Badweynta Dhiganayaasha
Hadalkana nin yidhi waa dhigaa, sii dheh baa dilaye
Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede
Dhaxalkeeda nimankii lahaa, way dhebaan-dhebiye
Iyagaa dharaaraba intaan, dhaafay sii odhane.
( Dhul-gariir, Hadraawi)
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Waxaan akhriyey maqaalkii magaciisu ahaa "Nolosha Warqadaha" ee uu qoray mudane
Cabdifataax Maxamed Axmed, dabadeedna waxaan is idhi, dadku mawduucyada jaadkan
oo kale ah ee muhiimka ah aad ugama hadlaan, ee bal wax ka dheh arrinta. Laakiin
inta aynaan halkan ka gudbin aynu caddayno in aynu ereyga "dhigane" doonayno in
uu mararka qaarkood inoo galo halka ereyga kale ee "buug" uu galo, maxaa yeelay
isagu waa erey qalaad. Sidaas oo ay tahay haddana mararka qaarkood isaga
qudhiisana waynu soo qaadan karnaa, waayo waa erey muhiim ah oo la
soomaaliyeeyey, hadalkeennana mar kasta ku jira.
Waxaan badhtamihii sagaashannadii qarnigii tegey idaacad Af-Soomaali ku hadlaysa
ka dhegeystay war sheegayey in uu Shiinuhu dal ay xinifi malaha ka dhexaysay ugu
hanjabay in uu "badweyn dab ah" muquuran doono haddii uu isku dayo in uu
arrimihiisa soo faraggeliyo. Soomaalidu digo yar oo meel tuunsan oo la gubay
ayey kaga hadashay maahmaah dhan oo ay tidhi: "Digo kulaylkeed nin galay uun baa
og!" Maxaad u malayn lahayd haddii ay jiri lahayd badweyntaa uu Shiinuhu sheegay
oo kale? Koley wax uun. Ka warranse badweynta dhiganayaasha?
Badweynta dhiganayaashu (buugaagtu) waa wax jira, waxayna ku fiican tahay in
aanay iyadu sida badweynta kale ee aynu naqaanno degdeg wax u dilin. Ruuxii
badweynta caadiga ah gala isaga oo aan dabbaal baran, haddii loo gurman waayo,
naftu waa ay daynaysaa. Laakiin qofkii badweynta dhiganayaasha ku dhaca isaga oo
aan tabaheeda aqoon waxaa laga yaabaa in aanay sidiisii hore waxba iska
beddelin. Waxaa laga yaabaa in uu yara dareemo waxa loo yaqaan
"indha-daraandar". Laakiin armaa laga yaabaa in ay iyada qudheedu si aan la
dareemayn wax u qarqiso, oo ay qofka ka dhigto qof aan ahayn kii aynu naqaanney
ee caadiga ahaa. Waa suurta gal. Shar iyo khayr labadaba waa laga fili karaa.
Nin gabyaa ah oo bulshada Carabta u dhashay ayaa gabay tiriyey mar uu ka
hadlayey faa’idada dhiganayaasha. Ninkaasi waxa uu ku halqabsaday buug uu lahaa,
gabaygii uu tiriyeyna innaga oo aan sidiisii u wada qorayn haddii aynu murti ka
soo qaadanno ugu dhowaan waxay noqonaysaa sidatan:
Buuggaygow waxaad iiga dhigan tahay sidii beer midho leh
oo kale
Waxaan kaa goostaa ubax anigoo aad iyo aad kuu danaynaay
Waqtiga waxaad igu dhaafisaa barashada iyo falanqaynta aqoonta
Habeenkii sheekooyin baad iigu deeqdaa maalintiina wadeey baad ii tahay
Buuggaygow waxaad tahay albaabka aan ka galo horumarka iyo barwaaqada.
Aqoonta, qoraallada, murtida iyo suugaanta, iyo wax kasta oo
cilmi ah maanta waxaa loogu tagaa dhiganayaasha (buugaagta). Taa macnaheedu waa
mar kasta oo aynu dhigane ka hadlayno isaga laftiisa kama hadlayno, oo isagu
mararka qaarkood waa uu madhnaan karaa, waxase aynu ka hadlaynaa waxa ku jira oo
ah aqoon, murti iyo waayo-aragnimo la kaydiyey – caqli la ururshay.
Noolaha oo dhami waxa uu u baahan yahay wax uu quuto si uu jidh ahaan u sii jiro
waxna u qabsan karo. Laakiin dadku ilaalinta jidhka oo keliya uun kuma qanco, ee
waxa uu u baahan yahay wax uu nafta lafteeda ku quudiyo. Haddaba buugaagtu waa
wixii nafta quudinayey, maskaxdana korinayey. Sida uu abwaankaa carbeed sheegay
waa albaabkii laga gelayey horumarka, barwaaqada iyo weliba aan ku sii daree, ku
sii negaanshaha toobiyaha dadnimada iyo samaddoonnimada.
Laakiin waa in mid maanka lagu hayaa: buug oo dhami faa’ido ma wada laha, sida
aanu roob oo dhamiba waxtar u wada lahayn. "Mayey aafo miidhan ah abaar,
muruxsan baa dhaanta" – Cali Jaamac Haabiil. Buug luggooyo ahna iftiin
aqooneed laga heli maayo, waxana dhaama qori dab ah oo aad gudcur dam ah meel
yar ku iftiinsato!.
Dhiganayaasha mar waxaa ku kaydsan aqoon, murti iyo wax naftu maaweelo ka
dhigato saacadaha firaaqada. Mar xeerarkii nolosha iyo nabadda lagu ilaalinayey.
Mar sheeko-faneedyo habaysan oo casri ah, kuwaas oo sida telefishanka oo kale
looga daawan karo marxalado iyo dhacdooyin la soo maray, oo xumaan iyo samaanba,
saamayntooda lahaa. Mar kalena waxaynu ku dhigi karnaa gabayadii Ina Jadeer,
Salaan-Carrabey, Cali Jaamac Haabiil, Faarax Shuuriye, Aw Yuusuf Barre, iyo
abwaannadii kale ee murtida hibada u lahaa. Mar kalena…….!
Murti-yaqaanka akhristaha ah marna qoraaga ahi waa uu kaga xeeldheer yahay
aqoonta iyo aqoon-baadhistaba dadka caadiga ah, maxaa yeelay waa qof had iyo
jeer ku jira jawi ama caalam kale oo qof aan ogeyni aanu dareemayn. Dadka
badankoodu wax ma akhriyaan, ee dhegaha uun bay wax ku-tidhi-ku-teen ah isugu
sheegaan. Xaalkoodu waa "dhegaha uun igala soco"! Dadka sidaas ah weeyi dadka
bulshada hadallada aan nuxurka lahayn ku wareeriyaa. Ma oga in dalabka buuggu
yahay si ku dhow midhaha heestii ahayd: "Wixii cusub iga warayso, waxaad
maqashana ka fiirso."
Inta ay faa’idada leeyihiin in le’eg ayey buugaagtu xumaanna yeelan karaan, oo
waxaynu og nahay in shay kasta oo adduunka guudkiisa saaran inta badan lagu
meteli karo sidii middi laba af leh oo kale, oo kolba dhankii la adeegsadaa wax
goyn karo. Buugaagta xag san iyo xag kale labadaba waa loola dhaqaaqi karaa.
Siyaasadaha gurracan iyo hoogga qaaradda Afrika lagu wadoba shalay dad baa
dhiganayaal ku dajiyey, maantana ku dejinaya.
Markaa xaalku sow ma aha weli maynaan xoroobin? Shalay bunduq baa la inagu
haystay, maantana buugaag baa la inagu haystaa. Haddii buugaag la inagu haysto
miyeynaan ku dhex jirin, innaga oo hafanayna oo aan is-ogeyn, badweyn
dhiganayaal ah oo aynu ilaa maanta ka dhex-bixi kari la’nahay? Mar hore waxaynu
soo sheegnay in badweynta dhiganayaasha qofka aan tabaheeda aqooni uu kala kulmo
"indha-daraandar". Laakiin arrintu immika halkaa waa ay dhaaftay, waxayna u
gudubtay meel kale. Jiritaankii ayeyba maraysaa!
Badweynta dhiganayaasha wanaag iyo dhibaato labadaba waa lagala kulmi karaa.
Laakiin, si kastoo ay arrintu tahayba, waxa meesha soo gelaya beyd gabay ah oo
ku jiray gabay uu abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) lahaa, kaas oo
ahaa:
Weli seetadii baa ku xidhan, saan-madoobaha e.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 11, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|