Baaqa Jaalliyada Sool, Sanaag, iyo Cayn ee Gobolka Minnesota,
Mareykanka. Annagoo ah Jaalliyadda u dhalatay degaanka Sool,
Sanaag, iyo Cayn (SSC) ee ku nool Gobolka Minnesota ee carriga
Mareykanka, waxaannu ka xunnahay weerarka badheedhka ah ee lagu soo
qaaday degaankan bisha barakaysan ee Ramadaan. Colaaddani waxay salka ku
haysaa kala goynta iyo wiiqidda midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.
Gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu jiraan
safka hore ee sugidda iyo ilaalinta Midnimadda Ummada Soomaaliyeed ee
muqadaska ah. Colaaddan aan macnaha cidna ugu fadhiyin ee Riyaale rabo
inuu dad Muslimiinta ah ee aan wax colaadihi kadhaxayn uu u isticmaalo
dantiisa gaarka ah, ma aha colaad ku wajahan goboladan kor kuxusan oo
keliya basle waa colaad loogu talo galay dhamaan Ummadda Soomaliyeed ee
midnimadda iyo nabadda jecel. Waayo dadka gegan gobolan waxay caan
kuyihiin ilaalinta Midnimadda iyo Sharaf soo celinta Ummadda
Soomaaliyeed ee karaamadeedii dhulka ku dhacday.
Annagoo aad uga xun dhibaatadda Soomaalida haysata oo dhan , Koonfur
iyo Waqooyiba waxaan soo jeedinaynaa baaqan.
- Waxaan taageeraynaa Go’aanka ay gaadheen Isimmada Sool, Sanaag,
iyo Cayn Waxaanna ugu baaqaynaa Isimmada, aqoonyahannada, culumada
Diinta, iyo bulshada degaanka Sool, Sanaag, iyo Cayn inay ku
baraarugsanaadaan doorka adag iyo kaalinta ay ugu jiraan difaaca
midnimadda Ummadda Soomaaliyeed, ayna ku midoobaan sugidda
midnimadaasi.
- Waxaan ugu baaqaynaa in Riyaale si shuruud la’aan ah uu uga
saaro ciidamadda uu dantiisa ku fushanayo ee ku sugan degaanka Sool.
- Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan waxgaradka Goballada Waqooyi
inay ilaaliyaan xushmadda u dhaxaysa dadka wada degan goboladan oo
ay gacan kageystaan arintan cakiran.
- Waxaan ku boorinaynaa bulshada degaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn
inay meel uga soo wada jeestaan calooshood u shaqaystayaasha u
dhashay degaanka ee u adeegaya Riyaalaha ku caan baxay baabi’inta
iyo marin habaabinta shacabka Waqooyi.
- Waxaan kaloo xusuusinaynaa Ummadda ku nool goballada Waqooyi in
Riyaale uu fulinayo mashruuc isaga gaar u ah arimihiisa siyaasadeed
si ayan Ummaddu u dooran hogaan hanan kara bulshadda oo u adeega
danahooda waayo waa wax muuqda inuusan Riyaale xukumi karin
Bulshadda Waqooyi haday nabad helaan.
Haddaaanu nahay Jaaliyadda Minnesota ee ka soo jeeda gobolada Sool,
Sanaag,Iyo Cayn waxaan ugu baaqaynaa dadka jecel nabadda meel kasta oo
ay joogaanba inay ka shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ilaalinta
Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ee muqaddaska ah.
Ugu danbayn waxaanu rabnaa inaan Ummadda Soomaaliyeed u cadeyno
inaanu kasoo horjeedno in qof danbe oo Soomaaliyeed dhiiggiisa micno
la’aan loo daadiyo.
Gudiga Beeshs sool, Sanaag iyo Cayn