raisulwasaaraha uu ka jeediyay Baydhaba ,waxaan dad badan u fahmeen in geedi soo qaaday tubtii saxsanayd , lakiin maalintaa waxay ii ahayd maalin murugo ,waayo waxaa ii muuqday mawjado dhiig qubanaayo waxaana u arkay in dagaaladii sokeeye ee cadawga kaga faa’iidaystay soomalida ay dib u bilaabmeen. Calina wuxuu iska dhigayaa mid matala
beesha hawiye oo ka xanuunsanaya xasuuqa ay ku hayaan ciidamada itoobiya dadkiisa , soow kii lahaa argagixisa ayaa xamar joogta , halaga baxo inta u dhaxaysa warshada baasta ilaa gaashaan dhiga,goormuuse noqday nin ka damqada dhibka beesh uu matalo? Hadase mamaslaxadiisa ayuu wataa mise dan beel? Waxaan kaqabaa in aan lagu sirmin siyaasadana loona dhegtaago waxa kuxiga ,loona arko labada nin in ay isku mid yihiin ,mana jiro mid uroon soomaliya . hala iska qabto ninka oo laad halasii raaciyo ileen waa cadaw kalkaal aan maslaxa soomaaliyeed wadin oo dawladii lasoo unkay oo la islahaa dawlan la’aan bay dhaantaa NGO, lacagaheedana bangiyo lagu shubto. Markii la unkay maxkamado dadka ku dhaqa shareecada waxaa ka dhiiyay dad calmaaniyiin ah oo u haysta xadaarad in ay tahay in
manhaj aadami qoray laisku dhaqo lagana weecdo wadada toosan iyo kuwa si ahaanba uga weecday diinteena oo haysta diimo kale kuwaasoo u arko in xukun islaami ah oo kadhasha soomaliya uu ku faafi karo geeska iyo bartamaha afrika. Markii uu bilowday dagaalkii u dhaxeeyay Maxkamadaha iyo ciidamada Itoobiya soomali badan waxay u haysteen in dawlada dalkeeda hanan la’ ee malez madaxda kayahay iyo jawaasiistooda ay caano ku habayaan oo ay burcad madaxa u marinayaan, lakiin xaalku saas manoqon waxan indhaha lakal qaaday xili ay xeero iyo fandhaal kala dheceen oo da’ yartii xasuuq iyo jil dil lagula kacaayo ka dhigay. Lakiin waxaan jeclahay in aan idin xasuusiyo sida cadawga islaamka uu dabin ugu dhigayo muslimiinta daafaha dunida sida ciraaq iyo kala qaybinta firqooyinka,xamaas iyo fatax ,waliba sii quudaraynaayo in uu Iran kadhigo meel aan
xasiloonayn. Muraayadii dalka (muqdisho) waxa kasocda halkan ugama sheekayn karo waxaan kasoo anbabaxay july bartamaheeda xilli y ka socdeen boob suuqyada lagu hayay ,dil iyo xarigna laisugu darayey cidii lagu tuhmo in ay raaddaka
diinta kamuuqato masaajidada ayaa nalagala baxayay dadka oo indhahayga yaa markhaati madoonto ii ahaa 7dii july markii masaajidka Abaa hureyra dadka laga kaxaysanayay Gabgabadii waxaan kula dardaarmayaa soomaalida in ay kawardhawraan kulan sadex geesood ah kaasoo dhexmari doonaa i Alshabaabka iyo labada ku bahoobay danaha gaarka ah kadibna midka adkaado iyo Alshabaabka la eego midka hanta ciyaarta kama danbaysta ah . W/Q :cabdinuur muxamed axmed
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007


|