GCAP Somalia
CIRIBTIR SABOOLNIMADA
Dhawaaqa Caalamiga ee la Dagaallanka Saboolnimada
(Global Call to Action against Poverty)
B A Y D H A B A
Maalinta caalamiga ee la dagaallanka saboolnimada
Warsaxaafadeed
Subax wanaagsan dhamaantiin;
Uheellanayaal badan oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed waxay
ka mid yihiin Dhawaaqa Caalamiga ee La-dagaallanka Saboolnimada ( Global
Call to Action against Poverty - GCAP) oo ah Olole ka soo if baxay
Sannadkii 2004 Madasha Bulshada Caalamka (World Social Forum). Wuxuu
dhawaaqani kulmiyaa ururro kala duwan ee Bulshada Rayidka oo 100 waddan
ka howlgala.
Waxay u-heellanayaasha GCAP ugu horreynba ka dhiidhiyeen in dowladaha
iyo hay'adaha caalamiga ay ka gaabiyeen ballantoodii ahayd la
dagaallanka saboolnimada. Taas oo ay ka muuqato ku tumashada xuquuqda
aadanaha oo sii korortay, colaadaha iyo is-hubeyntu oo badatay, gaar
ahaan iyadoo maalyadii loo heli karay in lagula dagaalamo saboolnimada
loo weecinayo hurinta dagaallada;
Dhaliil waxay ku imaneeysaa dowlad wanaaggii iyo la xisaabtanka
dadweeynaha ee dowladahooda, gaar ahaan waddamada koofureed ee Dunida in
uu noqday ballamo been ah. Sidoo kale, waddamada G8 iyo EU oo lafdhabar
u ah dhaqaalaha adduunka oo hadba ka noqonayaan ballamihii ay galeen,
xitaa dhowaan Sannadkii 2005 oo ahayd in kor loo qaado tirada iyo tayada
deeqaha. Xaaladahaas waxa sii xumeeyay deymo fara badan oo ku badanaya
iyo dheqaale iyo maskax xoog leh oo ka tegayo waddamada saboolka ah
(capital flight and brain drain);
Waxa waayahan dambe loo garbaduuban yahay hay'adaha gacnacsiga ee
caalamiga ah (multinationals) oo hirgeliyo gacancsi aan xaq ahayn;
dowlada badanne ay waxba ka qaban karin in shirkadahaas ay noqdaan kuwa
lala xisaabtami karo oo hawlahoodu u daneeynayaan bulshooyinka;
Arrimahaas kor ku xusan iyo kuwa la mid ah ayaa keenay in Ururrada
Bulshada rayidka ay isku urrursadaan GCAP si ay uga hortagaan sababaha
dhaliyo saboolnimada iyo sinaan la'aanta. Waxa ku habboon in diiradda la
saaro xaqa ay dadyoowgu u leeyihiin in ay ka xoroobaan saboolnimada,
faquuqa, xasaradaha, iyo takoorka haweenka, caruurta, dhallinyarada iyo
intii kale oo dhibyoow caynkaas ah la kulmaan oo ay ka mid yihiin dadka
cudurrada lagu takooro oo kale iyo xanuunka shaqo la'aanta;
Xaaladahaas ma horseedayaan in si hufan loo tiigsado barnaamijka
caalmaiga ee Higsashada Gaarista Yoolalka Kunsanaadka (Millennium
Development Goals – MDGs). Haddaba dalabka uheellanayaasha Soomaaliyeed
la wadaagaan dhiggooda GCAP waxa waaye: (b) in la helo la xisaabtan ,
dowlad wanaag iyo xuquuqda aadanaha oo la dhowro; (t) ganacsi xaq ku
dhisan; (j) tayada iyo tirada deeqaha oo la kordhiyo iyo maalgelinta oo
noqota mid horumarin ku salaysan; iyo (x) daymaha oo la tirtiro;
Haddaba waxa muhiim ah in aan qiimeeyno maanta oo ay taariikhdu tahay
17da bisha Oktoobar 2007 oo ku aadan Maalinta Caalamiga ee Ladagaallanka
Saboolnimada. Munaasabaddaas awgeed, waxaan mar kale tilmaameeynaa in
xaaladda saboolnimo ee ka jirta Soomaaliya ay tahay mid aad looga naxo.
Waxaa walbahaar leh in boqolkiiba 43.3 oo Soomaali ah ay ku nool yihiin
nolol ka hooseyso xariiqda faqrigee dunida oo aanay awoodin in ay helaan
xitaa maalintii US$1(Sh. So. 20,000/=)
Waxa uu tilmaamayaa diiwaanka la hayo in boqolkiiba 73.5 dadka aanay
soo heli karin maalintiiba US$2 (Sh. So. 40,000). Taas oo tilmaan u ah
in dadka saboolka ah ay wadaagaan oo keliya ku dhowaad boqolkiiba 6
dakhliga qaranka. Sidoo kale, waxaan suurtagal aheyn in loo dulqaato
iyadoo boqolkiiba 65 ay ku nool yihiin heerka ugu hooseeyo ee tamarta
quudka dharuuriga ah.
Dalkeena, waxbarashadu aad ayey u liidata tiro iyo tayo ahaanba
waxayna cabbir liita ka muujinaysaa saadaasha ku soo fool leh ummadda
Soomaliyeed. Ka qaybgalka caruurta da'da waxbarasho gaartay ee dugsiyada
asaasiga ah waxaa lagu qiyaasay boqolkiiba 20; gabdhahuna ay ka yihiin
saddex daloolkiiba hal. Waxaa arrinta sii xumeeyey, tirada dadka waaweyn
oo wax qori kara waxna akhriyi kara waxay xitaa ka hooseysaan boqolkiiba
20.
Maadaama ay carruurtu yihiin jiilka mustaqbalka ee ummad kasta,
dhimashada dhallaanka waa uu xun yahay oo 1000kii dhashaba 132 ayaa
dhimata iyagoo weli mujuq ah. Kuwa da'doodu ay ka hooseyso 5 sano oo
dhimata waxay ka badan yihiin 220 ee 1000kii dhashaba. Waxaa umul raaca
1,100 hooyooyin,100,000ba. Tani waxaa weheliya kororka jiritaanka
HIV/AIDS, TB, Maleeriyada iyo cudurrada kale oo dilaaga ah.
Waa in loo tafaxeetaa in la beddelo diiwaanka xun oo la xiriira
nabaadguurka, bay'adda sii xumaaneeysa, bio la'aanta, gaar ahaan kuwa
nadiif ah iyo dad badan oo aan heli karin nadaafad guud iyo howlahii
bulshada. Waxay dhammaan horseedayaan nolol ciriiri ku jirta iyo
horumarka baniadamka oo gaabiya, keenane xayndaab saboolnimo oo murugo
leh.
Waxaan ku boorineyna hoggaamiyayaasha iyo beesha caalamka in aanay
iska fiirsan xaaladaha ba'an ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan
hooyooyinka iyo scarruurta. Wadada ku habboon oo looga hortagi karo
xaaladaha murugsan waxa weeye iyadoo aan meelmarino isla markaane
hirgelino siyaasado xikmdeysan oo noo horseedi karo degganaanshaha
qaranka, gaar ahaan lagu saleeyo Dib U Heshiisiinta Qaranka oo loo maro
tabaheennii soo jireenka ahaa oo la dayacay.
Waxaan ku adkeeynaynaa cid kasta oo saameeyn leh in horumarka
sayniska iyo tiknooloojiyada oo lagu daray khayraad ku filan oo laga
helo caalamka, gaar ahaan Soomaaliya ay xaqiijin karaan guul laga gaaro
Higsashada Gaarista Yoolalka Kun Sannaadka. Waxa loo baahanyahay waa
go'aanno siyaasadeed oo horseeda hirgelinta dalabka Dhawaaqeenna
(GCAP).
Wax la taaban karo ayaan rabnaa, laga billaabo hooy waxbarasho iyo
rug gargaar deg-deg ah illaa barnaamij lagu badbaadinayo bay'adda.
Waxaan shaki lahayn in dhallaan kasta oo fursad waxbarasho helaa uu qayb
ka qaadan doono nuurinta mustaqbalka Qarankan.
Halheeskeennu waa: CIRIBTIR SABOOLINIMADA (Eliminate Poverty)
Summadeennu waa: DUUBKA CAD (Wear the White Band)
Oct 17, 2007
Waxaa soo tebiyey MAxamed 'ALLMAN'