Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka
Prof. C/llaahi Sh. Ismaaciil oo Jawaab ka bixiyey shirkii jaraa’id 22-kii
Wasiir ee Baarlamaanka ka dalbaday kalsoonida iyo Baydhabo oo u muuqata…
Qoraal uu ka soo saarey Wasiirka Arimaha
Dastuurka iyo Federaalka ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Prof.
Geedi Prof. C/llaahi Sh. Ismaaciil oo uu kaga jawaabayey 22-kii Wasiir ee
maanlinimadii shalay shir jaraa’id ku qabatey Magaalada Baydhabo ayaa u
qornaa sedan:-
1.90 (Sagaashan) Maalmood gudahood halagu
magacaabo Gudiga Dastuurka iyo arimaha Federaalka.
2.Q.2-aad Farqadiisa 6-aad ee Axdiga KMG ah
wuxuu sheegayaa in Gudiga loo sameeyo sharcigii uu ku hawlgeli lahaa, lana
horgeeyo Baarlamaanka.
3.24-kii Maarso 2006 ayaa sharciga Baarlamaanku
ogolaadey.
4.16-kii Juun 2006, Madaxweynuihu wuxuu
ansixiyey sharcigii Baarlamaanku ogolaadey.
Wasiirku wuxuu is weydiiyey,
. Goormuu Waqtiga 2-da Sano iyo Barku ka
bilaabanayaa?.
Wasiirku isagoo isu jawaabaya ayaa wuxuu yiri
“Waqtiga la xiriira labada Sano iyo Barka wuxuu ka bilaabanayaa 16/6/2006 oo
ah maalintii la ansixiyey sharciga, sharciga dhismaha gudiga iyo
waajibaadkiisa maadaama aysan jiri Karin intii ka horeysay soo saarista
sharciga”.
Md. C/llaahi Sh. Ismaaciil wuxuu qoraalkiisa ku
soo gebagebeeyey Mudada u harsan diyaarinta Dastuurka iyo hawlgelintiisa oo
aftidu ku jirto waa sanad iyo laba bilood (14 Bilood), laga bilaabo 1-da
Nofembar 2007.
Dhinaca kale Wasiirku waxaa uu xusay in
diyaarinta Dastuurku uu marayo meel aad u hormarsan oo ku dhow gebo gebo iyo
soo ban dhigid mudo gaaban.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili DFKMG
ay mudo sedax Sano jirsatey islamarkaana hawsheeda ay ku soo aruurtey
khilaaf iyada dhexdeeda ah, hadalada dadka ku xeel dheer arimaha maamulka,
marka dib loo eego mudadii ay jirtey DFKMG waxay carabka ku adkeynayaan in
ilaa iyo hada aan la dhihikarin dowladu waxay gaartey guulo waaweyn,
waxayna ku sababeynayaan mudadii ay jirtey DFKMG waxay ku jirtey khilaaf
iyada dhexdeeda oo soo noqnoqdey, dagaal ay kula jirtey Kooxo iyada ka soo
horjeeda, mana jiro wax aan ahayn dhimasho, dhaawac iyo bur bur soo gaarey
meelaha ay dagaalka kula gashay kuwa ka soo horjeeda mooyee, mana ahan mid
ay soo gebagebaysay hawlihii dagaalka ay ka waday goobihii ay dirirtu ka
bilowdey, waxaana Magaalada Baydhabo ka soo cusboonaadey, hadalo hore loogu
yeeri jirey Hogaamiye Kooxeedyadii ka jiri jirey Deegaanka kaasoo ah TUHUN
IYO TOORA BOORO.
Marka aad eegto Magaalada dhexdeeda waxaa kuu
soo baxaya in ay wax ka jiraan hadaladaasi, waayo markii Magaalada Baydhabo
ay ku soo noqdeen Mas’uuliyiinta sare ee DFKMG waxay isu bedeshay meel
dadweynaha jooga ay dareemayaan Cabsi aan la saadaalin Karin, inkastoo
qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ay la dhacsan yihiin qaabka ay wax u
maamuleyso DFKMG waxayna qabaan in wax weyn ay ka qabatey Dowlada arimaha
Amaanka Degmada Baydhabo, islamarkaana ay shaqeynayaan Xafiisyo kala duwan
oo ay leedahay Dowladu, sida saldhigii Booliiska, Maxkamadaha Gobolka iyo
Degmooyinka, Xafiisyada Gobolka iyo Degmooyinka, kuwa Ciidamada kale ee
qalabka sida, kuwaasoo shaqaalaha ka hawlgala aysan qaadan intooda badan wax
mushaar ah,
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Baydhabo.
SomaliTalk.com | Oct 12, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|