Dariiqa Toosan 1/5
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
Qaybtii: 5aad
4. Kaalinta culimada
Marka hore waxaan ka cudur daaranayaa dib u dhicii iyo raagidii ku timid
qormadan, sababtuna waxay ahayd uun iyadoo ay inaga soo dhex gashay maalmihii 10
ahaa ee ugu dambeeyey bisha fadliga badan ee ramadan, maalmahaaso oo lagu
mashquulsanaa cibaado iyo ictikaaf, oo anay suuro galayn in aynu dhex qaadno
caalamkan, qormooyinka laga yaabo in ay ku jiraan wax aad walaalkaa ku
dulmiyayso oo xaqa adna aad xaqdaro u haysato. iyo iyagoo kaa mashquuliya
cibaadadii maalmahaas sida aadka ah guntiga dhiisha la iskaga dhigi jiray.
intaa kadib:
Waxaynu maraynaa xili iyo saman aad u dhib iyo rafaad badan, waxaynu maraynaa
waqti umada muslimiinta lagu hayo weeraro aad u halis badan, Waqti cid walbaaba
ay u soo dhibi lisanayso umada islaamka, Waxaynu maraynaa waqti ay fitantu aad u
badantahay, oo tafaraaruq iyo kala tagsanaan lagu dhex abuuray umadii islaamka,
waqti edegyo yaryar lagu kala ootay umadii muslimiinta, waqti ay yaryihiin inta
dareensan masuuliyada ka saran umada, waqti ay yaryihiin ooy yaryihiin inta
garatay ee ku quntay doorkii ama daloolkii ay muslimiinta kaga beegnaayeen.
Iyadoo waxaas oo dhibaato ahi ay jiraan ayaa waxaa uu maqaalkeena
cinwaankiisa sida ka muuqata uu yahay Kaalinta culimada, waxaanaan aad uga
xumahay in aanuu maqaalkani ahayn mid ka hadlaya doorka iyo kaalinta ay culimada
hada jooga kaga aadan dhacdooyinkan, laakiin wuxuu noqon doonaa kaalinta ay
culimadu ku leeyihiin dawlada islaamka ah.
Igula yaabi mayo ruuxna marka uu akhriyo maqaalkii c/raxmaan ee ay ka
dhalatay silsilada maqaaladani waayo c/raxmaan wuxuu ka hadlaayay doorka ay
culimadu ku yeelan karaan dawlad islami ah hadii la helo, mana aqaano sababta uu
riyadaa iyo masaaishaa u baahan in laga hadlo marka ay yimaadaan inoo galiyay,
ee waxaa iila muuqatay uun in uu c/raxmaan inagala hadlo bal horta marka hore
intaynaan doorka culimada ama nooca ay noqonayso dawladaasi aynu ka wada hadalno
side usoo ceshanaa dawladnimadii islaamka.
Si kasta oo ay ahaataba c/raxmaan wuxuu aad isu tusiyay oo hadalkiisana ka
muuqata in aanay culimadu hogaanka ku wacnayn balse talada iyo arimahaas uu u
ogolyahay, isagoo arinkaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Hadaba hadii ay hogaan
umadeed loo yimaado ma jirto wax culimadda diinta mudnaan siinaya ee waxaa
mudnaan leh cidii cilmiga hogaanka taqaana, ma diidani ay in culimadu ka talo
bixin karaan wixii mahaalka khuseeyo, laakiin iyagu ma ahan kuwo wax kasta
yaqaan.” Arintaas wuxuu u daliishaday qisadii soo diridii uu allaah reer banii
israaiil usoo diray dhaaluut.
Wax uu hadalka wataba waxaa uu c/raxmaan kusoo gaba gabeeyey qodobkaas
hadalkan “Hogaanka umadda waa mid Karti u baahan, kartiduna waxay ku jirtaa
sedex waxyaabood oo la isku geeyey, Aqoon, Waayoaragnimo iyo Xirfad. Aqoontuna
waa in ay ka timaadda fahamsanaan la fahamasanyahay waxa la qabanayo hadii ay
Hogaan siyaasadeed iyo mid Umad la doonayo waa in ay tahay aqoon Cilmiga
bulshadda la xariirta sida maamukal, siyaasadda, dhaqaalaha, xiriir dawliga ah,
arrimaha bulshadda ah iwm.”
Waxaa wax ilaahay loogu mahadiyo ah in uu allaaah I tusiyo dariiqiisa xaqa ah
wixii ka dambeeyey 11-sept-2001 waxay dhacdadaasi ii ahayd baraarug aad u wayn,
waxay ii ahayd maalin maalmaha kale iiga soocan, maalin aad iiga jaftay afkaar
iyo aaraa aan aaminsanaa, waa maalintii ay iiga bilaabantahay in aan ka noqdo
afkaar badan oo aan aminsanaa, afkaartaas oo ay ka mid ahaayeen, in aan culimo
iyo inan yar oo gadh-wayni aysan umada waxba u qabanayn, in aan surwaalgaaban
iyo khamiis dunida tan ka soconayn, in dawlad islaami ah oo wayn in la helaa ay
tahay riyo iyo waqti lumis aan loo baahnayn, in muhimada aynu saarno aqoonta
maadiga aan u aqaanay iyo in culimada lagu koobo meelo yar yar oo ka mida
duruufaha aan looga maarmahayn, in raga nimo iyo sheekh ama culimo ay isu jiraan
inta ay cirka iyo dhulku isu jiraan.
Aadbaan u yasi jiray markaan arko wadaad ka hadlaya arimaha masiiriga ah ee
umadaha, ama wax ka baxsan arimaha caadiga ah een looga maarmin culimada oo aad
u kooban aragtidayda. Waxaana arintaas aad uga qayb qaatay dhaqanka somalida oo
isna aan aad u qiimayn culimada marka la joogo arimaha waawayn oo waatii hore u
yidhaahdeen “Raganimo seegye, yuu wadaadnimo seegin” iyo maahmaahyo badan oo
noocaas oo kale ah, kuwaas oo ka tarjumaya uun in aan wadaadku raga meel isla
taagi karin, loona cudurdaaro hadii laga waayo goobaha ragu isku haleelo.
Iyo runtii culimadaas ama dhaliyaradaa saxwada ee aan markaa arki jiray oo
iyaga laftoodu si taqliidi ah uun u odhan jiray arinkaas, amaba kasoo rari jiray
uun culimadooda waawayn oon iyagoon xataa aaminsanayn hirgalinta arinkaas.
laakiin allaaaah waxaa uu igu soo hadeeyey markii aan indhahayga qaawan ku
arkay, minaaradii kudayashada, halbeegii horumarka, quwadii dunida,
boqortooyadii abadiga ahyd, Indhihii I arkaayay meelkasta oo aan joogo, oo ay 19
wiil oo umadayda ka mid ahi intoo gurigeedii ugu galeen ay dhulka jiideen,
waxaan arkay wax aanaan waligay tasawuran in aan arkaayo, Waa daarihii world
trade center ee aan ku daawan jiray aflaamta american-ka ah ee aan waagaas aadka
u jeclaa, oo sidii baraf cadceedi ku dhacday hoos isugu daadanaaya.
Waxaan arkay sidoo kale dhismihii waynaa ee Pentagon ee isna aan ku
daawanjiray aflaamtii hollywood oo dhinac ahaan baaba’ay, Markaas ayaan is
ogaaday in rajada umadani ay ku xidhantahay ilaahay sokadii dadka ehlu diinka ah
ee ka dhab sheegay waxa ay afkooda ka sheegayaan, ku camal falaya waxa ay
diinteenu ina farayso ee jihaad iyo acmaalkaleba ah.
Waxaan ogaaday in ciladu aanay ahayn afkaarta ay xambaarsanyihiin kuwani ila
jooga ee aan aadka u yasaayo ee ay mushkiladu tahay iyaga oo aan ka dhab
sheegayn, laakiin hadii laga dhab sheego ay badali karto dulmiga dunida
kaligeedna istaagi karto umadani, waxaan eegay naftayda oon idhi kuwaasi
waxaabay sidaan afkaar aanay ka dhab shegahayn oo sax ah, laakiin adigu maxaad
sidaa?. Markaas ayaan bilaabay in aan aad u diraaseeyo shareecada, oon ka gudbay
qoqobnaantii iyo Xadbeenaadyadii una gudbay islaamka balaadhan.
Waxaa laga yaabaa in uu c/raxmaan sidii aan aaminsanaa oo kale uu is bidayo
waxyar oo ah cilmiga dadku u yaqaanaan maadiga khaas ahaan maamul iyo maaraynta
ama cilmi bulsho iyo wixii la halmaala, laakiin waxaad ogaataa c/raxmaan
cilmiyadaasi waxay hirgalayaan uun marka ay culimadu soo ansixiyaan ee ay
saaraan halbeega shareecada iyagaanaad uga dambaynaysaa dhaqan galinta
cilmiyadaas.
C/raxmaan waa dhab oo culimadu wax walba ma yaqaanaan, laakiin dadka kale
waxa kale ee ay yaqaanaan oo dhan waxaa saldhig ama halbeeg u ah culimadu waxa
ay yaqaanaan ee cilmi diiniya ah.
Maaha inta aan wax kasta soo barto ama nadariyad kasta soo qaato in marka la
igu yidhaahdo culimada hala waydiiyo ansixida waxa kan, aan duro culimada
cilmigooda, ama aan dafiro makaanada iyo position-ka ay leeyihiin.
Culimadu waxay madax u yihiin madaxda iyo hogaanka umada laftiisa hadii uusan
markaas isagu caalim ahayn, waxay toosinayaan wixii uu khaldo, hadii ay iska
horyimaadaan culamaa u diinka dhabta ah ee daaacada u ah umada iyo diinta
cilmigoodana lagu kalsoonyahay iyo amiirka aan caalimka ahayni waxaa la raacayaa
culimada.
C/raxmaan arintaas wuxuu u daliishaday arintaas dhacdooyin dhawr ah, sida soo
diridii uu ilaahay usoo diray dhaaluut nabi daud iyo qowmkiisii, in aan nabigu
abuu hurayrah waligii xil u magacaabin isagoo sheikh ah, in Khalid binu walid
markuu soo silaamayba loo dhiibay hogaankii ciidanka, in…in …. In…,
Waa arimo badan oo xaq ah laakiin hal mid oo aad iyo aad ugu qaldantahay baa
jirta, waa adoo mar walba culimada ka fogaynaya in ay leeyihiin karti ay ku
qabtaan hogaanka umada, waxaad ka dhigtay kartidii iyo waayo aragnimadii in
aanay meel la gali Karin culimo-nimo.
Mar waan kuu cudur daaraa oo waa marka aan arko qaarbadan oo culimo lagu
sheego hada oo umadii dhabarka uga jabiyay cadawga, u hiiliyay dabadhiliofyada
gaalada, kuwuu ku tilmaamay sheekheena ayman aldawahiri in ay yihiin fuqahada
marines-ka maraykanka, taas oo keentay in ay dhulka gasho sumcadii culimadu,
laakiin sidaan horeba kuugu sheegay waa in aad diraasaysaa taariikhdii umada tan
aad u nisbo sheegato, waa in aanaad ku dhisin aragtiyahaaga dhacdooyinkan hada
la marayo oo kaliya ee bal aad dib u milcsataa taariikhda, waa in aad
diraasaysaa mawaaqiftii culimadii salafka ee aadka u geesinimada lahaa, aad u
diraasee taariikhdii culimadii saxaabada, abuu bakar sidiiq, cumar ibnu khadab,
cusmaan ibnu cafaan, cali ibnu abii daalib, mucaad ibnu jabal. Iyo asxaabtii
kale ee faraha badnayn.
Aad u diraasee taariikhdii taabiciinta iyo madaxdoodii waxay ahaayeen culimo
iyo hogaanba, diraasee siiradii cumar ibnul c/caziz, diraasee taariikhdii
culimadeena waawayn, aad u diraasee taariikhdii ibnu taymiyah iyo mawaaqiftiisii
aadka u geesinimada badnayd, hogaankiisiii, diraasee taariikhdii max’ed
alfaatix, aad u diraasee culimada waawayn ee casrigeenan, diraasee taariikhdii
c/laahi casaam, diraasee taariikhdii maxa’ed ibnu c/wahaab, diraasee taariikhdii
sayid maxamed c/lahi xasan, diraasee taariikhdii cumar al mukhtaar, diraasee
taariikhdii axmed guray, waxaa kuugu filan cibro iyo wax ku qaadasho.
Owogna in maadaama oo waxa aynu doonayno ama ka shaqaynaynaa uu yahay diin
islaam in ay lagama maarmaan tahay in aynu mudnaanta koowaad siino dadka aadka
ugu xeesha dheer cilmigeeda, waayo iyadaa aasaasi ah, arimaha kale ee ah
hawl-socodsiintana haka dhigin in ay yihiin asalka. Hogaanka dhabta ahina waa
culimada.
Tusalaha aad u soo qaadatay ninka saalixa ah ee daciifka ah iyo ninka faasiqa
ah ee qawiga ah ee aad kazoo rartay sh.axmed ibnu xanbalna, maaha tusaale ka
tarjumaya waxa aad u daliishatay oo qofkasta oo saalix ahi maahan sheikh, sidaas
oo kale ayuu rasuulku tusaale inoogu siiyay in aanuu ruuxa caalimka ahi la mid
ahayn una dhawayn qofka isagu caabidka kaliya ah, wuxuu ku yidhi rasuulku
xadiiskii uu soo warinaayay qays ibnu kaziir ee uu so saaray tirmidin <<………Sida
uu calimku caabidka uga fadli badanyahay waa sida uu dayaxu uga fadilanyahay
xidigaha kale oo dhan, culimaduna waxay dhaxleen anbiyada, kamana aysan dhaxlin
dirham iyo diinaar ee waxay ka dhaxleen cilmi…>>
Waxaan filayaa in ay intaasi inoogu filantahay in aan cadayno in kalinta
culimada ee masuuliyada umadu ay tahay kaalinta ugu wayn, iyo sidoo kale in
hogaan la helo uu ugu wacanyahay hogaanka cilmigadiiniga ah leh, taasina aanay
meesha ka saarayn cilmiyadii kale sida maamulkiisa ama hogaan wanaagiisa.
Waa inoo qormadan qormada xigta iyo Danta Umada <<maslaxada iyo mafsadada>>
QORAALADII HORE EE BILAAL EEG HALKAN....
Wsc wrm wbr
Bilaal hargeisaawi
Bilaal_1985@hotmail.com
Axad / 2 shuwal / 1428
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 15, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|