Maxaa dhici kara haddaan la raacin Talada Waalidka...?!!
WQ:
Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
Goortu waa caruurnimadii; waxaannu ahayn saddex wiil oo ay markaas
da'doodu u dhaxaysay 12:14-jir; dugsiga Quraanka iyo Waxbarashada caadiga ah,
intaba waannu wada dhigan jirnay; xaafaddana deris ayaannu ku ahayn. Waxaan
badanaaba wada ciyaari jirnay Kubadda, Buglaha, Yool-yoolka, Jarta iyo ciyaaro
kaleba.
Aniga iyo Saaxiibbadey, mar-mar ayaannu fiidyadii u tallaabi jirnay
Xaafado kale, iskuna deyi jirnay in aan faduul iyo daar-daarasho kula kacno
hablihii nala da'da ahaa ee ay markaas Naasuhu u soo baxayeen, ee degganaa
Xaafadahaas.
Falkaas waa ay iiga digi jireen Waalidkay, waxayna igu adkayn jireen: in
aanan habeennadii ka fogaan agagaarka Aqalka, kana qayb-qaadan wixii fal-xumo ah
ee ay ku kacayaan labadaas Saaxiib. Waxaan xusuustaa tusaaleyntii hooyadey ee
ahayd:-" Aniga Shuqul-xumo ma rabo, sheydaan ha raacin, shiddana ha i
gelin"..!!;.Laakin Caruurnimo awgeed si qota-dheer iima ay geli jirin
ereyadaas.
Goor Fiid ah ayay Wadaayadey ii yimaadeen, iguna boorriyeen in aan u
raaco Xaafado kale. Waa ay i foorjeeyeen, waxayna igu yiraahdeen:-" War ina
keen, maxaad meesha u fadhidaa, ma Ciyaal-maama ayaad tahay..."?!!. Aniga oo
Eraygaas (Ciyaal-maama) ka gilgilanaya ayaan raacay iyagii. Waxaana aan
fududeystay dardaarankii iyo taladii Waalidkey.
Waan daba-kacay, laakin haddana waxaan socday gadaashood meel qiyaastii
15-tallaabo iyaga ka dambeysay; waayo talooyinkii waalidkey ayaa laabta iiga
yiillay , oo aan hadba soo gocanayay.
Degmada Waaberi( Ex-Anzalote) ayaannu degganayne, markii aannu mareynay
agagaarka 'Sar-guduudda' ayay Gabar Naasa buurbuuran, inta ay ku dhowaadeen ka
tuujiyeen labada Naas. Dabadeedna Cagaha ayay wax ka dayeen(Carareen). Gabadhii
ayaa af-labadii qaylisay, oo aqalkooda oo meesha ka dhowaa dib u gashay, iyada
oo ku dhawaaqeysa:-" Abbow Muudde...fiiri kuwaan..Naasahey iga taabteen...".
Muudde oo nin 20-jir, xoog leh ahaa, ayaa durba Albaabka ka soo boodey,
isaga oo aad uga caraysnaa edeb-darrida lagula kacay Walaashiis.
Aniga oo aayar meesha iska luudaya ayuu wuxuu igu bilaabay feer iyo
fara-laab(haraati), isaga oo aan waxba kala hubsan .Wuxuu moodayay in aan anigu
ka mid ahaa kuwa ay ka sheeganeyso Walaashiis. Muudde aad ayuu iiga weynaa , oo
iskama aanan celin karayn, gabadhiina dib uma soo bixin si ay iiga badbaadiso
Darbooyinka is-daba-yaal ee uu ila dhacayo Walaalkeed.
Eraygeygii ahaa:-"Ani ma aha" iyo iska-caabbinteydii yareyn, waxba waa
ay ii tari waayeen, dabadeedna orod ayan isla geddiyay, waayo dirirta oo aan la
sii wado Muudde, ayaa waxaan ka baqayay in ay xagga Waalidka iiga keento canaan.
Intii aan sii cararayay ayaan haddana kufay, oo sii herdiyay dhagxaan
meel mugdi ah taallay, haalkaas oo ay iga soo gaareen dhaawacyo hor leh.
Waxaan Xaafaddii oo aan si dhib leh ku gaaray ku wada kulannay
Labadeydii Saaxiib, waa ay iska dhoolla-cadeynayeen oo ku faraxsanaayeen
taabashada Naaskii gabadha, sida iyaga oo gacanta la gaaray
'Xajarul-aswadkii'-Kacbada. Anigu waa aan neef-tuurayay, nabarro iyo dhaawacyana
waan qabay, kamana aanan qayb-qaadan taabashada(tuujinta) Naasihii Gabadha...!!
Taasu waxay ahayd Natiijadii khilaafidda iyo gees-maridda Taladii iyo
dardaarankii Waalidkey iyo weliba ku faraq-xirashada kuwa uu shuqulkoodu xun
yahay.
Murtiyo Soomaaliyeed ayaa ahaa:-
(a) Talo-waalid haddii la yeeli lahaa Lax Waraabe ma cuneen..
(b) Kor-waayeel haddii uusan wada caqli ahayn, waa wada indho...
(c) Dab uu Munaafiq shidayna, Mu'min ayaa ku gubta...
(d) Bannaankiisa mare Maradiisa Bowd ma qabsado...
W/Q:-Muxyaddiin M.Kaalmoy
- kalmoi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Oct 22, 2007
Dagaalo
Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...
Geeddi oo
Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo

Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq
luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada
Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan
C/llaahi
iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Oct 21
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii
Itoobiya loo dhiibay

