Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 October 2007.
Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.
Waxyeellooyin cadowgu u gaystay dadwnayaha.
Khilaaf u dhexeeya taliska Addis Ababa.
Khudbad meelo badan taabanaysa oo uu jeediyey Gudoomiyaha JWXO.
======================
HALKAN KA DHEGEYSO
BARNAAMIJKA .......
Dagaallo cadowga lagu waxyeelleeyay.
Wariyaha RX uga soo warrama xarunta dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya ayaa noo soo tabiyay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu
waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya.
Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;
08/10/07 waxaa magaalada Dig lagu miray ciidammo gumaysigu leeyahay oo
halkaas ku sugan, iyadoo loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
07/10/07 waxaa sidoo kale magaalada Dig duleedkeeda lagu weeraray ciidammada
gumaysiga ee Dig fadhiya, waxaana weerarkaas ciidammada cadowga lagaga dilay
2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
05 iyo 04/10/07 waxaa sidoo kale weerarro mir ah loo gaystay ciidammada
gumaysiga ee Dig ku sugan, waxaana weerarradaas loogu gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
03/10/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu
yahay magaalada Yucub, waxaana loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
30/09/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray
meesha lagu magacaabo Uusley, oo ka tirsan degmada Awaare, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 21 askari.
Waxyeellooyin cadowgu u gaystay dadwnayaha.
Cidammada gumayisga Itoobiya ayaa waxyeelloyin kala duwan oo isugu jira dil,
xidhay iyo dhac u gaystay dadwayne rayad ah.
30/09/07 waxay ciidammada gumaysigu Uusley, oo ka tirsan degmada Awaare, ku
dileen Alla ha u naxariistee Cabdi Daa’uud.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu deegaanka Uusley ku gubeen labo reer,
iyagoo dab qabadsiiyay Aqalladii iyo hantidii ay labadaas reer haysteen.
Labadan reer ee cadowgu gubay waxaa oday u ahaa ninka lagu magacaabo Xaaji
Furre.
22/09/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadka
kala ah
1- Haadi Mustafe
2- Dubad Nuur Xaaji
3- C/nuur C/raxmaan
4- C/llaahi Aabi Mataan
5- C/raxmaan Colaad
6- Cindi Maxamed Qani iyo
7- Ardo Faarax
15/09/07 waxay ciidammada gumaysgu boob ka gaysteen tuulada Gudhis, oo ka
tirsan degmada Fiiiq, waxayna lacag gaadhaysa 1600 oo Bir ka dhaceen ninka
lagu magacaabo Maxamed Haybe. Waxay sidoo kale ciidammada jidhdil aad u
ba’an u gaysteen Axmed-yare Sh Yuusuf Haybe.
10/08/07 ciidammada gumaysiga ee ku sugan degmada Xamaro ayaa hanti badan ka
boobay dad rayad ah, isla markaana jidhdil ba’an u gaadhsiiyay. Dadka
dhibaatooyinkan loo gaystay waxay kala yihiin;
1- Wali Xauseen Digaale
2- Nuur Carab Muxumed
3- Cabdi Maxamed Cabdi Salsal iyo
4- Cumar Baddal Aaden Xaashi.
Dadkan waxay ciidammada gumaysigu ka dhaceen lacag marka la isu geeyo
gaadhaysa 22,000 oo Bir.
Dhinaca kale waxay ciidammada gubeen tuulada Fiic, oo Qabridaharre ka
tirsan, markii ay taariikhdu ahayd 06/10/07. Ciidammada gumaysiga ayaa
bililiqaystay tuuladaas markii ay gubayen, waxayna baabuurtooda ku rarteen
Jiingadihii guryaha iyo wixii kale ee hanti ahaa ee dadwaynuhu lahaa.
Khilaaf u dhexeeya taliska Addis Ababa.
Taliska Addis Ababa ee TPLF-tu hooggaamiso ayaa la sheegayaa in raga ugu
sarsarreeya uu khilaaf xooggani soo kala dhex galay, waxaana la sheegayaa
inay isku khilaafsan yihiin in wadaxaajood lala galo xisbiga CUDP iyo in
kale.
Ilo xogogaal ah oo u warramay Warsidaha Indian Ocean ayaa sheegay in khilaaf
xooggani uu u dhexeeyo kaligii taliye Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arrimaha
dibada oo dhinac ah iyo Sebhat Nega oo ay taageerayaan Bereket Simon iyo
Tefera Walma oo iyaguna dhinac ah.
Labadab garab ayaa isku diiddan in wadaxaajood lala galo waxa ay ugu
yeedheen madaxda qunyar-socodka ah ee xisbiga CUDP, oo ah kuwii dhawaan
xabsiga laga sii daayay. Labadan garab midkood ayaa rumaysan in madaxda
xisbiga CUDP siyaasad dabacsan lagula dhaqmayo, waxayna ka soo horjeedaan in
wadahadallo furan lala galo xisbiga CUDP.
Kooxo kala duwan ayaa dalka Maraykanka ka wada dadaal ay ku doonayaan in ku
wadahadalsiiyaan kaligii taliye Meles Zenawi iyo madaxda CUDP, waxaana loo
badinayaa in wadahadalladaas ay ka shaqayso oo dhexdhexaadiye ka noqoto
Xarunta Carter ee madaxwaynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter, hase
yeeshee dhinaca wadahadalladan diiddan ayaa la filayaa inay ku gacan-saydhi
doonaan isku day kasta oo arrintaas la xidhiidha.
HALKAN KA DHEGEYSO
BARNAAMIJKA .......
09 October 2007 Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
SomaliTalk.com | Oct 10, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|