Khudbadii raysal wasaare Geedi mid
waqtigeedii ka soo dibdhacday
asalaamu calaykum
waxaan dhagaystay qudbadii pr-geedi uu u jeediyey xubnaha baarlamaanka kadib markii uu ka
soo noqday ethopia waxay ahayd mid aad u wanaagsan oo runtii ku fiicnayd inay umada
soomaaliyeed maqlaan intaan dalku cadawgu soo galin caasimadiina aysan noqon qashin qub
iyo qabuuro wadareed.
runtii waxaa iiga muuqday in raysal wasaaruhu uu isku arko in hada
waa u baryay meel uu wax ka qabtana uusan jooogin loona maleegay qiyaano uusan filayn
waligiis waxaa lagu barakiciyay,laayay, xasuuqay, xiray, kufsaday shacabkiisii waxaay
ahaayeen isaga iyo madaxweeynuhu kuwa si kal iyo laab ah u guta amarada kasoo baxa adis
ababa taasoo mar walba ay ku kala tar tami jireen in nin walba dhibka ugu badan uu u
gaysto shacabka masaakiintaa ee soomaaliyeed si ay oga helaan kalsooni buuxda malez iyo
inuu ka raali ahaado oo uu u arko inay yihiin saaxiibo laysku halaynkaro hase yeeshee
waxay iloobeen in shacabka soomaaliyeed ay leeyihiin ilaah isagu abuurtay oo u balan
qaaday in ay kunoolaan doonaan geeska afrika si nabada inta uu ka nool yahay mid si dhab
ah u caabudaya alle, ilaaheey waa caadil waana og yahay kan dulman iyo kan la dulmayo
waana taas maanta aan aragno inuu raysal wasaaruhu ka shalaaysan yahay dhibkii uu
gacantiisa ugu gaystay umadiisa uuna kusoo hogaamiyey cadaw shisheeye isaga iyo
saaxiibkii madaxweeyne yuusuf.
profesoorku waxaa wali u cun tami la kaarayaashii uu amarka ku siinayeen in dhul shacab
dagan yahay laga dhigo garoon banaan uuna waliba isaga iyo saaxiibkiis madax weeyne
yuusuf ay maga caabeen goobo cayiman oo dadka lagu amray inay isaga haajiraan hadii
kaleeto ayagoo nool dhulka lala simi doono.
miyiinaan xasuusan qudbadihii ay labadaas masuul si kal iyo laab ah ay ugu daac daac san
jireen oo ay ugu hambalyeeyn jireen cadawga markuu xasuuqayey dadkeenii kuna boorin
jireen in ay sii laba laabaan baabi inta dadka iyo han tidooda.
ilaaheey waa caadil marna dhabarka uma jeediyo kuwa dulman oo ay u heshiiyeen kuwo
xaqdaro isku bahaystay yaa la ogaa inta lacag soo gashay sadexdii sano ee ay umadu u
afduubneeyd shaki kuma jiro in ay malaayiin kor u dhaafayso hase yeeshee xoogaagii ugu
dan beeyey ayaa ilaah ku fashilay oo ileen xaaraantu intay rabto ha badnaatee qofku kama
dhargo oo meel baas bay ku baxdaa miyaanan xasuusan hooyooyinkii intay ka bara kaceen
guryahoodii madaafiicda cadowga dartii nafi biday inay geedaha hoos seexdaan oo wax la
siiyo iyo gargaar loo geeyo iska dhaafe in lagu tilmaamay aduunkiina looga dhigay inay
yihiin argagixiso.
walaahaan ku dhaartee ifafaalaha soo baxaya waxa uu na tusayaa in nasri ilaah keenay oo
ay halkaas ku bur burayso dawladii ay isku bahaysteen kuwii arintii 1000 sanadood ay ku
taamaysay ethopia u dhabeeyay.
bishii barakaysneed ee ramadaan waxaan u istaagnay salaatul layl dhamaan umada
soomaaliyeed meel kasto oo ay joogto shaki kuma jiro in aan dhamaanteen ama aan iraahdo
badankeene aan ku ducaysanaynay salaadkasta in kuwaan ilaah meel noo dhaafsho nooguna
badalo mid ka qayr badan waxay ila tahay in ilaah ducadeenii maqlay oo maanta muuqato in
ay tani ku jirto maal maheedii ugu danbeeyay.
waxaanse la yaabanahay in saaxiibadeen ay maanta isku dayayaan inay la soobaxaan
kaararkoodii lagu yaqaanay qabqablayaasha dagaalka ee ahaa in marka ay nafta u yaabaan
kusoo guryo noqdaa oo arinkooda ka dhigaan mid qabiil iyagoo iska dhigaya inay yihiin dad
hiil iyo hooba la garab taagnaan jiray qabiilkooda ruuntii waxaan oga diga yaa umada
soomaaliyeed in iska ilaaliyaan qiyaamada nimankaas oo aysan marna ku hodmin
sheekooyinkooda ay ku af macaysanayaan kuna qal qaalsanayaan qabiilkooda
waxaana in leeyahay soomaaliyeey ogaada inuusan jirin nin qabqablaa oo waligiis reer
kiisa ama qabiilkuu ka dhashay in uu wiilal kadilo maahan hanti iyo horumar gaarsiiyay
waxaa maanta noo baahan in aan qabiil iyo islaanimo ugu hiilino ku har iyo habeen hor
taagayn cadawga naftoodiina iyo ubadkoodiina uga soo tagay inay badbaadiyaan umadaan
marka waxaan idkugu dar darmayaa in aan dhag jalaq loo siin waxa ka dhacaya baydhabo oo
in dhaha aan ku hayno halganka uu kacdoonku uu wado taas ayaan ku liibaanaynaa arinkuna
waa iska cadahay oo labadaan nin labaduba midna cudu buu u dhiman midna xabad baa dilaysa
insha alaah.
wargal1@hotmail.com
mahamuud h.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Oct 21, 2007


|