Muqdisho: Qaylo Dhaan ka soo yeertay Xerada Lagu Xanaaneeyo Dadka Waalan
maamulaha xerada cabdiraxman macow xaaji maxamed oo shir jaraid ku qabtay
xafiiskiisa magaalada muqdisho wuxuuna kaga hadlayey meelo badan oo dan u ah
xaruntiisa iyo asaxaabta lagu xanaaneeyo ee jilicsan wuxuuna ku xusay shirkiisa
jaraaid in ay haatan ku jiraan qeyla dhaan ka soo yeertay maamulka xerada dadka
waalan oo guriga ay deganaayeen mudo 20 casho ah lo qabtay in ay kaga guuraan.
isaga oo ku mujinayey wax qabadka xerada ayu sheegay in ay hada wadaan
qabanqaabada aroos weyn oo la doonayo in loo sameeyo madhoodhow oo ka mid ah
dadka waalan ee ku jira xerada isla markaana xaaladiisu ay hada ka soo reyneyso
.waxaanu dooneynaa in ay ka qeyb qaataan ilaa iyo 100 gaari oo mark!! Ah.

cabdiraxman macow xaaji maxamed( ahlu kheyr ).
Dhanka kale waxaa uu sheegay ahlu khayr in guriga ay degan yihiin oo horey u
ahaa guri jajabnaa uuna isagu dayactir ku sameeyey balse hada loo sheegay in
gurigii cidii laheyd ay u baahan ,

waxaa naloo qabtay guriga in aan kaga guurno mudo 20 cisho gudahood ah,
laakiin dadka waalan mudo laba sano ka hor ayaa loo iibiyey dhul ku yaala garas
baalay oo ka kooban boqol mirtir iyo balaca oo 40 ah waana 10 boos laakiinse aan
dhisneyn ,
dhulkaas tobanka boos ah mulkiyadooda waxaa ku qoran dadka waalan oo loo
iibiyey waana sadaqo jaariya ah qof somaliyeed oo waalan intii ay aduunyada
joogto ayaa iska leh waana in lagu xanaaneeyo laakiinse aniga ayaa wakiil ahaan
ugu qoran

waxaana dadka waalan u iibiyey dhulkaas nin somaliyeed oo la yiraahdo faarax
cali cusman seeraar kuna nool dalka Canada hadaba hada waxaan dooneynaa dhulkaas
in aan shacabka ku baraarujino sidii dadka waalan loogu dhisi lahaa ,ceel uga
qodi lahaayeen ,cusbitaal uga dhisi lahaayeen dugsi dadka waalan ,agonta iyo
caruurta derbi jiifka ah wax lagu baro laguna daryeelo looga dhisi lahaa .

guri kiro ah ma geli karno waayo dad waalan tiro ahaan ka badan 40 ruux
,agoon iyo caruur derbi jiif ah cid kaa yeeleyso in gurigeeda lagu xareeyo ma
jirto amaankoodana lama damaanad qaadi karo ayuu yiri ahlu qeyr.

arintaan ayuu sheegay in ay tahay sadaqo jaariya ah una furan tahay cidii ka
qeyb qadaneyso dalka iyo dibada.
Waa sidee xaalada dadka waalan ,caruurta derbi jiifka ah ,iyo agoonta ku
jirta xerada ahlu kheyr ee magaalada muqdisho
ma dhaba in jirkoodu u joogo qalbigoodune uu maqan yahay ?

Xerada ahlu kheyr waxaa ku jira dad waalan oo tiradoodu gaarayso guud ahaan
41/39 ka mid ah waa rag halka labada soo hartayna ay dumar yihiin agoonta ayaa
ah 16 ay da.doodu ka hoosayso ilaa 10 sano jir sidoo kale caruurta derbi jiifka
ee ku jirtaa ayaa tiradoodu dhan tahay 70 caruur somaliyeed ah waxaana ay u
dhaxeeyaan kuwa ku jiray xereadaan ugu badnaan 10 sanno ug yaraana laba
sananadood waxaana ay ka helaan daryeel guud xanaano waxbarasho kuwa yaryarna
waxaa la siiyaa caano iyada oo lagu masruufo qarash laga so uruuriyoshacabka
somaliyeed oo danbiil lala dheh wareego suuqyada qaarkood ,
Qar ka mid ah dadkaan waalan oo aan si tijaabo ahaan ah ula hadlay ayaan ii
suurta gelin in aan ka helo warbixin ku aadan xaaladooda waxeyna u qeybsamaan
qeyb aan hadlayn iyo kuwa isku darsoomay oo aan la fahmeyn hadalkooda iyo
ujeedada ay ka leeyihiin waxeyna kuu sheegayaan hadalo aan meel loo raaco iyo
ujeedo toona laheyn waxaadnja fahmaysaa in jirkooda oo keliye uu joogo ee
qabigoodu uu maqan yahay ,
Cusmaan maxamed nuu r( xiirane ) isagu labada gacmoo dayuu ka xiran yahay
wuxuuna ku dul fadhiyaa sariir mana hadlayo in uu mar mar qoslo mooyee ,

Sidoo kale waxaa isne lugta bidix ka xiran cabduiqaadir ibraahin abaadir oo
qeylo darteed afkiisu isqabaneyn isaga oo ku heesayo heeso hindi
Agoonka aabihii geeriyooday ruuxii madaxiisa u salaaxo in danbigiisa oo dhan
lagu hoobinaayo inta aad madaxa u salaaxayso ,maxaad u malaynaysaa qofkii ka
farxiyey oo dar uuku cido u gaday iyada oo ah maalin ciida ah intii uu murugoon
lahaa oo uu san heysan dhar uu ku ciido ,
tankale waxaa la wariyey in ey haraadan haweeney fasahaadsan oo jirkeeda ka
ganacsata biyo ay siisay darteed in ilaahay jano ku dejiyey danbigeediina halkaa
lagu dhaafay eygaas ay u naxariisatay dartiis maxaad u malayneysaa hadii aad wax
siiso dadka waalan, caruurta agoonta ah ,iyo kuwa darbi jiifka loo yaqaano ee
aan waxba heysan

Cabduqaadir Maxamed Cusman" waxaa I soo wakiishay jaaliyada somaliyeed ee dalka
fiiland gaar ahaan magaalada turkuu waxeyna igu amaaneysteen oo ay ii soo
dhiibteen deeq lacageed $1000 doolar eheyd ee ay iisoo wakiisheen waxaan si
ansax ah oo ay ogoshahay diinta islaamku aan amaanadaas ugu wareejiyey agoonta
iyo dadka waalan ee ku dhibaataysan magaalada muqdisho gaar ahaan kuwa lagu
xanaaneeyo xarunta ehlu khayr ee uu gudomiyaha ka yahay cabdiraxman macow xaaji
maxamed sidaa daraadeed aniga oo ka wakiil ah waxaan si ansax ah oo diinta
islaamku qabto ugu wareejiyey agoonta uu wakiilka ka yahay cabdiraxman ahlu
kheyr "
cabdiraxman macow xaaji maxamed"walaalayaal sida aad arkeynaa aniga oo ah
maamulaha xarunta ahlu kheyr ee daryeelka caruurta derbi jiifka ah agoonta iyo
dadka waalan waxaa si amaano ah uu igu soo gaarsiiyey walaalkey Cabduqaadir
maxamed cusman igu soo gaarsiiyey lacag kun doolar $1000 ah oo ay soo direen
walaalaheena somaliyeed ee degan dalka fiiland gaar ahaan turkuud lacagtaas waa
gudoomay waxaana u gudoomay iyada oo an aheyn hanti aan leeyahay balse ay tahay
deeq loogu deeqay dadka waalan,caruurta derbiya jiifka ah ,iyo agoonta ilaahey
subxaana watacaalaa amaanadii waa ku xafiday cabduqaadir waana I soo garsiiyey
anigana waxaan weydiisanayaa in uu igu xafido oo aan gaarsiiyo halkii loogu
talagalay walaalaha soo dirayna ka badan oo barako leh allaha siiyo
muraadadoodana allaha u saxlo aduunyo iyo aakhiraba alaha u hagaajiyo " ahlu
kheyr wuxuu intaa ku daray isaga oo hadalkiisii sii wato wuxuu codsaday in ay
sii wadaan tabarucaada ay siinayaan dadka dhibaateysan ,

deeqdii na soo gaartay waxey u isticmaalnay sidaan $550 doolar daawo .rashin
, iyo dhar ayaa laagu iibiyey dadka wqaalan darbi jiifka waxaan u qoondeynay
$200 doolar halka agoonta loo siiyey kaash iyo dhar ciideed $250 doolar ,
waxaa iyane deeq lacageed oo gaaraysa $ 300 soo dhiibay gabdho somaliyeed oo
ku sugan dalka swiserland madasatul alnuur waxaana ka mid ahaa saaqo iyo dahabo
sh: c/lahi iyada o laba boqol doolar la siiyey dadka waalan iyo derbi jiifka
yaryar inta kalana waxaa la siiyey i6 agoon ah iyo afar ka mid ah hooyooyinkii
dhalay caruurtaa oo joogjoogayaal ka haa munaasibadii manta ka dhacday xarunta
ahlu kheyr ee ku taal xaafada waaberi ee magalaada muqdisho
sidoo kale waxaa iyane deeq lacageed garayso $320 soo gaarsiiyey xarunta ahlu
kheyr gabdho somaliyeed oo ku nool dalka ingiriika kuwaas oo ku bahoobay
daryeelka walaalaha tawakal gabdhahaan waa diideen magacooda in la xuso sababo
sadaqo awadeed
$20 waxey yiraahdeen sakaatul fitri halaga dhigo iyada oo lagu iibiyey galay iyo
bariis isla markaana la gudoonsiiyey dadka waalan sidoo kale $150 doolar caruur
agoon ah ayaa loogu iideeyey inta soo hartayna waxaa loogu adeegay dadka waalan
ee xerada lagu xanaaneeyo
ugu danbeyntii wuxuu u mahad celiyey intii ka qayb qaadatay

SomaliTalk.com | Oct 15, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|