“Loolanka Geedi iyo Yuusuf Guusha yaaleh” (Faallo)
Qore: C/qaadir Barnaamij
somec3@yahoo.com
Waxaa marar badan soo shaac baxaya in
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu is khilaafsan yihiin, hadana arinkaas
waa la xalinayay, inta badana waxaa dhexdhexaadinayay Itoobiya oo u aragta
xukuumada iminka jirta mid taariikhi u ah, labada nina waxaa lagu tiriyaa
iney yihiin kuwo aad ugu dhaw itoobiya.
C/laahi Yuusuf siduu madaxweyne ku noqday:
C/laahi yuusuf inuu madaxweyne noqday iyo siduu
ku noqday aad ayaa looga dheregsan yahay, gaar ahaan markii Qabqablayaashii
Beesha hawiye uu mid walba damac gooniya iyo isku tanaasulid la’aan uu ka
qaatay meel cidla ah, in badan waxaa ay la socdaan doorashadaas ka hor in
Xaaji Muuse Suudi yalaxoow uu si cad u sheegay in C/laahi yuusuf kabo ka
waaweyn in uu xirto rabo. Balse C/laahi oo gacan ka helaya Maamul
Goboleedka Puntland, Beeshiisa oo aad u garab istaagtay, iyo dowlada
Itoobiya oo geed gaaban iyo mid dheer u fuushay inuu madaxweyne noqdo, waxaa
uu hantay in uu madaxweyne uga yeertay shirkii Nairobi 2002-2004.
Cali Maxamed Geedi iyo C/laahi yuusuf wax
macarifa ah kama dhaxayn , Hamiga ugu weyn ee C/laahi markii uu ku
guuleystay madaxnimada waxa ay ahayd inuu saaxiibadiisii SRRC uu ka dhax
xusho gaar ahaan waxaa la hadal hayay in Gacma dheere(Wasiirka arimaha
gudaha ee iminka) oo booqasho kula tagay Puntland uu noqdo, ama qof
isbahaysigii Carte kasoo horjeeday, warar hoose waxay sheegayaan in Wareegii
ugu danbeeyay ay Maxamed Qanyare ku heshiiyeen in isaga laga dhigo Ra’iisul
wasaaraha , codkiisana uu u weeciyo dhanka C/laahi yuusuf.
Shaqsi aad u xog ogaal ah ayaa ii sheegay in
C/laahi yuusuf uu u anbabaxay dalka itoobiya markii la doortayba, Casho ay
qaateen Madaxweyne C/laahi, Milis Zanawi – raiisul wasaaraha itoobiya iyo
Siyuum misvin- wasiirka arimaha dibada itoobiya oo ay madaxweynaha ku
wehliyeen C/laahi Sheekh iyo Buubaa si caadi ah loo weydiiyay Madaxweyne
yaad la rabtaa ra’iisul wasaare inaad u magacawdo? Si guud ayuu ku jawaabay
waxaa laga soo dhex xulayaa Beesha hawiye, Wasiirka arimaha dibada itoobiya
ayaa hadalkii qaatay oo u sheegay in uu jiro nin la yiraa Cali Maxamed Geedi
oo aqoon leh, kana tirsan beesha hawiye, gaar ahaan abgaal ayna tahay inuu
ka fakaro madaxweynuhu sidii uu ra’iisul wasaare uga dhigi lahaa. Shaqsigaas
ayaa waxaa uu intaas ku daray in madxweynuhu uu yiri shaqsigaas kuma maqal
in baarlamaanka uu ku jiro, hadalkii ayaa islamarkiiba waxaa qaatay Malez oo
yiri “ dhib malahan Maxamed dheere ayaa laga yaabaa inuu ka tanaasulo
baarlamaanka” Madaxweyne C/laahi waxaa uu si diplomaasi u yiri waan eegayaa
markaan ku laabto Kenya.
C/laahi yuusuf markuu Kenya ku laabtay ayuu u
yeeray Geedi kulankaas oo ahaa isbarasho iyo qiimeyn, kulankaas rag u dhawaa
ayaa ii sheegay in Geedi uu madaxweynaha talooyin u soo jeediyay iyo
dhaliilo, uuna aad ula dhacay, kadibna uu madaxweynuhu ku yiri “inaad ila
shaqeyso ayan doonayaa” jawaabta Geedi ay ahayd “inaan dalka u shaqeeyo
diyaar ayaan u ahay”
Markaad dib u raacdo khilaafaadka labada nin
waxaa ay salka ku hayaan ayaa ah labada ninba in shaqsiyadoodu ay xoogan
tahay, taas ayeeyna ka dhalaneysaa dhibaatooyinka dhex yaala.
Madaxweynaha waxaa weeye nin da’a ah, muda 50
sano ku soo qaatay nolol ciidan oo uu madax ahaa , iyo Jabhadeyn oo iyadana
uu madax ahaa, Maskaxda madaxweynuhu waxay qabatintay in amar la qaato,
hadii kale aan laysla shaqeyn Karin, in loo shaqeeyo isaga, C/laahi yuusuf
nin mudo la shaqeeyay ayaa ii sheegay in “la taliyaashiisa xitaa aysan
xaqiiqda u sheegi Karin C/laahi , cabsida ay ka qabaan darteed” waxaana
muuqata in uu ka waayay dhaganuglaantii Geedi.
Dad badan waxaa ay ku doodaan in Madaxweynuhu
Aduunyo kale iyo lacag dan uusan ka lahayn oo uu ku qanacsan yahay inuu
Madaxweyne uun mar u yeertay laakiin uu jecel yahay in ay run ahaato
madaxweynanimada, laakiin madaxweynihii waxaa isku hareereeyay dhalinyaro
qaraabo soke la ah oo ka yimid Yurub iyo North America, oo u noqday dhagaha
uu wax ku maqlo iyo indhaha wax uu ku arko, waxaa la yaab igu noqotay
markii dhowr madaxda dowlada ah ay ii sheegeen in Wiilasha Odayga ku
hareeraysan ay odayga lugooyo ku yihiin qofkii ay gartaan ama ay rabaan uun
ayaa gaari kara odayga, waxaa dhibkaa dhib la mida ka sheegtay Safiirada iyo
diplomaasiyiinta soomaaliya ee dibada jooga, oo mid ka mida igu yiri
“mobilka ama telefoonka madaxweynaha waxaa kaa qabanayo dhalinyaro yar yar
adigoo howl qaranka ama Madaxweynaha dan u ah wado ayaa dan lagaa galeyn,
mararka qaarna lagugu damin, waan iska dhaafay la xiriirka madaxweynaha”,
dhalintaas hamigoodu kama marna hanti raadin.
Dhanka Geedi laftigiisu waxaa uu ahaa madax mudo
badan , waxaana uu ahaa wiil sarkaal sare uu dhalay tacliin sarana helay,
dolwadii maxamed siyaadna aan jago ka dagin intii uu shaqada bilaabay. waxaa
isagu uu isku darsaday Aqoonta luqadaha Englishka talyaaniga, Carabiga,
waxaa uu sameeyay intuu xafiiska joogay in kalsoonida Itoobiya ay
xooganaato, waxaa uu si ganbasho lahayn uu u isticmaalay awoodiisa
dustuuriga ah , wuxuu xilalka ka qaaday wasiiro uu u dareemay in ay
Madaxweynaha u nugul yihiin oo laga yaabo iney garab mareen Tusaale
Wasiirkii arimaha dibada Buuba. Wuxuu uu gacanta ku dhigay ama uu xilal u
dhiibay Rag aad ugu dhaw dhaw (Xilka Duqa magaalada, Xilka dakada), loolanka
safiir magacaabista waxaad moodaa isaga iyo Madaxweynuhu ilaa xad iney
qeybsadeen.
Labada nin waxaa ku wareegsan la taliyayaal kala
fogeyntooda dowr weyn ka qaadanaya, kana xigsanaya in talo ama danta guud
lagala hadlo.
Culeyska Saaran Madaxweynaha:
Geedi sii Joogistiisa Xafiiska Ras’iisul
wasaaraha waxay keenaysaa in Madaxweynuhu ahaado buul, awooda Geedina ay sii
balaarato, markii loo fiiriyo xiriiradiisa, waxaa shaki weyn galayaa
Heshiiska qodista Shidaalka ee Puntland oo dadka qaar sheegayaan in lacago
laga hormarsaday shirkado China ah. Dhanka kale waxaanan shaki ku jirin
haduu xafiiska sii hayo Ra’iisul wasaaruhu in 2009 uu si sahlan ku noqon
karo madaxweynaha soomaaliya waa hadii doorasho baarlamaanka jira laga dhex
sameeyo.
Geedi waxaa saran culeys aan ka yareyn kan
madaxweynaha, waxaanan ka tilmaami karnaa Geedi waxaa aad loogu geliyay
suuqa in uu yahay “NGO man not State Man” – Nin dhaqaale urursi ku jira uun
oon dowlad nimo dan ka lahayn- waxaa shaki badan la geliyay meesha ay martay
lacago loogu deeqay dowalada, taa waxa ka daran dagaaladii ugu ba’anaa 2007
waxay ka dhaceen Muqdisho oo ah Caasimadii dalka laakiin dhanka siyaasada ah
meesha ay tahay in Geedi uu ka helaa taageero badan, iyo in laga jeclaado,
waxaa dadka qaar ku eedaynayaan in uu Ciidamada itoobiya iyo Maleeshiyaadka
xukuumada uu ku baabiyay Magaaladii, waxaa la cuuryaamiyay dakadii muqdisha
waxaa bilooyin goobdagaal isku badalay Suuqii Bakaaraha, waxaa Muqdisho ka
cararay Aqoonyahankii beeshiisa iyo Ganacsatadii, waxaana la barakiciyay
kumanaan ah dadkii ay ahayd in uu siyaasi Geedi oo kale ah ay ahayd inuu ka
shaqeeyo horumarkood isagoo tixgelin iyo mansaba ku helay siyaasad ku dhisan
qaab qeybsi qabiil.
Culeyska kale ee Geeddi haysta waxaa ka mid ah
isaga oo xiriirka wacan ee uu la leeyahay Sucuudiga iyo Suudan ay kusii
riixayso inuu Wada hadal la galo isbahaysiga Xureynta soomaaliya, taasi
waxaa suurta gal ah in ay ka xanaajiso saaxiibadiis Itoobiya.
Waqti Xukuumada u haray waa 2 sano, waxaana loo
maleyn in itoobiyaanku kala dhex galaan lamada nin laakiin , hadii la galo
Mooshin oo ay dhacdo in Geedi ku guuleysto mar kale waxay noqoneysaa in uu
sii xoogeysto, awoodiisa maamul iyo siyaasadeed, Madaxweynuhuna sii galo
Go’doon.
Hadiise ay dhacdo in Baarlamaanka looga itaal
roonaado , dabcan baarlamaanka jiraa waxaa aad loo tilmaamaa in laaluushka
la bixiyaa sameyn weyn ku leeyahay, ay tahay Warqadii Geerida Xukuumada,
waxaa xusuus mudan C/qaasim Xukuumadiisii waxaa dhaqdhaqaaq iyo iftiin ugu
danbeysay Cali khaliif Galeyr, markiise la casilay waxay ku dhamaatay in
muqtaar guudoow oo ahaa baarlamaankii Carte ninkii ugu danbeeyay ee afhayeen
ka ahaa in uu Muqdisho dhaxdeed ka yiri waxaa la casilay C/qaasim waxaana la
doortay C/nuur Darmaan.
Ictiraafka lagu ixtiraamayo xukuumadan jirta
waxaa uu galayaa shaki weyn, dowladaha carabta waxaa ay yareyn doonaan
kalsoonida yar ee ay hayaan, waxaana ka sii daran hadii ay Geedi iyo
Isbahaysiga xureyntu ay isku lug darsadaan.
Dowlada Itoobiya iyo Is qabqabsiga:
Intaan dowladan iman waxaa aad loo hadal hayay
in dolwada itoobiya soomaaliya dan ka lahayn oo ay ka rabto qeybi oo xukun
oo aysan rabin wax dowlad ah, tusaale waxaa loogu soo qaadan jiray wixii ka
dhacay GEDO iyo Baydhabo. Waxaa dad u dhuundaloola siyasadu qabaan in
Itoobiya ay rabto in labada nin ay ahaadaan kuwo aan awood badneyn, nin
walbaana uu iyada ku tiirsanaado, soo kala dacwoodaan mar walba. Waxaa xog
ogaal kale ku doodayaan itoobiya maba ka rabto Xukuumad macno leh ee waxay
rabtaa magac uun,waxayna Tusaale uga dhigayaan Ciidamada Itoobiya waxay ka
soo baxeen kismaayo waxayna kismaayo ka baxday Gacanta dowlada.
Dolwada Maraykanka waxaa warar hoose sheegayaan
in ay rabaan in dowladan jirtaa kala fur furanto isbadalo gudaheeda ka
dhacaan, ilaa laga gaarayo 2009 balse aysan burburin oo la dhoodhoobo waxaa
tixraac looga dhigayaa dhawaaqii ka soo yeeray Kaaliyaha xogahayaha arimada
dibada maraykanka Jandy frezar ..waxaana maraykanka mashquul badan ku haya
ciraaq iyo Afgaanistaan,
Gunaanad, maalmaha soo socda ayaa ka jawaabi
doona mustaqbalka xukuumadan, iyo in ay labada nin ay isla joogi doonaan
ayagoon isla jaan qaadi Karin iyo in Geedi laga takhaluso taasoo sababi
doonto inaan laga danbeyn. Marka guushu waa qasaaro !!
Qore: C/qaadir Barnaamij
somec3@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 10, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
![](/terry/arrowleft.gif)
![](/terry/arrowright.gif)
|