Cali Geedi waa Cumar Cartihii 2007
Markii koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya heleen madax
bannaainda 1960, waxaa dhibaato badan ay ka mareen mas`uuliyiintii markaas
qabtay hoggaanka dalka, sidii ay taageero ugu heli-lahaayeen in la dhiso
ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Safar uu ku tagay dalal ka mid ah reer galbeedka wasiirkii
koowaad ee xilligaas Alle ha u naxariiste mudane Cabdirashiid Cali sharma-arke,
ujeedada safarkaasi waxay aheyd sidii Soomaaliya ay u dhisan laheyd ciidan dadka
iyo dalka difaaca. Dawladihii reer galbeedka ee waftigii safarka ku tagay waxay
isku dayeen inay ku qanciyaan aragti ay ku mideys-naayeen oo aheyd/ahna “ In aan
soomaaliya u baahneyn ciidamo aan ahayen daraawiish beelaha geela kala dhacaya u
kala celiya iyo booliis ilaaliya ammaanka magaalooyinka. waxeyna uga jawaabeen
codsigii ahaa Taageerida dhismaho ciidan Soomaaliyeed, arin ay ayagu isu
xilsaareen, kuna filan yihiin”. Waftigii Soomaaliyeed kuma qancin maaweeladii
reer galbeedka, waxayna u hayaameen dhinaca reer bariga. Taageero raadintaas baa
waxay horseeday xiirkii dhexmaray Soomaaliya iyo xulafadii waarso oo Ruushku
horkacayo. Waxaa la isla gaaray heshiis labada
dhinacaba raali ku ahaayeen.
Dadaal badan ka dib, waxaa la dhisay ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed, oo markay xerooyinka ka soo baxaan uu shacabku ka dabo qamaamo
iyaga oo leh “ Xoogga dalka ha waareen waligood”. Waxay ahaan jirtay sharf u soo
hoyday reerkii wiilkoodu ama gabadhoodu galaan ciidamadii soomaaliyeed. Waxaa
soo gardaadshay, barbaariyay madax fiican, oo dadkooda iyo dalka daacad u ahaa.
Alle ha u naxariiste madaxdaas waxaa ka mid ahaa, labadii madaxweyne mudane Adan
Cabdille cisman, M. Cabdirashiid Cali sharma-arke, hoggaamiyihii jeenaraal
Daa`ud cabdille Xirsi iyo qaar kale.
Ciidamada xoogga dalka soomaaliya waxaa loo dhisay, ay ku
dhaarteen, kuna shaqeyn jireen inay dadka iyo dalka ka difaacaan cadowga. Waxay
ka soo dhalaaleen baahiddi loo dhisay, waxayna gaareen toddabaatanaadkii in lagu
tilmaamo inay kaga jireen caaradka ciidamada qaarada afrika. Ujeeddadii aheyd
difaaca dadka iyo dalka waxaan marin habaabiyay niman mas`uuliyiin sheeganaya,
una adeegsaday xooggii dalka Soomaaliyeed dantooda gaarkah, sababay inay
islaayaan, ka dibna qoryahii ku soo jeediyaan waxgaradkii iyo maataddii
shacabka.
Xubnahaas waxaa ugu dhibaato weynaa Cumar carte qaalib, oo
jagooyin kala duwan ka soo qabtay dawladihii soo maray Soomaaliaya, sida
safiirnimo, wasiirnimo iyo in uu madaxweyne Barre u magacaabay wasiirka koowaad,
wax yar ka hor burburkii xukuumadiisii. Carte wuxuu noqday “ninkii ugu horeeyay
taariikhda Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed
oo uu madaxa ka ahaa, inay qalabkay sideen iyo waajibaadkoodiiba ku wareejiyaan
qabaa`ilka bilaabihii1991. Dhacdadaan baa waxay jawaab waafiya u tahay su`aal
ay markasta isweydiiyaan dad badan oo aan soomaali aheyn” sidee hubku ciidamadu
u galay gacanta shacabka?
Mar labaad taariikhda ummadda Soomaaliyeed waxaa ku qormay
hadalkii wasiirka koowaad ee soomaaliya Cali Max`ed Geedi uu ka jeediyay
Huteelka ku yaal Beydhabo, isaga oo u waramaya taageerayaashiisa. Wuxuu yiri “
shacabka reer mogadishu ha iska celiyeen ciidamada diriiska sida ee dhibaya”.
Hadalkaasi wuxuu ahaa mid aan ku habbooneyn ruux mas`uuliyad sheeganaya.
Ciidamada diriiska sida waxay xamar ku joogaan, khaladka ay galaan iyo hawgalada
shacaka lagu dhibayo intaba waxaa madax ugu ah, awaamirta ka qaataan wasiirka
koowaad Cali Geedi. Marka beer-laxawsiga xilligaan iyo ugu baaqida shacabka
reer moqadisho inay ka horyimaadan ciidamada diriiska sida, waxay noqoneysaa
boor isku qarin . Hadalkaan wasiirka koowaad baa waxaa ku yaal sumad la mid ah
middii Cumar carte” burburinta ciidanka Soomaaliyeed, xaalad abuuris xaalad
colaadeed oo horseeda in dadka iyo dalkuba ay raad arooryo dib u raacaan,
madiidin iyo magana ahaadaan waligood.
Sidoo kale wasiirka koowaad eek u wajahsanaa xiisada
Laascaanood iyo jubooyinka, baa ahaa hadal muxur maran , maadaama uu aaminsan
yahay iska horkeenida shacabka iyo ciidamadiisa. Waxaan wada ognahay in nabad
iyo horumar ay horseedi-karto dawlad leh Madax shacabku ku kalsoon yihiin iyo
ciidan suga nabadgalyda iyo kala danbeynta.
Mar haddii wasiirka koowaad meesha ka saaray ciidan qaran,
ujeedada dhabta ahi uu leeyahay, waxay noqoneysaa xulufo goobid.
Markii la isku soo uruursho, waxaan soo sheegnay in hubkii ay
dawladii soomaaliyeed soo uruurinayeen 31 sannadoo ee ka horeeyay bishii koowaad
`91, uu galay gacanta shacabka. Intii ka danbeysana waxaa dalka ku soo
qol-qolayay hub fara badan. Shakina kuma jiro inay adag tahay in la soo celiyo
dawladnimadii iyo kala danbeyntii. xaaladda Soomaaliya waxay mareysaa meel sare
ee jaahwareersan.
waxaase hubaal ah haddii Alle idmo in Soomaaliya ay ku soo
laabaneysa sidii ay ahaan jirtay bari-samaadkii.Waxaan u rajeynayaa shacabka
soomaaliyeed inay ka badbaadaan musiibooyinka adduunka ee waayahaan xawaaraha
dheereynaya ku socomnaya.
Waxaa qoray: shakib dhowre
E-mail:
shakib_dhowre@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007


|