SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hargeysa oo kujirta riyo dheer mase urumoobi doontaa

  Abdirahman Mohamed
  gaambool@hotmail.com

Baryahan danbe waxaa ka dhacaya dhamaan gobolada hargeysa berbra burco ilaa tuulooyinka ku xeeran goboladan dabaal degyo ku saabsan weerarka gardarada ah ee ay ciidanka xumaan doonka ah ay ku qadaadeen shacabka ku dhaqan gobolka sool gaar ahaana maagalada lascanood kuwaas oo kufaraxsan duulaankaas in gardaraada ee ee ay kasoo qaadeen hargeeysa kuna tageen laascaanood
   
  Dadkan oo ah dad ay dilootey caadifac iyo xumaan ay u qabaan magaca somali weyn ayaa ah kuwo neceb midoowga somaliyeed isla markaana taas ka door biday mamaul qabiil dhistey isla markaana neceb isir ahaan meesha ay kasoo jeedaan dadka reer lascaanod,
  Kadib markuu dhacay dagaalkaa laascanood ayaa waxa maamulka waqooyi galbeed ee hargeysa ka dhisan balse iyagu ay isku yaqaaniin s/land ayaa waxaa kasoo baxaya hadalo kudheehan caadifad iyo xumaan qudhantey oo ay caloosha ku hasyteen mudo qarniyo ah taas oo kaaga muuqato hadalada ay ku hadlayaan mararka qaar markeey ka hadlayaan saxaafada caalamka iyagoo adeegsanaya erayo ciil iyo cadho ku dheehan tahay oo qabyaaladeysan oo ay u qabaan qomiyada dagta puntand balse aysan ogeeyn xaqiiqada dhabta ah ayna ku jiraan riyo dheer balse aan waligeed u dhaboobi doonin.   
   
  Hadii aad dhageeysato hadalada marka la wareeysanyo wasiirada, taliyayaasha ciidamada, xisbiyada, ururada dadweynaha, dhamanatood waxa ay wax ka sheegayaan dadka reer puntland iyaagoo usoo maraya hab qabiil isla markaana soo kala dhaweeysanaya laascaanood iyo garowe .   
   
  marka ay siyaasiyiinta daciifka ah ee hargeeysa jooga ay ka hadlayaan dadka walaaha ah ee wada daga laascaanood ilaa garoowe iyo bossaso ee kasoo wada jeeda hal qaamiyadood waxay sheegaan ineey neceb yihiin garowe ayse jecel yihiin lascanood balse aaney ogayn in dadkaas yihiin kuwo wada dhashey iskuna qabiila hadii aad soo faro gashatan aad adiga uun noqoneeysid qofka dhibaatooda isla markaana ka shalaayo oo yidhaada maxaa igu watey nimankaas walaalaha ah isoona dhex galiyey .   
   
  Run ahaantii maanta siyaasada ay kudhaqmeeyso maamulka hargeysa kadhisan ee s/land waa mid qabyaaladeed ayna usii dheertahay naceyb ay u hayaan umada kale ee somaliyeed ee aan iyaga ku abtirsan hadii aad joogto maanta hargeeysa oo aad tahay qof ka yimid gobolada kale oo aadan ahayn qabiilkla dega hargeysa waa lagu necbaysanayaa isla markaana lagu handadayaa xitaa hadii aad eegto dadka ka yimid borama ma jecla reer hargeysa.   
   
  Borama waa maagalo ku taala cidihifka gobolada waqooyii hadii aad eegto dadka degan gobolkaas 99% waa dad wadaniyiin ah isla markaana jecel midnimada umada somaliyeed hargeeysa oo ay isku jiraan 100 km laguma soo hadal qaadi karo midnimo somaliyeed
  Waxaan hubaa ninkan maanta maqaar saarka ah ee ay reer hargeeysa uyaqaaniin magac uyaal ee madaxweyne kusheega s/land ah in aanu manta laga jecleyn magaalada uukasoo jedo ee borama taasina ay ugu wacan tahay isagoo sharaftii iyo karaamadi ay lahayeen reer borama meel sare ku laaley
 
Maanta waxaan hubaa hadii ay heli lahyd borama wado ay soo marto ineey kasoo talaabsan lahayd hargeeysa oo ay somalida kale ee ay walaalaha yihiin lamidoobi lahayd isla markaana ay la wadaagi lahayd neecawda somaalinimo ee ay ku raaxeeysanayaan
 
Sidaas silamida ayeey rabaan afartan nin ee kasoo jeeda gobolka sool ee aan go,aanka lahayn isla markaana horkacaya ciidanka xumaan doonka ah ee kusoo duuley shacabka maagalada lascanod ineey sharafta iyo xurmada reer lascanood dhulka ula galaan sharaftana ka dilaan  waanse hubaa ineeysan taasi dhici doonin balse aan leenahay dad ehela oo naga naxa isla markaana nosoo gurmada marka tan maanta oo kale na qabsato
   
  Abdirahman Mohamed
  gaambool@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com