MAQALEY WARLAAY MA LAGUU WARRAMAY?
W/D: C/raxmaan Shariif
Max’ed {Taysiir}
Email:
taysiir55@hotmail.com
Ma laguu sheegay iney iman doonto dharaar cid kastaa lala xisaabtami
doono, oo wax laga weydiin doono xilkii ay ummadda u qabatay, ama Wasiir
ahow ama urur sheego? Bulshadeena ruuxii dabbaal joogto hoosiyo,
dibindaabyo ugu maqan, degdeg uma tilmaamaan, daqar kulama boodaan, dib
bay ugu muddeystaan.
Waxaan ku keenay warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee
Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, ee ku saabsan in aanu ururna sheegan
karin mas’uuliyadda Saxaafadda iyo Suxufiyiinta Soomaalida, iyadoo
ururada caalamiga ahna ku wargalisay wixii Saxaafadda Soomaalida ku
saabsan iney kala soo xiriirto Wasaaradda Warfaafinta.
Tallaabadaasi durba waxaa ka daba qeyliyey kuwa isku tilmaamay iney
yihiin urur Saxaafadeed, arrintaasi waxaa loo fasiran karaa, qofkii
nidaam ka soo horjeesta in ujeeddadiisu ay ka duwan tahay horumar iyo
wanaag doon ee uu sharci darro ka door bidayo.
Arrinta ku saabsan Saxaafadda waxey u baahan tahay dhinacyo badan in
laga eego.
Maanta iyadoo aan ognahay badweynta siyaasadda dalka ee kacsan
darteed hirarka ka dhashay iney wariyayaasha ku keeneen iney cabsi ku
shaqeeyaan, haddana ay ugu sii daran yihiin kuwa gashan shaarka
dowladda, ee ka shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta, su’aashuse waxey tahay:
xaq-dhawrkii iyo xushmaddii uu lahaa ma helaa wariyaha u shaqeeya
Wasaaradda Warfaafinta? Mudnaan maku dhex leeyahay hay’adaha kale ee
dowladda iyo ciidamada? Xuquuqse ma siisaa Wasaaradda Warfaafinta?.
Ururada saxaafadda kuwa isku magacaabay ee ka dhismay Gobollada Dalka
Soomaaliya, haba ugu badnaadeen magaala madaxdee, ayaa waxey ku
tartameen sheegashada mas’uuliyad ay ka been abuurteen iyo xilal aaney
cidina mudnaan uga heysan, marka laga reebo hay’ado fara ku tiris ah oo
dano aanu garaadkoodu garan karin ka leh.
“Qaar ka mid ah ururadaasi waxey ku lumeen hawd dhexdii, maadaama ay
aqoontooda Saxaafadeed yareyd, waxeyna fara gashadeen hawlo ka baxsan
kuwii uu Suxufigu u tababarnaa, waxaaba ku shaqeystay hay’ado sirdoon oo
caalami ah” ayuu yiri Suxufi mar ka soo mid noqday ururadaasi mid ka mid
ah laakiin hadda isaga baxay, oo aan kula sheekeystay magaalada
Muqdisho.
Marka la joogo Gudaha Soomaaliya arrin fudud bay aheyd in urur ay
sameystaan afartii qof ee u aragta iney wax un ka soo galayaan, nin
ajnabi ah oo NGO ku yimid Soomaaliya ayaa wuxuu yiri, “Dadka
Soomaaliyeed waa 7-Milyan, waxeyna leeyihiin 14-Milyan oo NGO’s, taas
macnaheedu waxaa weeyaan in qofkiiba uu leeyahay 2-NGO’s” shakhsigaasi
aragtidiisa ayuu ku degdegay, waxeyse xaqiiqadu tahay in dalka ay ku
badan yihiin, ururada aan aqoonta ku dhisneyn.
Muddadii burburka waxaa Soomaaliya ka bilaabmay kacdoon dhalinyaro
badan ay ku fikireen iney Wariyayaal noqdaan, iyadoo la hilmaamay in
mihnaddu ay tahay mid muhiimad weyn laga siiyo Macaahidda iyo
Jaamacadaha dunida, oo aqoon wakhti badan la galiyey iyo tababarba u
baahan, waxaa ay dhalinyaradaasi aamineen in bilo yar Saxafi lagu noqon
karo, waxeyna iska xaadiriyeen iskuullo gaar loo leeyahay oo kuwa wax ka
dhigaa aaney iyagaba uga aqoon badneyn warfaafinta, 2 ilaa 6 bilood
kaddib waxaa loo sheegay iney suxufiyiin yihiin! Waxeyna taasi ka mid
noqotay nasiibdarradii dalka ka dhacday.
Dadkii qaabkaas wax ku bartay ayaa waxey ku midoobeen, wax ay ugu
yeereen Ururo Saxaafadeed! Kaddib markii maalmo kooban codkooda laga
maqlay FM-yo dalka ku soo batay oo qiimo sii ridan aan siinin
shaqaalahooda, ragga ku magaca yeeshay Warfaafinta Soomaaliya ee aqoonta
u leh, waxey rumeysan yihiin in Durduro Geel ku jabo, “Kuwa ku tuntay
magaca Saxaafadda Soomaalida maalin un baa lala xisaabtami doonaa oo
dalku uu nidaam iyo kala dambeyn yeelan doonaa” ayey yiraahdaan.
Khubarrada Saxaafadda Soomaaliyeed ee loo tiriyo iney aqoon durugsan
u leeyihiin qeybaha kala duwan ee warbaahinta dalka way isku xiran
yihiin, waxeyna iyagoo Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed ku mideysan oo
sharaftoodii aan wasaqeyn ay sugayeen maamul dowladeed oo gacanta u soo
galiya sumcaddii Saxaafadda ee ay juhaladu weeciyeen, “Wasiirka
Warfaafinta waxaan aragnay isagoo ay ku adeeganayaan urur ku sheegyadii
oo siminaarro iyo shirar kala qeybgalaya, aad baana uga xumaannay” sidaa
waxaa yiri Saxafi Magac iyo Maamus ku dhex leh Saxaafadda Dalka, oo ii
sheegay markii ay dowladdu aasaasantay iney ku riyoodeen wax badan iney
ka badali doonto Saxaafadda.
“Danteenu ma ahan inaan cid wax uga doonano Naadigeena ee waa inaan
uga faa’ideyno aqoonteena iyo waaya-aragnimadeena saxaafadeed jiilasha
cusub” ayuu yiri Saxafigaasi oo ugu baaqay kuwa uu ku sheegay iney
Saxaafadda moodeen baaskiil wadidiisa la baranayo inaaney bulshadooda
iyo naftoodaba halaag u horseedin ee ay waxbartaan.
“Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta waa mid lala soo
daahay, waxaanse ku talin laheyn iney weydiiyaan kuwii horey u sheegtay
ururada Saxaafadda Aqoonsiyadooda Saxaafadeed iyo heerkooda waxbarasho
inta uu gaarsiisan yahay, hay’adaha dibaddana ay u furaan diiwaan lagula
xisaabtamo wixii ay faleen mudadii burburka uu dalku ku jiray.
is xisaabi inta aan lagu xisaabin
W/D: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir}
Email:
taysiir55@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan