Sadax sanno kadib doorashadii madax waynaha DFKMG ah Maxaa Soomaaliya ku soo
siyaadisay .?
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan Nairobi, Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2007
Asalaamucalaykum waraxmatullaahi tacaala wa barakaatuh.
Waxaa mahad leh EEBE waynaha noo suurta galiyay in aan qorno qormadaan,
Naxariis iyo nabad galyana ha ahaato dusha Nabbi Maxammed SCW..
Waxay ahayd maalinimo Axda ah, taariikhduna ku beegnayd 10 October 2004
goortii la doortay madax waynaha DFKMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed ka dib
markii la soo afmeeray madashii ugu mudada dheereed ee dalakan Kenya lagu
qabtay.
Sadex sano ayaa ka soo wareegtay maalintaasi oo ay dad badan ku farxeen in
14 sano ka dib Soomaaliya, madax wayne loo wada dhan yahay la doorto,balse
farxadaasi ma noqon mid sii waarta oo waxaaba dhacday In meeshii wax la
qaban lahaa oo shacabka ka daalay dirirka dulmiga iyo doqqnimada ku dhisan
la joojin lahaa ayaa dowladii soomaaliyeed dhexdeed khilaaf uu dhex abuurmay
meeshii ay khilaafka soomaaliya soo gaba gabeen lahayeen.
17 March 2005 ayaa waxaa bilowday khilaafkii ugu horeeyay dowladii KMG
ahayd iyadoo aanan meelna gaarin oo ay 6 bilood oo kaliya jirsatay waxaa
maalintaasi khilaafku salka ku hayay xaalada maanta uu dalka ku jiro sidoo
loo soo da dajin lahaa iyadoo kuwa diidan iyo kuwa ogolaba ay dano lahayeen
kuwa diidan waxay ahayeen qab qablayaashii qarandiidka ahaa ee ka qawlaysan
jiray shacabka Soomaaliyeed oo diidanaa in cid kale ay la wadaagto
isbaarooyinkooda maadama ay ogaayen in Ethiopianku reero gaajo yihiin aanan
lahayna bad iyo biri beereed keena la mid ah,kuwii ogolanaa waxay ahayeen
kuwa doonayay in ay noqdaan qab qablayaal cusub oo saaxada siyaasada
Soomaaliya ku soo biira iyagoo garab ka helaya maamulka Melez ee u malabsan
jiray in uu mar Mogadishu
ragaasi ayaa waxaa ka mid ahaa raga madaxda ugu sareeyo oo aan awood la mid
ah tan qab galaasha oo kale ku lahayen moqdishu ayaa miciin biday
Ethiopianka dartiis in ay isku garaacan oo ay xaalada dalku ku jiro maanta
ay sabab u noqdaan.
Hadii aysan jiri lahayn qab qablayaal qaran diid ah iyo qowlaystayaal
danaystayaal ah iyo wadaado deg deg badan nama qabsateen waxa na haysta
laakiin qadarta eebe ayaa qorayd qarniyaal iyo qarniyaal ka hor.
Dadka Soomaaliyeed waxaa aysan wali ilaawsanayn khudbadii ugu horaysay ee uu
jeediyo madax waynaha DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf shirkii
markii uu xilka uu qabtay isagoo ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isugu
jiraan qeyb maalinkii shaqeysa iyo qeyb habeenkii shaqeysa balse isaga uu la
wada shaqeyn doono taas oo micneeheedu ku cad yahay rabsho iyo qalaalso sii
wadid waxaana uu sheegay oo kale in uu yahay ninkii ugu horeeyay ee dhibka
ka taagan soomaaliya isaga ugu horeeyay.
Maxay qabatay Dowladu sadexdaa Sano ay dhisnayd ?
Waa su’aal is waydiin u baahan laakiin jawaabteeda waxaa garan kara oo
kaliya qofkii calaamadaha wadanimada isku arkay oo kaliya.
Waxaa ay dadka wadaniniyinta ah aamin san yihiin in ay dowladaan ku
meelgaarka ah ah tahay mark koowaad meel ma gaar dib u socod dhib iyo qaxar
umada soomaaliyeed ku soo siyaadisay.
-
khilaaf dhexdeeda ah oo ay mar kasta ka bixi wayday
-
Lunshasada dhaqaalaha umada Soomaaliyeed
-
U horseedida shacabka burbur iyo barakicin hor leh
-
Masuuliyad iska saar la’aan dadka dhibaataysan
Kuwaas iyo kuwa kale ayaa ay qabnaan dadka wadaniyiinta rasmiga ah.
Hadii aan mid mid u sharaxno:-
1-aad
khilaaka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya dhexdeeda ayaa dhamaan waayay marba
mar marka ka danbaysa cirka isku shareeraya waxaana ugu danbaysay tan iminka
taagan ee u dhaxaysa labada masuul ee ugu saraysa Dowlada meel ma gaarka ah
ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo Cali Maxamed geedi maahana markii ugu
horaysay oo khilaaf caynkaan ah uu soo kala dhex galo balse waxaa lagu
sheeki karaa in uu yahay kii afaraad ama shanaad mudu sadexsano gudeheed
ah,waxaana uu salka ku haya wax qabad la’aanta dhexdooda
iyadoo iminka ay ku baratayamaan baarlamaanka dhexdiisa taas oo ay ka
dhalan karto khilaafka dhexdooda ah hadii baarlamaanka la dhex geeyo in
micneheedu yahay in la sii wado khilaafka iyadoo baydhabo laga dareemayo
ifafaalo hor leh oo khilaafeed taas oo markaan keeni karta bur burka dowlada
hadii uu sii socodu.
2-aad Lunshasada dhaqaalaha umada Soomaaliyeed taas oo ay iska cadahay
iyadoo dhamaan dhaqaalaha laga soo helo wadamada deeqaha bixiya ay gacanta u
gasho dad aan wadaniyiin ahayn oo jeebkooda oo kaliya buuxdhaafiya inta ka
soo harta ku faytaama sida aad ku arki kartaan warbixitaan
(Guji )Arooska wiil uu dhalay Geedi oo ay ku baxday dhaqaale dhan
$1,900,000 (Hal milyan iyo Sagaal boqol oo kun oo Dollar),

C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf
markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]SomaliTalk Nairobi,Axad 10,Oct 2004

C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay
Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]SomaliTalk,Nairobi
Dumar Soomaaliyeed oo farasan maalintaasi oo ku
haminayay in dowlad u dhalatay balse maanta qaarkood ay farxadaasi
ka shalaayayaan.Axad 10/10/2004 [SomaliTalk,Nairobi]
|
3-aad horseedida shacabka burbur iyo barakicin hor leh taas oo ay iska
kaashanayaan cadowgii soo jiraynka ahaa ee Umada Soomaaliyeed ee Tigreega
hadii aan si kale u dhahnana Ethiopian-ka iyagoo gacan ka helaya rag dhiigii
Soomaalinimo meel soo dhigtay oo ay dhaansadaan Tigreegu waxay bur buriyeen
xorinimadii soomaaliyeed ee ay SYL u keentay rabi ka sokow iyo dhalinyaradii
wadaniyiinta ahayd waxay ku tunteen magacii Soomaaliyeed waxay bara kiciyeen
dumar iyo caruur iyo waayeel aan waxba galabsan iyagoo.
Tan ugu danbayso ee :- 4aad Masuuliyad iska saar la’aan dadka dhibaataysan,
waxay masuuliyad iska saari kari waayen sidii umadaasi loo bad baadin lahaa
iyagoo qaar ka mid ah masuuliyiinta Dowlada laga hayo dadka ku bara kacay
dagaalada xamar in ay dalxiis ku jiraan taas oo meel fug danqinayso cid
kasta oo leh wadaniyad Soomaaliyeed kana hufan qabyaalad iyo qurunkeeda
maadaama uu yiri Rasuulku SWC ‘’ isaga taga [yanii qabyaalada] waa wax
uraysa ama qormoon.
Isku soo wada doob DFKMG ah ee Soomaaliya Soomaaliya waxay u horseeday dib u
socodnimo iyo bur bur horle ka dib markii ay ka soo kaban lahayd 14 sano
dagaal balse waxaas oo idil waxaa ugu daran in dalkeedii ay gacanta u
galisay cadowgeedii .
Maxaa la gudboon Soomaali ?
Waxaa la godboon In ay soomaalidku iyada isku tashado oo ay ka tanaazusho u
adeegista dadyowga kale waxaa loo adeegayaa hada Addis Ababa maahan in aan
ku sii darnaa Asmara,maahan in aan noqono doqontii oowada qaadi kari wayday
oo tiri ‘’ oodaan waa culustahay ee mid kale korka ha la iiga saaro si aan u
qaado’’ Eteria in ay sii murigso xaaladeena maahee xeelad noo keeni mayso.
Teeda kale raga wadaada ah ee deg dega badan ee la oran karo mushkilada
Soomaaliya maanta ka taagan ka dib lixdoodii bilood waa in ay ka fiirsadaan
dhibka sidii loo xeeladayn lahaa maahan in dhibka dhib kale umada loogu
daro,kii maanta la socoda cadowga macniheedu maahan in qofkasi oo sidaa
diinta uga baxay oo dhiigiisu banana yahay balse waa qof kuugu dhex jira oo
maalin ka mid ah maalmaha ayaa uu oo dantiisa ka waayayaa,marka waan is
naqaanaa soomaali waad dad ku dhisan dan intooda badan ee yaan la layn
,daadinta dhiiga musliinta bil soon iyo bi kalena waa inaad ogaataan in uu
yahay mid xaaran ah waxaa kale loo baahan yahay inaad takfiirinta iyo kala
fiijinta dadka aad ogaataan in ay dan ugu jirto cadowgeena oo kaliya
maadaama uu yiri Rasuulka SWC ‘’ wada jirka waxaa ku jira raxmada kala
tagistana waa weeye cadaab’’ ama sida oo xadiithku ahaa micnihiiso.
Dad muwaadiniin rasmi ah oo u dan qada shacabka maskiinka ah rabi ha u sahlo
Soomaali hana ka xorowdu Soomaaliya ma naxayaasha labada dhinac ee dhibka ku
haya umada daalan.
Cidna uma maqna ceela uma qodna,ciila uma yara .
SomaliTalk.com | Oct 10, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|