Warsaxaafadeed: Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland...
Warxaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge,
ayaa u qornaa sidan:
JAMHUURIYADA SOMALILAND
WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY MADAXTOOYADA JSL
23/10/07
Shirkii Golaha wasiirada oo uu godoominaayay Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir
Riyaale Kaahin oo ka dhacay qasriga madaxtooyada shalay oo Isniin ahayd waxaa ka
mid ahaa arimaha lagu falan qeeyay xaaladda ay kusugan tahay magaalada
laascanood, magaalo madaxda gobolka sool oo ay hada gacanta ku hayaan maamulka
Somaliland.
Waxaa uu madaxwaynuhu shirka usheegay in ay laga maar maan tahay in sifiican
looga tageero baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolka Sool oo in mudo ahba
dayacnaa.
Hadaba si taa looga howl galo waxa golaha wasiiradu ay isku raceen in cashuuraha
dalka laga qaado oo dhan 2% in la saaro is loogu daboolo baahiyahaa ka soo
kordhay gobolka.
Shirku waxaa kale oo uu isku raacay in golaha wasiiradu ay horeed ka noqdaan in
mushaharkooda halbil ay ugu deqaan kuna cawiyaan baahiyaha deg dega ah ee ka
jira gobolka Sool.
Shirka golaha wasiirada waxaa uu tibaaxay arimaha ugu muhiimsan ee ay laga maar
maan tahay in si deg dega wax looga qabto inay yihiin nabad galyada iyo
xasiloonida gobolka taas oo ay hada ku guda jiraan maamulka Somaliland ee
gobolkaas iyo waftiga balaadhan ee ka socda xukuumada Somaliland iyo
xildhibaanada golayaasha oo hada ku sugan magaalada laascaanood.
Alla Mahad Leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
Ahna la taliyaha Madaxwaynaha dhinaca warbaahinta
Wariye Mohamed mussa inji
Hargeysa
Somaliland
somalilandradio@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007


|