SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Boqorraddii Meerayaasha

(keliya waxaan sheegi karaa in toban sano jirkeygoo mayd aan waxba dhaamin uu yaalay isaga oo aan daboolneyn god ku yaala Deegaanka Arizona ee dalkaasi Mareykanka).

      Akhristayaal waa sheeko xiiso leh, taas oo laga soo guuriyey Buuk Sheeko oo Ameerikaan ah, waxaana sheekadani lagu magacaabaa (Boqorraddii Meerayaasha), waxaana qoray, qoraa Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Mister Burroughs, waxayna ku saabsan tahay sheekadani nin safar aan caadi aheyn ku tagay Meere (Dhul aan dhulka Bini’aadamku ku nool yahay aheyn oo Cilmiga Juqraafiga lagu sheego, alle ayaase og) xiligii 1800-kii, waxa uuna ninkaasi halkaasi kula kulmay waxyaabo mucjiso ah isagoo arkay muuqaalo ka yaabiyey, waxa uuna markii hore ninkaasi noqday maxbuus, kadibna waxa uu ka mid noqday askarta Meeraha, dagaal badan oo uu galay kadibna waxaa u suuragashay inuu ka mid noqdo qoys reer boqor ah oo iyana ku noolaa Meere (Dhul)  aan aheyn kan uu markii hore tagay ninkaani.

      Ninkaan oo lagu magacaabo John Carter ayaa sheekadda oo uu naftiisa ka sheekeynayo waxa uu ku bilaabay sidan:

      Waxaan ahey nin da’ ah, inta sano oo ay da’deedu tahayna ma garanayo, waxaa macquul ah in boqol aan gaaray amaba aan kor u dhaafay, laakiin xaqiiqdii ma sheegi karo, maxaa yeelay weligey ma xisaabin da’deeyda sida looga bartay ragga kale, inkastoo taasi jirto haddana in badan oo nolosheyda ah ayaan xasuustaa, maanta afartan jir ayaan u muuqdaa, da’daas oo aan sanado badan ka hor ahaa, laakiin waan rumeysanahay in weligey aan noolaan doonin, maalin un baan dhimanayaa dhimashada dhabta ah oo aysan jirin cid ka baxsan karta, ma garanayo waxa aan uga baqdo dhimasho, horey baan labo goor u dhintay laakiin hadda waan noolahay.

      Weligay horey ma aanan u sheegin qisadan igu dhacday, waxaan ogahay in maskaxda Bini’aadamku marnaba aamineyn, maxaa yeelay qisadeydu ma ahan mid la fahmi karo, mana sharixi karo waxa igu dhacay, keliya waxaan sheegi karaa in toban sano jirkeygoo mayd aan waxba dhaamin uu yaalay isaga oo aan daboolneyn god ku yaala Deegaanka Arizona ee dalkaasi Mareykanka.

      John Carter oo intaa horudhac ka dhigtay ayaa Sheekada horey u sii galay, waxa uu yiri:  waxaan ku noolaa Gobalka Virginia ee dalka Mareykanka, halkaas waxaa ka dhacay dagaalo sokeeye, waxaa dhacday in dhibaatada jirtay ay i gaarsiisay in aan Hoy la’aan noqdo, lacag wixii aan haystayna iga dhamaato, sidoo kalana ay igu dhacdo shaqo la’aan, waxaan go’aansaday in aan keeno qorshe aan nafteyda ku maareeyo oo wanaagsan, waxa uuna qorshaheygu noqday in aan baadi goobo Dahab, kaas oo lagu sheegay in laga heli karo lama- dagaan ku yaala Koonfur galbeed Ameerika.

      Mudo ku siman hal sano ayaan ku bixiyey raadinta Godadka dahabka laga helo, waxaana safarkaasi igu wehliyey nin askari hore ahaa oo la oran jiray Kabtan James Powell oo qudhiisa reer Virginia ila ahaa, runtii nasiib wanaagsan ayaan yeelanay markii hore, maxaa yeelay sanadkii 1865-kii ayaan helnay Dahab ku dhegan dhagxaan, Saaxiibkeyga safarka igu wehliyey ee Powell isagu wax xoogaa Cilmi ah ayuu u lahaa Dahabka iyo astaamihiisa iyo qiimihiisa, waxa uu igu wargeliyey in aan helnay Dahab u qalma hal Milyan oo Doolar, waxaana is tusnay in haddii aan shaqada sii wadno aan heli karno Dahab fara badan, balse dhanka kale ayaan iyana iska tusnay in aan nahay labo nin oo aan wadan qalab sidaasi u casriyeysan, sidaa darteed ayaan go’aan waxaan ku gaarnay in Powell uu aado Tuulada noogu dhow si uu noogu raadiyo qalab iyo waliba rag nagu caawiya shaqada.

      3-dii Maarso1866-kii, ugu dambeyn Powell waa uu iga tagay isagoo u dhaqaaqay go’aankeena sidii uu u hirgelin lahaa, waxa uuna qaatay Faras isagoo ka sii daadagay buuro dhaadheer oo ku yaalay meesha aan joognay oo dooxo ahayd, aniguna in cabaar ah ayaan sii fiirinayey ilaa uu Saaxiibkey iiga muuqan waayo.

      Subixii Powell iga dhaqaajiyey waxay iila mid ahayd subaxyada kale ee Lama-dagaanka Koonfur Galbeed Ameerika, iyadoo subaxaasi ahaa mid iftiimaya oo qurux badan.

      Wax badan kama soo wareegan markii anigoo socod ku goynaya Dooxadii aan arkay saddex nin oo saarnaa Fardo oo goob ku wada sugnaaa, waxaan isna goobtii meel aan ka fogeyn ka arkay Saaxiibkey Powell, in mudo markii aan kor ka eegayey, waxaan niyadda ka goostay in saddexda nin yihiin caddow, waliba ay ka tirsan yihiin Qoomiyadda Hindida Cascas (Cali-Baystayn) ee wadanka Mareykanka ku nool.

      Saaxiibkey Powell, waan la socday in uu si fiican u hubeysnaa, isla markaana uu ahaa Askari khibrad leh, laakiin meesha way ku jirtay in uu u baahnaan karo caawimaad, waxaan la soo baxay hubkeygii ii saarnaa Faraska, waxaan sidii ugu macquulsaneyd oo ugu dhaqsiyaha badneyd isugu shubay dhankii Powell bidhaantiisu iiga muuqatay. 

      Waxaan hadba qar ka soo boodo, oo dhul soo jeexaba, habeenkii ayaa dusheyda ka madoobaaday, malaha bindhaanta aan kor ka arkay waxaan islahaa way kuu dhawdahay, laakiin waxaa ii cadaatay in meesha aan saarnaa oo dul sare ahayd i qaladay, waan deg degay oo socodka xawaarihiisaan kordhiyey, waxaan bartanka uga soo dhacay xero yar, waxaan isha ku dhiftay Saaxiibkey Powell oo dhulka yaala, kama aan fikirin wax aan qabto, balse isla markiiba ficil ayaan ku dhaqaaqay, waxaan la soo baxay qorigaygii oo waxaan bilaabay in aan rasaas ka rido, markaasoo kooxdii Cali Baystaanka ahayd ay ila yaabeen oo ay cagahana wax ka dayeen (Carareen), Faraskeygii ayaan amar ku siiyey in uu xerada iyo halkii Powell dangiigay i dhex geeyo, markii aan Powell dul tegay ayaan garabka ka qabtay oo Faraskii si halhaleel ah dusha uga saaray, Faraskeygii baan kula hadlay in uu Xawaaraha ugu badan ee uu awoodo igula dhaqaaqo, kooxdiise Calibaystaanka ahayd waxay ogaadeen in aan nin qura ahay oo aysan cidina i wehlin, waxayna bilaabeen in ay i soo raacdeystaan, si lama filaan ah ayaan ugu soo dhacay dhul wadooyinkiisu qaab xun yihiin oo ay adagtahay in Farasku qoobka si fiican u dhigto. 

      Wadada aan ku socday ayaa marba marka ka dambeysa kor u sii kaceysay, boqolaalo Mitir markii aan sidaasi kor ugu sii socday ayaan gaaray god weyn afkiis, waxaana markaasi dilaacay Subixii, waan ka degtay Faraskii anigoo Saaxiibkey Powell dhulka ka soo dhigay Faraska, waxaan u holaday in aan biyo siiyo, laakiin waa uu iga qaadan diiday, waxaanse garowsday in Saaxiibkey Powell mar horaba ruuxu daayey (Dhintay), maydkiisii baan godka afkiisa dhigay, anigana horey ayaan godkii u sii galay, madaama cadow i eryanayey, waxaan bilaabay in aan godka sahan ku sameeyo anigoo markaasi raadinayey meel aan ku badbaadi karo, amaba xitaa aan ku baxsan karo, laakiin midda la yaabka lahayd waxay ahayd waxaa si deg deg ah ii saaqday hurdo daran, taas oo igula hadleysay in aan madaxa dhulka dhigo, jirkeygii ayaa soo cuslaaday, waxaaba dhib igu noqotay in aan dhaqdhaqaaqo, sidaa darteed ayaan isku tiiriyey godka qarkiisa, waxaan sidoo kale gartay in xitaa Gacamaha iyo lugaha nuux nuuxsi uusan ka jirin, waxaana wajigeyga ku soo cabiray godka afkiisa, waxaana arkayey qayb ka mid ah wadadii meesha i keentay, anigoo ilaaleynayey kooxdii i soo daba haysay, nasiib-daro way i arkeen, laakiin wax aan qaban karay ma jirin.

      Daqiiqad gudaheedna mid ka mid ah ayaa dhankeygii soo beegsaday, waa uu i fiiriyey, laakiin iguma soo dhawaan, indhihiisu waxay ahaayeen kuwo cabsi ka muuqato, afkana waa uu kala hayey sidii bahal xayawaan kale u dilan yahay, gadaasheyda ayuu fiiriyey isla markiiba, kadibna waaba uu cararay,  taas oo qudheyda iga yaabiysay, anigoo waxba gadaal eegin, baa si deg deg ah waxaa dhagaheyga ugu soo dhacay cod hoose oo nuxuus ah oo gadaasheyda ka imaanayey. 

      Intii kale ee kooxda Cali-baystaanka ka mid ahayd iyana cagaha ayay wax ka dayeen, qayladii gadaasheyda waa godka dhexdiisee ka burqaneysay wayba ka sii dartay oo markaan dhego jabis ayay gaartay, laakiin anigu weli dhaqdhaqaaq ma sameyn kareyn, mana awoodin in aan jaleeco waxa gadaasheyda ka yeerayey, maalintii oo dhanna xaaladaas ayaan ku sugnaa, mar kale ayaan isku dayey in aan madaxa kor u qaado waanse awoodi waayey, waxaanse maqlayey in codku ka sii darayo, wuxuuna markaan u ekaaday sidii biro la jajabinayo, waxaan xoogaa awood u yeeshay in aan istaago anigoo kaashanaya darbiga godkii aan ku jiray, waxaan eegay meeshii ay jabaqdu ka socotay, mise waxaaba taa ka sii daran jirkeygii oo is bedelay, waxaan ka baqday xitaa in aan taabto korkeyga, qayladii ka socotay godka iyo muuqaalka jirkeyga ayaa igu qasbay in aan dibadda u soo baxo, laakiin tartiib tartiib ayaan godka ugu laabanayey oo waxaa i jiidayey wax aanan arki kareyn, habeenkaas jawiga deeganka  Arizona ayaan fiiriyey, waxaan arki karayey xidigo fara badan, iyo waliba muqaalo iga yaabiyay oo ahaa Meerayaal (Dhulal) gudguduudan qaarkoodna kalaro kale lahaa oo samada iiga muuqanayey, sidii aan daawashada ugu jiray ayaa daqiiqad gudaheed Indhaheygu xirmeen, waxaana yimid qabow daran iyo waliba mugdi haddii isha farta lagaa gelinaya aadan waxba arki karin, si lama filaan ah ayaa hurdo qoto dheeri iigu soo degtay, mana garanayo wixii markaasi kaddib dhacay, waxaanse indhaha ku kala qaaday anigoo jooga dhul layaab leh, isla markaana waxaan garowsaday in aan dul joogo mid ka mid ah meerayasha Addduunka, xaqiiqdu waxay tahay su’aal iskama weydiin, laakiin maskaxdeydu waxay ii sheegtay in aan meere dul saaranahay, sida ay maskaxdaadu kuugu sheegi lahayd in aad dhulka ku sugan tahay. 

      Waxaan is arkay aniga oo dul jiifa Sariir caws ka sameysan oo kalarkeedu yahay Jaale, isla markaana ku fadhida dhul dhowr Kiilo Mitir ah, waqtiga waxaan ku qiyaasay maalin bartankeed, qoraxduna dushayda ayay ka ifeysay oo waxay ahayd mid diiran, waxaan go’aansaday in aan indha-indheeyo halka aan ku suganahay sida ay tahay, istaag baan maagay, oo waxaa i daftay hawada anigoo dhowr fiid dusha sare u baxay, waxaan helay la yaabkeygii ugu horeeyey ee Meerayaasha dushooda, isku daygii ugu horeeyey ee aan doonayey in aan ku istaago ayay dabayshu hal mitir kor ii dhifatay, haddana dhulka ayaan si tartiib ah ugu degay, iyadoo wax dhaawac ah oo i gaaray aysan jirin, waxaanse iska dhaadhiciyey in aan baran karo ku socodka dhulkaan cusub ee aan dul imid, waxaan maqli jiray in Meerayaasha qaarkood ay ka cuf-isjiidad yar yihiin dhulka caadiga ah ee Bini’aadamku ku nool yahay, socodkeygiina waxa uu noqday in aan boodboodo oo aan hawada sabeeyo, waxaan gartay in xoog dhaqdhaqaaq oo ka yar kii dhulka la iiga baahan yahay haddii aan doonayo in aan awood u yeesho socod, darbi yar oo gaaban baan koray hoostiisii baan fiiriyey, waxaan arkay Ukxaan (Ukumo) tiro badan oo daadsan qaarkoodna ay goor horaba dilaaceen oo ay af yeesheen, waxaana iiga dhex muuqday Muuqaalo nool nool oo yar, midab cagaarana leh, mar qura ayayna indho tiro badan oo laga cabsan karo igu soo fiiriyeen. 

      Sidii aan u fiirsanayey maqluuqaadkii fajaca igu abuuray, waxaan dhabarkayga dambe ka maqlay shanqar, aan soo eegayba waa maqluuqaad kuwii aan fiirinayey ka waaweyn oo socda, isla markaana mid ka mid ah uu dhankeyga u soo ruqaansanayo isagoo wata Waran dheer oo caarad fiiqan leh, aadna moodana in uu caaradda waranka Wadnaheyga ku shiishayo. 

      Maqluuqaadkaan dhamaantood waxay wateen warmo wada caarad leh, waxayna saarnaayeen xayawaano gaadiid u ahaa oo runtii qudhooda waaweynaa oo cajaa’ib ahaa, mid kasta oo ka mid ah maqluuqaadkaanna waxa uu sitay hub dhowr nooc isugu jiray oo isna iga yaabiyey, mid kale oo iyaga ka mid ah ayaa Xayawaankii uu saarnaa ka soo degay oo xageyga u soo saan-qaaday, dhererkiisa ugu badnaan waxa uu gaarayey shan Mitir, midabkiisuna waxa uu ahaa Cagaar Tiq ah, ilko badana wajigiisa ayay ka soo taagnaayeen, saansaankiisa guudna waxa uu u muuqday mid cabsi leh, waxaana gartay in aan bartanka uga jiro xaalad xun, isagiina dhankeyga ayuu u soo deg degay isagoo warankii iigu hanjabaya, anigu gebi ahaanba  wax hub ah ma wadan, mana awoodi karin in aan dagaalamo, keliya fursaddaan heli karay waxay ahayd in aan baxsado, waxaana maskaxdeyda mar qura ku soo dhacday inaan horey u kasbaday waxyaabo mucjiso ah oo aan dhulka sare uga kici karo, sidaa darteed ayaan u diyaar garoobay in aan sidaasi ku baxsado, markii uu igu soo dhawaaday ayaan ka dul booday, waxaase la yaab noqotay in ay kuwii kale mar qura ila amakaagaan, waxayna bilaabeen in ay i daawadaan, waxaa jawigooda ka muuqatay la yaab ay iga qabaan, way isku soo uruureen oo ay bilaabeen in ay faqaan, markii ay isla hadlayeen ayaan goostay in aan baxsado, si kastaba ha ahaatee waxaan garawsaday inay wataan aalado qatar ah oo aanan ka baxsan karin, sida Qoryo culus oo ay xambaarsanaayeen, sidaa darteed iskuma dayin in aan cararo.

      In cabaar ah markii ay ila fajacsanaayeen ayaa mid u soo beegsaday, intii uusan i soo gaarin ayuu istaagay oo gacantiisa ka soo furay Bir ku dahaarneed, isagoo ii soo taagay, waxa uuna igula hadlay Luuqad aanan garaneyn oo iga yaabisay, wuxuu sidoo kale dhulka dhigtay hubkii uu watay, waxaana markaan tan u fahmay calaamad muujineysa nabad iyo in uusan dooneyn in uu i waxyeeleeyo, aniguna waan ku dhaqaaqay oo cod jilacsan ayaan Magaceyga ugu sheegay, waxaana u sii raaciyey in aan nabad doonayo, waxaanse gartay in uusan i fahmi karin, laakiin calaamad ayaan muujiyey oo aan ugu micneynayey in aanan dagaal u socon. 

      Si tartiib-tartiib ah ayaan isku fahanay, kooxdii ayaana ku biiray, waxa uuna i siiyey birtii gacanta ugu daboolneyd, tilmaan ayuuna gacanta iigu bixiyey si aan u raaco iyaga, waxaana wada fuulnay Xayawaankii weynaa ee Mucjisada ahaa ee uu markii hore isagu saarnaa, si dhaqsi ah ayaan ugu dhaqaaqnay dhul buuraley ah, oo aad madoobaba in ay dusheena ku soo foorarsanayeen, waxaadna u maleyneysaa in aad bartanka u joogto badweyn dhimasho. 

      Waxaan dhul soo jarnaba oo marba Dooxo ka soo daadegnaba, waxaan markii dambe soo gaarnay Magaalo yar, markii hore Magaalada dhaqdhaqaaq la’aanteeda waxaan u maleeyey in aysan cidina joogin, dhismayaasheeda waxay ahaayeen kuwo dayactir la’aani ka muuqato, laakiin si dhaqsi ah ayay indhaheygu u qabteen Boqolaalo maqluuqaadka ila socday oo kale ah, qaarkoodna ayba ka sii yaab badan yihiin, sidii Bini’aadamkii ayay Lugo iyo Gacmo, iyo Waji leeyihiin laakiin midabka iyo jirka waa ay ka gedisan yihiin bini’aadamka caadiga ah, waana Maqluuqaad xajmi weyn leh, waxaan arkay Haween iyo Carruur wada cagaaran, waxaana bartay magaalooyin kale oo iyana noocaan oo kale yihiin waxa ku  nooli, Maquulaadkaan cagcagaarani oo qaar ka mid ah Meerayaasha dunida ku nooli, waxa caado u ah inay mudo todobaad gudihiis ah ay dhowr magaalo isu maraan, micnaha inay mid ka guuraan oo ay mid kale degaan. 

      Waxaan ka soo deganay Xayawaanaadkii aan dusha ka saarneyn, waxaana u dhaqaaqnay dhismayaashii xaggooda, waxaan galnay qol weyn kaas oo ay ka buuxeen kuwo kale oo cagaaran oo wajiyadoodu ka muuqato caro, runtii wax shaki ah kuma sugneyn in kuwaani ahaayeen Madaxda deegaanka, mid ka mid ah ayaa gacanta iga qabtay, waa uu i ruxay, isla markaana kor iiga qaaday dhulka, waa uu qoslayey markii uu sidaasi sameynayey, waxaan ogaaday in Noolayaasha cagcagaaran ee Meerayaasha keliya qoslaan marka ay cid kale xanuujiyaan ama ay dhib u gaystaan, dhulka ayuu dhowr jeer igu dhiftay, markii dambase kor ayuu ii soo qaaday isagoo gacanta igu dhegan, anigu waan xanaaqay, waxaan wajiga kaga dhuftay gacanteyda oo xiran (Feer), taas oo ahayd waxa keliya oo aan sameyn karayey, isna dhulka ayuu ku dhacay wax dhaqdhaqaaq ahna ma sameynin, intii kale ee qolka ku jirtay ayaa mar qura wada aamusay, waxayna la yaabeen in gacantayda oo keliya dhulka dhigtay mid iyaga ka mid ah oo ay xoog ku tuhmayeen. 

      Markii ay intaasi dhacday ayaan ka soo yara durkay oo u diyaar garoobay inaan sameeyo wax kasta oo aan isku difaaci karayey, laakiin iyagu ma dhaqdhaqaaqin, balse kii markii hore i soo waday ayaa i soo aaday waxa uuna cod jilicsan ku yiri (TARS TARKAS ---- TARS TARKAS), isagoo markaasi fartiisa ku taabanaya xabadkiisa, waxa uu ii sheegayey magaciisa, aniga sidoo kale ayaan xabadka farta saaray oo u sheegay in magaceyga la yiraahdo John Carter, waa uu jeestay waxa uuna ku dhawaaqay erey ahaa (Sola), si deg deg ah ayaa waxaa goobti ku timid Haweenay cagaaranayaasha ku jirta, waa uu la halday, markii ay hadalkooda dhameysteen ayaa i soo aaday oo ii horkacday dhismo kale iyadoo I geysay qol wanaagsan. 

      Qolka waxaa ku xareysnaa qalab la mid ah kii ay ku hubeysnaayeen maqluuqaadkii cagcagaarnaa ee isoo waday, Haweeneydii i soo waday ayaa cunto ii soo diyaarisay, runtii gaajo daran ayaa i haysay, sidaa darteed cuntadii waan cunay, anigu ma af garanayo iyada, sidaa darteed ayaa anigoo iyada tilmaamaya ku iri ereygii hore ee (Sola), iyana aniga ayay i tilmaantay oo magaceygii ayay igu tiri, Haweeneydaasi Sola waardiye ayay iga noqotay, sidoo kalana Macallimad ayay ii noqotay, waqti yar gudihiisa isku soo dhawaansho ayaa jiray, markii dambana saaxiibo ayaanba noqonay, aniguna qolkii ayaan isaga jiray, wuxuuna waqtigu iigu kala qaybsanaa mar aan wax cunayo iyo mar aan baranayo Luuqadda dadkaan cusub ee aan la joogo. 

      Labo maalmood kadib, ninkii TARS TARKAS  ahaa ayaa qolkii iigu yimid, waxa uuna siday hub iyo biro ay dadkaani gacamaha ku xirtaan, waxa uuna dhigay qolka oo uu horey u yiil hub, Haweeneydii Sola ayaa u sheegtay in aan haatan wax ka bartay luuqadooda, sidaa darteed waa uu i soo jaleecay si hoosana iila hadlay, waxa uuna yiri, “ninkii aad feerka ku dhifatay waa uu dhintay, hubkiisii iyo Bir gacmeedkiisii adiga ayaa lagugu wareejinayaa”, isagoo hadalkii wada ayuu sii daba dhigay “ninka aad dishay waxa uu hogaamiye u ahaa koox dadkayaga ka tirsan, maadaama aad adigu dishayna haddana waa in aad hogaamiye u noqotaa kooxdaasi”.  TARS TARKAS ayaa dhanka kale ii sheegay in aan maxbuus ahay oo aan fasax aheyn, basle si kasta ha ahaatee kalsoonida ay dadkiisu igu qabaan ka soo rayneyso. 

      Intii uu ila hadlayey ayaa waxaa ilinka soo istaagay Xayawaan isna qaab dhismeedkiisa aad la fajaceysid, qiyaastii Eey waa uu ka balaarnaa kana weynaa, waxa uuna ahaa mid fool xumo isku baheysatay, waxa uu lahaaa ilko safan oo fara badan iyo toban lugood oo gaa-gaaban, Tars Tarkas ayaa  la hadlay Xawaankii iguna soo tilmaamay, isna waa uu iska baxay, Xawaankii la yaabka lahaa waa uu i fiiriyey, isagoo igu soo dhawaanayey, kadibna Sola ayaa bilowday in ay warbixin iga siiso xawaankaan waxa uu yahay, waxayna hadalkeeda ku bilowday “Maqluuqaan magaciisa waxaa la yiraahda Woola, raggeena ayaa u isticmaala dagaalka iyo waliba Ugaarsiga, waxa uuna haatan halkan u yimid in uu adiga ku waardiyeeyo kuna ilaaliyo, sidoo kale waxaa lagu wargeliyey in aadan baxsan, ma jiro maqluuq ka dheereeya oo ku nool Geyigeena, xagga dagaalka si dhaqsi ah ayuu wax ku dilaa, marka John Carter ha isku dayin in aad baxsato, haddii kale Woola waxay ku jeex jeexi donaa sidii warqaddii” 

      Intaas markii ay Sola ii sheegtay, waxaan iska sii watay daawashada maqluuqaan Woola la iigu sheegay, horey ayaan u arkay sida ay dadka halkaan ku nooli ula dhaqmaan maqluuqaadka kale, runtii waa xaasidiin, waxaan ku fikeray in aan xawaankaan la ii keenay is baro, sida Eeyaha caadiga ah ee aan garanayo dadku isku baraan, waan ku dhawaaday oo bilaabay in aan la haldo anigoo ula hadlaya sidii aan Eey ula hadli lahaa oo kale, meel agtiisa ah ayaan fariistay hadal jilicsana kula hadlay, laakiin markii hore waxa uu u muuqday in uu igu jahwareersan yahay, waxaan iska dhaadhiciyey in naxariis aan lagala kulmeyn xawaankaan, laakiin maalmihii xigay waxaa isa soo tarayey kalsoonida aan siinayey Woola iyo midka aan anigu ka helayey, anigoo si kis kis ah u baranayey, waxayna markii dambe Woola noqotay saaxiibtey qataraha iga ilaalisa mudadii dheereed ee aan Meeraha dul joogay. 

      Dhowr maalmood kadib Sola ayaa ii timid, iyadoo arrin weyn ii wada, waxayna ku qaylineysay “John Carter i soo raac, Dagaal ayaa socda, caddow ayaa ku soo dhawaaday Magaaladeena, waa in aan dagaal iyo sidii aan ku baxsan laheyn u diyaar garoownaa”, intaas markii ay tiri ayaan weydiiyey waxa uu Caddowgu yahay, waxayna ii sheegtay in Qawmiyad kale oo ku nool Meere kale soo weerareen, waxayna sidoo kale ii sheegtay inay wataan qalab casri ah, isla markaana ay Buuraha nagu dhow soo gaareen, iyadoo amar igu siisay in aan hubka qaato kana dhaqsano meesha.

      Hubkii ayaanu qaadanay, si halhaleel ah ayaana dhismihii Magaalada Banaanka uga baxnay waxaan ku biirnay kooxo kale, dhamaanteena dhankii caddowga laga sheegayey ayaan beegsanay, waxaa meel dheer iiga soo muuqday wax dayaxgacmeed oo kale ahaa, waxayna furayeen xabado, iyadoo sidoo kale qaraxyo badan dhacayeen, kooxdii aan la socday waxay bilaabeen in ay iska caabiyaan iyagoo isticmaalayey hubkooda aan sidaasi waxtarka u laheyn, dhamaan jawigii meesha waxaa buuxiyey rasaasta iyo halganka dagaal ee socday, si lama filaan ah ayaana dhowr ka mid ah wixii Dayaxgacmeedka u ekaa ee ay wateen caddowga la sheegayey dhulka ugu soo dhaceen iyagoo qarxay, waxaana koray kooxdii aan la socday, markii dusha sare la isugu tagayna waxaa halkaasi ka bilowday dagaal xoogan oo gacmaha la isula tagay, waqti yar kadibna waxaa kooxdii aan ka mid ahaa u suuragashay in ay la wareegaan gaadiidkii ay wateen caddowga soo duulay, iyagoo ka qaatay kuwii qarxay dhamaan wixii wax tar lahaa. 

      Ugu dambeyntii, waxay halkaasi ku qabqabsadeen maxaabiis dhowr ah, maxaabiistii la soo qabtay markii ay igu soo dhawaadeen, waxaan ka dhex arkay Haweenay, taas oo lahayd suurad Bini’aadam oo kale, waa ay yareed, jirkeeduna waxa uu ahaa mid iftiimaya oo guduudan, runtii gebi ahaanba waxay lahayd midab maariin ah. 

      Wax aan fiiriyaba waxaa markii dambe ii muuqatay in gabadhu ay qurux badan tahay, waxayna lahayd waji quruxoon oo ay ku yaalaan indho madmadow, waxay kaloo lahayd Timo madow oo dhaadheer, sidii ay raggii waday u soo horkacayeen, markii ay igu soo dhawaatay ayay i aragtay, runtii la yaab ayaa wajigeeda iiga sawirmay, sidoo kale wajigeeda ayaa waxaa iiga muuqday rajo, aan runtii u fahmay in ay maleysay in aan garab siin doono, laakiin wax isku day ah oo ah in aan la hadlo ma aanan sameynin, isla markiina wajigeeda ayaaba murugo fuushay, waxay ii fiirisay si hoose oo cabsiye ka muuqato, aniguna waan fiirinayey ilaa ay iga miriqdo, intii aan jawigaasi ku sugnaa waxaa i ag taagneyd Sola oo si weyn ula socotay dareenkeyga, aragtayna in aan mashquulay. 

      Sola ayaa ila hadashay, waxayna i tiri “John Carter, naagtaasi xaalad xun ayay bartanka ka taagan tahay, waad u jeedaa ayaan u maleynayaa inay maxbuus tahay, waxaana la geyn doonaa Xero weyn oo la isugu keeno dadka maxaabiista ah, halkaas waxaa ka dhaca falal xun oo dadka maxbuuska ah loo gaysto, oo natiijada dambe waxay noqotaa in noloshooda loo aqoonsado, runtii markii ay intaasi dhacayaana dadkeenu waa ay ku raaxeysanayaan oo waa caadadooda”. 

      Intaas markii ay Sola igu wargelisay ayaa Sola wajigeeda waxaa ka soo muuqday murugo, waxaan ka gartay in dhaqankaan ay sameeyaan dadkeedu aysan ka helin, isl markaana ay neceb tahay, sidoo kalana aysan dooneyn waqtigaa in ay aragto gabadhaa yareed dhimashadeeda, runtii wayna ka aragti duwaneyd dadka kale ee Qoomiyadeeda ka tirsan, sidaa darteed ayaan si aan u ogaado dareenka dhabta ah waxaan weydiiyey in ay iyadu ka hesho cayaaraha noocaan oo kale ah iyo in kale. 

      Sola ayaa igu jawaabtay “John Carter, Hooyadey ayaa ku dhimatay cayaartaan foosha xun, ma xasuusataa darbigii uu ninka la yiraahdo Tars Tarkas kaa soo helay, Ukumihii yiilay, waa Ukumo runtii aan anagu ka farcano, micnaha anaga aad noo jeedid asalkeenii hore Ukumo fiiqmay ayaan ka nimid, sidaa darteed Ukumaha meel ayaa lagu wada uruuriyaa, laakiin Hooyadey si ay ii  garato ayay meel ku qarisay Ukunteydii, sidaas ayey sirteedu u qarsooneed ilaa ay ukunteydii ka fiiqanto, laakiin markiiba dad ayaa fashiliyey sirtii Hooyadey, kadibna waxaa loogu goodiyey inay dhiman doonto oo ay cayaartaan foosha xun isku diyaariso, intii aan xerada la keenin ayay Hooyadey meel igu qarisay, sidaas ayaana Hooyadey markii dambe iyana ku dhimatay, runtii arrintani waa sir, ma doonayo in qof kale aad u sheegto waa in aad qarisaa, haddii la ogaado aniguna waan dhimanayaa la soco”. 

      Sola ayaa intaasi ii sii raacisay “Hooyadey intaysan dhiman ka hor waxay ii sheegtay Aabbahay magaciisa, aniga keliya ayaa taas ogonaaya, cid aan u sheegayo ma jirto, maxaa yeelay dadkeenu waa xaasidiin aan jixinjix aqoon”. 

      Maalintii xigtay, waxaan soo galay qolkii weynaa oo uu kulanku ka dhacayey, Haweeneydii guduudneed ee maxbuuska ahayd halkaas ayaa la keenay,  isla markiiba hogaamiyihii kuwii cagcagaarnaa ee aan la joogay ayaa qolkii yimid, magiciisa waxaa lagu sheegayey Lorquas Ptomel, waxa uu bilaabay in uu la hadlo gabadhii maxbuuska ahayd, isaga ayaa hadalka bilaabay oo weydiiyey cidda ay tahay iyo waliba magaceeda. 

      Haweeneydii ayaa ugu jawaabtay “Anigu waxaan ahay Boqorad, magaceygana waxaa la yiraahdaa Dejah Thoris, waxaana ahay gabar uu dhalay Boqor Mors Kajak oo boqor u ah Qoomiyad lagu magacaabo Hellium, baaritaan cilmiga sayniska la xiriirta ayaanu sameyneynay, waxaana dooneynay in aan wax ka barano hawada iyo waliba gibisha hawada, maxaa yeelay waxaa Qatar ku sugan nolosha dadkeena, sidaa darteed ayaan waxaan baadigoobaynay meel hawo laga heli karo, maadaama meeraha aan ku noolnahay hawadu ku yaraaneyso, sidaa darteed adinka ayaa na soo weeraray, ee maxaad noo soo weerarteen?”. 

      Sidii ay u hadleysay gabadhii mid ka mid ah askartii meesha joogtay ayaa dhankeeda u soo dhaqaaqay, wajiga ayuuna ku dhiftay, dhulka ayayna ku dhacday, lugta ayuu dhabanka ka saaray dhulka ayuuna kula riixay, waxa uuna bilaabay in uu qoslo, runtii waan u dulqaadan waayey markii uu falkaasi sameynayay, waxaana si halhaleel ah isugu soo daayey xeradii anigoo waran wata, dagaal ayaa na dhex maray kii lugta gabadha dusha ka saaray, wax aan wada halgannaba, dhulka ayaan dhigay oo waa uu dhintay, waxaana ka faa’iideystay aniga oo ka yara fududaa, maadaama meeraha dushiisa aniga cuf- isjiidadkeygu yaraa, Gabadhii ayaana gacanta ka qabtay oo dhulka ka toosiyey, intii aan wax kale sameynin, waxay mar qura afka ku kala qaaday “Kuma ayaa tahay adigu?, maxaad naftaada qatartaan u  gelisay si aad aniga ii caawiso, runtii waxaad u muuqataa inta badan suuradda dadkeyga oo kale, laakiin waxaad wadataa hubkii lagu yaqaanay dadka meerahan ku nool ee cagcagaaran, ninyahow kumaa tahay, maxaadse dooneysaa?”. 

      Intaa markii ay tiri ayay aamustay, waxaan u sheegay in magaceyga la yiraahdo John Carter, isla markaana aan ka imid meeraha la wada yaqaan ee dhulka aan ku nool nahay ah, sida aan halkaan ku soo gaarayna ay sheeko dheer tahay oo aan haatan laga gaarin, waxa aan nafteyda qatarta u geliyayna ay tahay iyada darteed, maadaama aan dhulka (Geyigeyga) markaan joogay ragga ku aqiin inay gabdhaha xushmeeyaan ayaan waxaa haatan indhaheygu qabteen nin doonaya in uu gabar dilo, taas oo aan u dulqaadan waayey, waxaa sidoo kale kuu sheegayaa in aan ku daafici doono ilaa intaan awood u leeyahay, si kastaba ahaatee waxaan u sheegay in qudheydu maxbuus ahay. 

      Hadalkii oo noo socda ayaa waxaa goobtii timid Sola, waxayna tiri “John Carter maxaa kugu dhacay meesha miyaad dooneysaa in aad ku dhimano, maad naga wadid oo na keen aan cararnee inta aysan kuwaani na dilin”.

      Saddexdeenii ayaa halkii si halhaleel ah uga cararnay, waxaana tagnay dhismo meel ka baxsan ku yiilay, dhowr beri oo aan halkaasi joognay Sola ayaa rashinka noo diyarineysay, halka Woola waardiye culus naga haysay si aysan noo soo gaadin kuwii aan ka soo baxsanay, Gabadha markaan nagu soo biirtay waxay ka cabsaneysay maskiintii Woola ee foosha xumeyd, balse waxaan u sheegay inaysan ka cabsan isla markaana in Woola tahay saaxiibtay oo aysan ahayn waardiye keliya, sidoo kalana ay haatan qaadaneyso amar kasta oo aan siiyo. 

      Sola waxay inoo soo jeedisay in aan baxsano, haddii kale aan sidaan nalooga hari doonin, waxay kaloo sheegtay in qof kasta oo maxbuus ahaan halkaan loo keeno dhimasho oo kaliya sugo, waxay ku celcelisay in fursadda keliya ee aan haysno tahay baxsasho, laakiin waxaa muuqatay si aan u baxsano in ay qasab ahayd in aan caawinaada Sola helno, sidoo Kale Boqradii Dejah ayaa  iyana soo jeedisay in hadalka Sola uu yahay mid sax ah haddii aanan sidaas sameyna nolosheena Qatar geli karto. 

      Sola markii aan ka codsanay inay garab na siiso waa ay naga aqbashay, balse waxay shuruud nooga dhigtay in ay na raacdo, madaama haddii ay naga harto la dilayo, waxaana bilownay in aan u diyaargaroowno safar dheer, dhowr xawaano waaweyn ah oo la i siiyey intii aan halkaan joogay ayaa ii joogtay, sidaa darteed kuwii ayaan wada kornay si aan ugu baxsano, waxaana Sola u ballanqaadnay in ay nolol ka wanaagsan tan haatan heli doonto haddii ay nagu caawiso baxsashadeena. 

      Waxaan ku soo dhacnay wado dheer oo intii xad ah aad arki karto, anigu niyadeyda kama dhaacsaneyn inaan halkaan ka tagi doono sidii aan gabadhan boqorada ah u arkay ee quruxda badan, subixii xigay waxaan meel kore ka arkay koox na soo daba haysa oo na raacdeysaneysa, xawaanaadkii gaadiidka noo ahaa waa ay daaleen, waan iska ogaa in aan ku qasbanaan doono in aan istaagno mar haddii ay gaadiidkeenii tababar dhigay, Sola iyo Boqoradii waxaan u sheegay in midka ugu xoogga weyn isugu tagaan, oo ay horey u sii socdaan aniguna waan ka haray si aan uga caabiyo caddowga nagu soo dhawaaday, Woola ayaa doontay in ay ila harto, laakiin waxaan u sheegay in ay raaco Sola iyo Boqorada si ay u waardiyeyso, waxaase intaasi ka darneyd in Boqoradii diidayba in ay keligay iga tagaan, waxayna ku qaylineysay “John Carter haddii ay kuwaas mar kale ku qabtaan, natiijadaadu waxay noqoneysaa dhimasho ee naga keen meesha oo na soo raac”. 

      Sola ayaa Boqoradii gacanta qabtay oo ku amartay inay dhaqaaqdo oo ay baxaan, isla markiina waa ay baxeen, Woola iyana way i fiirisay markii dambe iyagii ayay ka daba carartay, anigu markaan waxaan isku diyaariyey dagaal, waxaan la soo baxay qori aan watay, waxaana bilaabay xabado si aan isaga reebo caddowga, runtii waxaan awood u yeeshay in aan mudo hal saac ah iska caabiyo, laakiin markii dambe rasaastii oo iga dhamaatay, ayaa keentay in ay i hareereeyaan, mid ka mid ah ayaa ka soo degtay Xayawaankii uu saarnaa isagoo wata bir dheer, markii uu igu soo dhawaadayna waxaan arkay in uu ahaa TARS TARKAS, waa uu iga istaagay waxa uuna iila hadlay si adag, waxa uuna i yiri  “Jonhn Carter maanta halkaan ayaad ku dhimaneysaa, waana inaan anagu ku dilaa, dilkaagana dhibaato iguma hayo”. 

      Inkastoo ninkani igu soo dhaqaaqay hadaladaa kulkulna i yiri, haddana anigu ma dooneyn in aan la dagaalamo, maxaa yeelay waxaa wajigiisa iiga muuqan karay wax xoogaa naxariis ah, waana iiga dhawaa kuwa kale, maadaama aan horey isku baranay, balse intii aan is hor taagneen ayaa xabad masaafo dheer la soo tuuray dhawaaqeeda maqlay, markale iyo markale xabaddii si isdaba joog ah loola soo beegsaday kooxdii igu hareersaneed, isla markiina dagaal lama filaan ah ayaa TARS TARKAS iyo ciidankiisii qabsaday, waxaana weerar ku soo qaaday qabiil kale oo iyana deegaanka degan, daqiiqado kadibna dagaalkii waa uu sii kululaaday, sidii aan u fiirsanayey labadii qolo, isla markiiba saddex ka mid ah ciidankii TARS TARKAS ayaa la dilay, isaga qudhiisana laba ayaa isugu tagtay, mid ayuu qudha ka jaray, balse nasiib daro waa uu sidbaday oo dhulka ku dhacay, dhankiisa ayaan u soo cararay si aan garab u siiyo, labadii nin ayaan ka fujiyey, dhulka ayuu kor uga soo kacay, garabka ayaan isku wada qabanay, waxaana si wadajir ah ula dagaalanay askartii duulaanka ahayd, saacad kadib waxaa noo suuragashay in aan iska caabino oo ay dib isaga noqdaan, intaa kadib TARS TARKAS ayaa ila hadlay waxa uuna igu yiri “John Carter, waxaan hadda fahmay ereyga Saaxiibtinimo waxa uu yahay, runtii nafsadeyda ayaad badbaadisay anigoo donayey in aan adiga ku dilo,  maanta wixii ka biowda waxaan kuu sheegayaa in aadan maxbuus aheyn, balse aad ka mid tahay hogaamiyaashayada, aadna sharaf weyn ku leedahay dadkeena dhexdooda”  

      Intaas markii uu yiri waxaa wajigiisa iiga muuqatay farxad iyo waliba isagoo dhoola-caddeynayey, mar kale ayuu bir gacantiisa ku rakibneed oo dadka darajada ku dhex leh qaataan ii soo furay oo i siiyey, waxa uuna ii sii raaciyey hadal isagoo yiri “John Carter runtii waanba gartay waxa gabadha boqorada ahi kuu raacday, laakiin su’aasha aan ku weydiinayo waxay tahay, maxay Sola dadkeena uga tagtay oo adinka idiin raacday?”. 

      Waxaan u sheegay in Sola tahay qof naxariis leh oo garab na siineysa isla markaana aan dooneyn in waxyeelo naloo gaysto, waxaan kaloo u sheegay in Sola aysan Jecleen caadada foosha xun ee dadkoodu ku dhaqmaan ee ah in dadka Maxaabiista ah fagaare lagu dilo iyadoo dilkooda lagu raaxeysanayo, maadaama ay garab na siisayna haddii ay naga harto in aad dileysaan ayaan is tusinay sidaa dareed ayay noo soo raacday, waxaan sidoo kale u sii daba dhigay in cayaartaan caadada ah ee foosha xun ay horey ugu dhimatay Hooyadeed. 

      Markaan halkaa hadalka marsiinayey ayuu iga dhex galay oo su’aal i weydiiyey isagoo leh “Maxaa, sideese iyadu ku ogaatay Hooyadeed in sidaas ku dhimatay?. 

      Si aan su’aashiisa uga jawaabo waxaan bilaabay in aan uga sheekeeyo wixii ay Sola iiga sheekeysay, waxaana ku iri “TARS TARKAS, waxay Sola ii sheegtay in Hooyadeed Cayaartaan lagu dilay, iyadoo sabab looga dhigay Ukuntii ay ka fiiqantay Sola oo ay meel ku qarisay, waxay kaloo Sola ii sheegtay in Hooyadeed intii aan la dilin ka hor iyada ku dhex dartay Carruur kale, Sola waxay kaloo ii caddeysay in Hooyadeed ay ahayd qof naxariis leh ayna ka duwaneed Qabaa’ilka aad ka dhalateen intiisa kale”. 

      TARS TARKAS, caro ayaa wajigiisa ka soo muuqatay markii aan la hadlayey, laakiin markii dambe waxaan arkayey in caradu ka soo baaba’aysay, waxaana indhiisa ku soo istaagtay ilin  xanuun leh, markii aan intaas oo calaamadood ku arkayna waxaan weydiiyey in uu isagu aqoon u lahaa Hooyada gabadhan Sola dhashay. 

      “Haa waan aqaanaa, haddii aan awood lahaan-lahaana waan difaaci lahaa iyada, waana ogohay sheekada Sola kuu sheegtay in ay run tahay, waxaana la socday in Haweeneyda cayaarta hadda ka hor lagu dilay ay canug lahayd, laakiin canuga ma aanan aqoon, laakiin hadda waan ogaaday oo adigaa ii sheegay, laakiin waxaan kuu sheegayaa in Sola ay gabadheyda tahay, balse aan horey u garaneynin” ayuu yiri TARS TARKAS. 

      Intaa kadib waan soo dhaqaajiyey, saddex maalmood ayaa ku soo soconay wadadii ay Boqoradii, Sola iyo Woola ku soo ambabaxeen, anagoo iyaga raadineyna, maalintii afraad ayaan bidhaantooda meel dheer ka aragnay, markii aan ku soo dhawaanay Woola ayaa istaagtay oo u diyaar garoowday inay nala dagaalanto, sidoo kalana Sola ayaa iyana hub sidatay oo iyana dhinac istaagtay  Woola iyagoo diyaar u wada ah inay Boqorada daafacaan, isla markaana igu tiriyey in maskaxdeyda la soo bedelay, boqrada ayaa ku hoos jirtay Sola lugaheeda, waan yaabay, waxaan markii hore ku wargeliyey inay isdejiyaan, sidoo kalana waxaan Sola waydiiyey waxa Boqorada ku dhacay, waxay ii sheegtay in maalmihii la soo dhaafay oo dhan Ooyneysay, maxaa yeelay waxaan aaminay in lagu dilay, sidaa darteed in aad nooshay maba aaminsana gabadhan Boqorada ah, ee kaalay u imoow oo u sheeg in aadan weli dhiman oo aad nooshahay, waxaa laga yaabaa in ay Ooyinta joojisee.

      Waxaan soo aaday meeshii ay Boqoradu taalay, markii aan kor imid ayay sare ii fiirisay iyadoo indhaheedu guduud noqdeen sidii ay u ilmeeyneysay, boqoradii ayaan aamusiyey oo u sheegay in dadkaani aysan dooneyn in ay na dilaan, balse haatan ay diyaar u yihiin in ay garab na siiyaan, sidoo kale Sola ayaa u sheegay in ay Aabbaheed maanta heshay, oo TARS TARKAS yahay, waxaana u sheegay in sirteeda la qariyaa aysan micno yeelaneen, haddana lagu faa’iiday markii aan sheegay. 

      Sola ayaa fiiriyey TARS TARKAS, waa ay u soo dhawaatay oo gacanta ka qabatay, isna inta uu isn hayn waayey ayuu kor u qaaday oo dhunkaday, wixii markaa ka dambeeyey runtii waxaa u bilowday waa-cusub. 

      Dhanka kale Aniga iyo Boqoradii sheeko ayaa na dhex martay dheer, iyada ayaa warka igu bilowday waxayna tiri “John Carter, runtii waaxaan qirayaa in Geyigii (dhulkii) aan ka imid aan ku arag qof adigoo kale ah, laakiin Su’aasha Isweydiinta mudan waxay tahay, in adigoo kale laga heli karo dhamaan Meerayaasha Dunida (dhulalka)?, waxaan ku jawaabi in aan la heleen adigoo kale, maxaa yeelay, anigoo keligay ah, oo bartanka kaga jira dhibaato ayaa garab i siisay, waxaadna weli iila diyaar tahay in garabkeyga aad is taagto, waxaa intaa ka sii daran, meeshaan adigu markii aad timid waxaad noqotay maxbuus laakiin mudo yar gudaheeda ayaad ku xiratay darajada ay dadkaani xirtaan ee lagu qiimeeyo, isla markaana laguu magacaabay Hogaamiye, taasna hadda ka hor lama arag qof sameeyey”. 

      Intaa markii ay ku hadaaqday, ayaan aniguna ugu jawaabay “Waxaad tahay Boqorad qurax badan oo aanan weligay arag, iyadoo kale, waxa aan u qabtayna ay yihiin wax iska basiid ah, mana ku tilmaami karo wax sidaasi la yaab looga muujiyo, ama mahad intaa la eg laga dhiibo, laakiin qofkii adiga ku hela ayaa nasiib leh, ee ma iga aqbaleysaa in aan ku guursado”. 

      Waa ay dhoola-caddeysay mudo daqiiqado ah, kadibna indhaheeda madmadow ayay igu soo ifisay (igu soo eegtay), waxayna iigu jawaabtay “Runtii wax dhiiragelin ah uma baahnid, maxaa yeelay waxaan u maleynayaa in aad horeyba ula socotay in jawaabta aan ku siin doono at tahay haa oo keliya”, wixii markaa ka dambeeyeyna waxay nafsadeeda ii ballanqaaday in ay I guursaneyso. 

      Maalmo kadib, waan ka tagnay kuwii aan la joognay, inkastoo Tars Tarkas iyo qayb ciidmadiisa ka tirsan horey noo raaceen,  waxaana u baqoolnay deegaankii ay Boqorraddu ka soo jeeday, iyo qabaa’ilkeedii loo yaqiinay Helium, markii ugu horeysay oo aan halkaasi gaarno waxay dadkaasi noo maleenayeen in aan nahay caddow soo weeraray, laakiin markii dambe waxay arkeen Boqorraddooda, waxaana mar qura wajigooda ka soo bidhaamay farxad xoog leh, Tars Tarkas iyo ciidamadiisii oo na la socday iyana si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waxaa runtii labada dhinac ka dhex dhashay is dhexgal iyo waliba in ay xulufo sameystaan. 

      Waxaana la kulmay oo la i tusay Tardos Mors oo ah Boqorradda Awoowgeed, waxa uuna mudo ku celcelinayey in uu iiga mahadceliyo badbaada gabadhiisa, waxa uuna markii dambe gaaray heer ay  illini ka soo daadato indhiisa oo uu hadli kari waayo. 

      Mudo ku siman 9-sano ayaan la joogay Boqorradda iyo dadkeeda, waxaana u shaqeynayey Dowladdooda, waxaana la igu daray Qosyka reer Boqor, isla markaana waxaan ka tirsanaa Ciidamadooda Milatariga, runtii nafteydu way ku qanacsaneyd, oo waxayba iila muuqataa in waqtigii ugu fiicnaa oo weligay i soo mara aan halkaasi ka helay, waxayna Boqorraddii Dejah Thoris markii dambe ii dhashay canug. 

      Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa askari ka mid ah ciidamada oo ka yimid safar dheer, si deg deg ah u soo gaaray meel lagu kulansanaa, waxaana askarigii qaabilay Duqii Tardos Mors ahaa ee Awoowga u ahaa Boqorradda, waxa uuna Askarigii u sheegay duqa in qof kasta oo ku nool meeraha aan joognay uu haysto saddex beri oo keli ah, wixii intaa ka dambeeyana aan rajo laga qabin in qof sii noolaato, waxa uuna ninku sheegay in taasi ugu wacan tahay in Matooradii waaweynaa ee loogu talagalay inay Hawada soo qabtaan gebi ahaanba istaageen, waxa uuna intaa ku daray in ciladdani meesha ay ka timid la garaneyn, isla markaana la aqoonin wax la sameyn karo.

      Hawadii waxay bilowaday in ay sii yaraato maalinba maalinta ka dambeysa, dad badan ayaa markii ay garan waayeen wax ay qabtaan, waxay bilaabeen in ay iska seexdaan, anigu waxaan fiirinayey Boqorraddii xaaskeyga ahayd oo korkeyga jiifta oo si tartartiib ah tamarteedii u sii yaraaneyso, oo dhimasho ku sii socota, markii aan u adkeysan waayey xaaladda taagan ayaan go’aansaday in aan wax sameeyo, si aan badbaado ugu helo Xaaskeyga, Diyaarad ayaan qaatay, waxaan sidii ugu dhaqsiyaha badaneed ugu duulay dhankii Dhismihii ay yaaleen  Matoorada loogu talagalay in ay badiyaan Hawada, waxaan halkaasi ugu tagay shaqaale doonaya in ay galaan meesha, garab ayaan siiyey, waxaan wada galnay Hoolkii weynaa ee uu qalabku yaalay, markii aan meeshii galnay, waxaan dareemay daciifnimo jirkeyga ku timaaday, mana garaneyn meesha ay wax iiga yimaadeen, mid ka mid ah shaqaalihii ayaan weydiiyey in uu kiciyo Matoorka, intaa markii aan ku wargeliyey ayaa mar qura dhulka ku dhacay inta aan is cilin waayey, indhaheyga ayaana daboolmay oo hurdo ayaa igu soo deg degtay, goor dambe ayaan indhaha ku kala qaaday jawi mugdi ah, dharkeyga ayaan fiiriyey waxa uu lahaa dheg-dheg, isla markaana waxa uu u muuqday mid laga cabsado, waan istaagay, meel dheer ayaan nal iftiimaya ka arkay, mugdiga si aan uga baxo ayaan u dhaqaaqay dhankii iftiinka, dhulkii ayaa iigu muuqday mid igu cusub oo la yaab leh, kor ayaan cirka u fiiriyey waxaan arkay Meerihii guduudnaa ee aan joogay, waxaan gartay in mar kale dib ugu soo laabtay dhulka gaar ahaan deegaankii Arizona oo aan markii hore joogay, runtii ooyin qiiro leh ayaa mar qura indhaheyga ku soo istaagtay. 

      Ninkii Shaqaalaha ahaa ma ku guuleystay matoorkii?, Dadkii meeraha ku noolaa hawo ma heleen si ay u badbaadaan?, Miyey Boqorraddeydii Dejah Thoris weli nooshahay ama ay dhimatay?, dhamaan su’aalahaas ayaa ilaa iyo haatan maskaxdeyda ka dhex guuxaya, waxaana toban sano ilaa iyo hadda mar kasta kor u eegaa cirka aniga oo ka raadinaya Jawaabta su’aalaha iga dhex burqanaya, waxay niyadeydu ii sheegtay in ay  Xaaskeygii iyo Canugeygii i sugayaan oo ay doonayaan in ay wax ii sheegaan, balse ma arag fariin ka socota iyo waliba wax hadal haya, mana is lihi dib ayaad u heli doontaa. 
 

Dhamaad

C/raxmaan Max”ed Aadan (Dirham).

E-Mail: cabdiraxmaandirham@hotmail.cm

      Dirham114@myway.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com