SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dalsan: Aaway Sh. Maxamed Cismaan?

Ahmed-haadi Muhumad

Haadi30@hotmail.com 

Shirkadii xawilaada ee la oran jiray Dalsan ee sida kadiska ahi ku burburtay isla markaana ay ku dhacmeen dad soomaaliyeed oo farabadan oo isku jiro noocyada kala duwan ee ay bulshada ka koobantahay ha noqdaan markaa kuwa hantiilayaal ah, kuwa wax ku dirsaday iyo kuwa wax loogu soo diray intaba. 

Dadka dhibka weyn soo gaaray ayaa waxaa ay yihiin dadkii saamiyada ku lahaa ee lacagta ku darsaday Dalsan, dadkaa ayaga ahi markaad la sheekeysato mid walba waxuu ku leeyahay nimanku waxeey nagu dhaceen magaca sheekha haddii uusan aheyn magaca sheekhu nimanku waxba kumaanan darsaneen laakiin markii nala yiri sheekha ayaa shirkada waxku leh amaba iska leh ayaan aaminay oo waxii aan haaysanay oo dhan u dhiibanay waxba maanan reeban maalkaaynii maadaama macaga sheekhu ay Dalsan ku lamaansaneyd marka balaayaba manaan filaneyn oo waxaan islaheyn oodu halaq malaha laakin markii dhibka dhacay malahaaynii beenoow. 

Dadkii intisii badneyd waxeey ku calaacalayaan oo ay leeyihiin waxaan fileynay in sheekha calal aqal sida ay wax u dhaceen noo sheego ama yiraahdo waxaan wadnaa baaritaan ee naga war suga amaa in sheekhii iyo dadkii wax dhacay ay wada aamusaan taasi waxeey noqotay wax ka xanuun badan dhibkii dhacayba. 

Ugu dambeyntii waxaa Sheekha laga codsanayaa maadaama dadka intiisa badan macagiisa darteed ay Dalsan wax ugu darsadeen inuu hadlo waxuu rabo ha sheegee amaa aamusida sheekha sumcad ahaan sheekha uma fiicna kheyr Allaha siiyee dadkii la dhacayna waxey ku sii abuuri quus iyo kalsooni xumo maadaama sheekhiiba aamusay dadkii kale ee caamada u badnaa maxaad ka sugi marka sheekhoow hadal xaajo ugub ah majirtee. 

Waxaan sidoo kale xasuusineynaa masuuliyiintii kale ee Dalsan iney Alla ka cabsadaan xaqa bin aadamkana iska soo celiyaan inta goori goortahay waayo dadkii ay dhaceen marnaba waxba ma waaynayaan haddii aysan aduunka hadda ku helina aakhiro ayeey xaqoodii helayaan aduun iyo aakharana kala badan ee yaanan caruurta xaaraan la iska siin. 

Ahmed-haadi Muhumad

Haadi30@hotmail.com 

DALSAN Xaggee Mareysaa Soo Celinta Maalkii Dadweynaha...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 8, 2007

Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda
.Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo lagu dilay Xamar

.DFKMG: shirkii dib u heshiisiinta waxa uu ku dhamaaday fashil
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Suuqa Xoolaha..
.Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 7

Janaraal Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.
Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Oct 6


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com