SADEXDA DHARDHAAR EE UU SAARAN YAHAY DHERIGA ITOOBIYA
Cabdullahi Maxamed XASAN (FALLAALLUG)
email: fallaallug7@hotmail.com
Cardiff UK.
Ugu horayn waxaan halkaan habalyo bogaadiyo iyo taagero uga dirayaa culumaa'u
diinka gobalada sool, sanaag iyo cayn oo uu hormuudka u yahay Sh c/naasir X
Axmad (xafidahu laahu waracaah) mowqifkoodii geesinimada iyo ALLE kacabsigu ku
dheehnaa ee ay ka qaateen dagaalada fitanta ah ee ay maamulada u adeegaya danaha
itoobiya aya kawadaan umada somaaliyeed dhexdoda, waana sida lagu yaqaan
culimada ahlu sunaha ah in aysan eegin meesha umadu u badan tahay hase yeeshee
ay xaqa u cadeeyaan dadka iyogon cid aan ALLE ahayn kabaqan waxaana leeyahay
jazaakumulaahu khayran jazaa wajacala fii miisaani xasanaatikum.
Waxaan sido kale ku boorin lahaa Wallaallahayga somaaliyeed ee gobolada
waqoyi sida culimada,du caada, isimada iyo inta samaha jecel ayku daydaan
tallaabadaa ijaabiga ah ee culimada deegaanada SSC ay gaashaan ka ugu darureen
dadka u ol olaynaya kuna sheegayaa dagaaladaan fitanta ah jahaad, in ay iyana
dhinacoda kula taliyaan maamulkaan xuduud baa lasoo xidhayaadu madax martay ee
tumaya durbaanka colaada inay dhaqaalaha iyo juhdiga ay ku bixinayaan
khiyaaligaas ay wax ugu qabtaan umada kuna islaaxiyaan dhulka intay kataliyaan.
Hadaan intaa kagudbo waxaa laga yaabaa in aad akhristow is waydiinayso ciwaan
ka qormadaani xidhiidhka uu laleeyahay maqaalkaan, balse hadaan dulucda iyo
ujeedada ciwaanka u soo noqdo waxaana ka odhan doona wixii alle i garan siiyo
waxaana isku dayayaa in aan hadalko soo koobo si aan loogu caajisin akhriskiisa
nuxurka iyo ujeedadana loo fahmo.
Sida soomaliyi ay wada ogtahay waxaa deris ina la ah dawlad Itoobiya
layiraahdo cadow soo jireena ah na u ah umada soomaaliyeed sidaa daradeed waxay
in badan ku taamaysay in ay soomaaliya maalin uun kamid noqoto dhulka itoobiya,
loogana taliyo Adis ababa. Hase yeeshee wixii hada ka horeysay waxay
arintaasi iska ahayd riyo maalmeed. ( day time dream)
Wixii kadambeeyaya burburkii qaranimadii soomaaliyeed waxay itobiya ku
dadaashay in ay soomaaliya dawladi kadhalan iyadoo arintaas umaraysa in ay
fashiliso shir kastoo umada soomaaliyeed isugu timaado, kii ugu dambeeyay ee ay
soomai umadax banaanayd kuna soo dhisatay dawlada waxuu ahaa kii carta waxaad na
ogtihiin in ay umidaysay wixii mucaaradku ahaa shirkaas carta oo dhan oo kawada
shaqeeyay in dawladaas halkaas lagu soo dhisay aysan hirgalin.
Itoobiya waxay wakhtigaas isaga ah haysatay laba maamul oo iyagu dhexdooda
col ka ah hase yeeshee kamidaysan maxlaxada itoobiya waana ( SOMALILAND IYO
PUNTLAND). waxaan wada ognahay in Hargeysa iyo boosaaso labadaba laga dhoofiyay
dad muwaadiniin soomaaliyeed ah loona gacan geliyay itoobiya iyadoo magacyo aan
jirin loo bixinayo sida OLf, argagixiso iwm. Waxaa kale oo aan ognahay in ay
labada maamul kamidaysnaayeen xidhxidhsta iyo sharaf kaqaadista dad bulshada
dhexdeeda magac iyo sumcad kuahaa oo kasoo qayb galay shirkii carta. Sidaa
daraadeed itoobiya mar haday haysato laba saaxiib oo ay aad isugu halaynayso
waxaa lagama maar maan noqotay in ay hesho wakiil kale oo soomaaliya inta maqan
sida Galguduud, Hiiraan labada shabeele, labada jubo, Banaadir, bay iyo bakool
iyo gedo uga wakiil noqda. Carta wixii kadambeeyay itoobiya waxay laban laabtay
dadaalkeedii iyadoo kabiloowday in ay midayso wiixii carta kasoo horjeeda sida
Putland iyo qabqablayaashii koonfureed unasoo samaysay urur ay ku midaysan
yihiin.
Wuxuuna ku guulaystay ururkiaasi ujeedadii loo sameeyay oo ahayd in ay
fashilanto dawladii carta, hase yeeshee itoobiya ujeedadeedu intaa way
kadheerayd waxayna ogayd in aysan nimankaas ururkan ku midaysan xaqiijin karin
danaheeda iyo maslaxadeda maadaama aysan nimankaan uruka ku midaysan aysan
dhexdooda is aaminaad iyo iyo wada shaqayn toonahi ka dhaxayn. Sidaa daraadeed
waxaa maamulka tigreegu bilaabay in uu caalamka kadhaadhiciyo in soomali
shir dib u heshiisin loo qabto.Maadaama umada soomaaliyeed ay tahay umad aan
aduunka wax saaxiiba ku lahayn lama helin wax is hortaaga qorshahan guracan oo
ay tigreegu wataan, waxaan sidaas ku bilaabmay shirku shegii eldhoreet oo ay
soomaalidu u taqaan awood qaybsigii qabqablayaasha, waxaana nasiib daro halkaas
kasoo baxay siday itoobiya doonaysay maamul dhulka intii kamaqanaa uga wakiil
noqda kasoo loo bixiyaya magaca maqaarsaarka ah ee itoobiya iyo dawladihii hore
uga qayb qaatay burburki qaranimada soo maaliya ay u yaqaanaan ( Dawlada
Federalka soomaaliya).
Akhristoow waxaa sidaas ku dhamaystirmay maamuladii itoobiya ay soomaliya
uga baahnayd in ay uga fulliyaan daneheeda waana maamuladaas sadex geesoodka ah
oo lagu magacaabo Somali land, Punt land iyo Federalka waxaana maragmadoonta ah
in sadexdaas maamul ay hoostagaan xukuumada tigreega oo uu sanaawi hogaan ka u
hayo. Waxay soomaaliyi wada ogtahay sadexda nin ee maamuladaa hor joogayaasha u
ah in aysan wadanka ka bixi karin soona gali karin iyagoon sanaawi sii marin si
ay ugu sheegaan meeshay u socdaan iyo ujeedada socodkooda, hadhowna soomarin si
ay uga warbixiyaan waxay lasoo kulmeen.
Hadaba si ciwaanku macna usameeyo aan isku xidhno cillaaqaad ka kadhexeeya
maqaalkaan iyo ciwaankiisa. Sida soomalida caada u ah khas ahaan reer miyiga
hadii larabo in cunto lakarsado waa in lahellaa sadex dhagax oo dheriga lasaaro
kuwaas oo afka soomaaliga loo yaqaan ''DHARDHAARO'', iyo xaabadii markaasaa
dabka lashidaa sidaasaana dhariga lagu saaraa oo hadba wixii larabo loogu
bislaystaa. Marka tusaalahani waxaa uu ka turjumayaa qaabka soomaaliya maanta
tahay oo aan uga jeedo itoobiya waxaa dhardhaaradii u ah sadexdaa maamul aan soo
sheegay umada soomaliyeedna waxaa laga dhigay xaabadii dabka lagu shidaayayay
waxaana daliil ua ah markii koonfur sidaas aad aragtaan laga dhigay xansuuq,
burbin dhaqalle iyo hanti kaleba iyo barakicin khaas ahaan xamar si dabku isu
qabsado guud ahaan soomaliya, itoobiyana daneheeda u gaarto waxaa labilaabay
colaad hor hel oo laga bilaabay gobolada intoodii kale sida dhulka loo bixiyayay
Puny land iyo Somaliland.
Ugu dambayntii Suaasha in alayswaydiiyo mudan waxaytahay Itoobiya dharigaa
dabka usaaran ma u bislaanayaa , dhardhaaradeeduse mayihiin kuwo leh tayo iyo
adkaysan ay iskaga celiyaan dabka ku baxaya kuna hayaan culayska dheriga
Itoobiya. (The time will tell)
Cabdullahi Maxamed XASAN (FALLAALLUG)
email: fallaallug7@hotmail.com
Cardiff UK.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 11, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|