SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

JASON LEWES oo 13-Sano kaddib soo geba-gebeeyay Safarkii Dunida uu ku marayay!! 

      Jason Lewes oo ah nin u dhashay Waddanka Ingiriiska ayaa Talaadadii oo ku beegneyd 6-dii October 2007 waxa uu soo geba-gebeeyay safar dheer oo uu ku soo maray Dunida dacalladeeda, kaasoo uu ku bixiyay 13-sanadood oo noloshiisa ka mid ah.

      Jason ayaa socdaalkiisii dhibka badnaa waxa uu u adeegsanayay Doon Alwaax ka sameysan oo 16ft ah oo ah nooca loo yaqaanno (Pedalo Moksha), Mooto, Baaskiil (Bicycle) Dabaal iyo socod intaba, waxaana Badda Atlantic-ga uu kaga gudbay 111-maalmood, Badda Pacific-gana waxa uu ku maray 178-maalmood, halka Badda Carbeedna uu ku dhaafay maalmo gaaban (46-maalmood).

      Safarka Jason oo ahaa mid aad iyo aad u dhib iyo rafaad badan ayaa intii uu ku guda jiray waxa uu la kulmay caqabado fara badan oo ay ka mid ahaayeen isagoo mar ka jabay Labada Lugood kaddib markii uu Baabuur jug siiyay isagoo maraya Mareykanka, sidoo kale Doontiisii oo ku qalibantay isagoo maraya Badda Atlantic-ga, Masar oo lagu xiray kaddib markii lagu tuhmay Jaajuusnimo, shil ku qabsaday Magaallada Mumbai ee India, markaas oo Indian Ocean-ka uu uga soo gudbayay Djibouti iyo isagoo mar Yaxaas uu ku soo weeraray Australia.

      “Marnaba ma filanayn in aan dhib la kulmayo, haddii aan ogaan lahaana safarkaan ma bilaabeen” ayuu yiri Jason oo bilowgii socdaalkiisani uu ku wehliyay saaxiibkiis Steve Smith oo ay wada dhiganayeen Jaamacadda London University, waxaana Mr. Smith laba mar ku dhacay Cudurka Malaria-da, halka marna dhiigiisii uu sumoobay, taasoo keentay in 1998-kii uu is dhiibo, kana haro safarkii uu la soo bilaabay saaxiibkiis Jason.

      “Waxaan u malayanayay in safarkaygu guud ahaan qaadanayo 2 illaa saddex sano” sidaa waxaa yiri Jason.

      Sanadii 2000 Jason waxaa lagu yeeshay Daymo fara badan, waxaana dantu ay ku kaliftay in uu saddex sano ka shaqeeyo beer ku taalla Magaallada Colorado ee dalka Mareykanka, kaddib Jason waxa uu Ingiriiska ku soo noqday mar qura sanadkii 2000 isagoo uu wehliyay Aabihii waqtigaas oo laga daweynayay Cudurka Cancer-ka.

      Dalalkii Africa ee uu Jason Lewes soo maray waxaa ka mid ah Ethiopia, Sudan, Egypt iyo Djibouti, waxaana uu sheegay in uu aad uga xumaaday markii lagu tuhmay Jaajuusnimo laguna xiray dalka Masar.

      Jason oo Baaskiil kaga dhaqaaqay Meridian Royal Observatory ee waddanka Ingiriiska 12-kii July 1994-kii xilligaas oo da’diisu ahayd 26-sano waxa uu dalkiisii hooyo ku soo noqday 6-dii October 2007 isagoo 40-sano jir ah, kaddib markii uu safray 74,842km (46,505 miles), waxaana safarkiisii dheeraa uu qaatay 13-sano, 2-bilood, 23-maalmood iyo 11 saacadood.

      Mar wax laga weydiiyay wixii uu ka soo faa’iiday safarkiisii dheeraa waxa uu yiri “Hadda waxaan ahay 40-jir, ma heysto meel aan ku noolaado, ma jirto wax aan ka soo helay safarkaasi oo aan ka hayan xoogaa sheekooyin dhinaca safarka ah”.

      Dhinaca kale Fikirka jaceylkiisa dhinaca Safarradana waxa uu xusay in ay ku dhalatay kaddib markii Hooyadiis ay dalxiis u keentay dalka Kenya 1985, safarna uu u aaday Nairobi illaa Mombassa.

      Geba-gebadiina Lewes oo intii uusan soo gaarin Ingiriiska soo maray Syria, kaddibna uga sii gudbay Turkiga, kaddibna Bulgaria, Romania, Australia, Germany iyo geba-gebadii Belgium ka hor intii boqolaal dad ahi aysan ku soo dhoweyn Royal Greenwich Observatory ee  London, waxaana mar uu u warramayay saxaafadda uu yiri "I think I might pitch my tent in Greenwich Park and hope no one kicks me out.". “Waxaan aaminsanahay in aan Teendhadeyda hadda ka taagan karo Greenwich Park, anigoo rajaynaya in cidina aysan iga ceyrin doonin!”. 
 

W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro.

E-mail address: yaxyekhasaaro@hotmail.com  

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 9, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com