Qaranka waa dhismaa hadii qaanuunka la dhowro.
H. Asad |
avv_12@hotmail.com
Baryahaan waxaa soo baxay khilaaf ra’yi iyo mid siyaasadeed ee ka jira
guud ahaan Golayaasha Dawlada, gaar ahaan Madaxa Qaranka
Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Ahmed iyo Madaxa Dawladda
Prof. Cali Maxamad Gedi.
Iyadoo khilaafku salka ku haayo awooda xukunka iyo
laalida xilal awoodeed.. Bogag lahaan jiray sumcad
wararka ay soo tebiyaan ayaa qoray
ra’yi sharciyadeed ku saabsan jiritaanka Dawlada Prof.
Cali maxamad Geedi. Bogga wuxuu ka beensheegay qaanuunka
Dawladda ku dhisan tahay (Axdiga ku meel gaarka ah).
Bogga ma soo qaadan qodob amaba qodobbo uu ku
salaynaayo ra’yigiisa ee ah in jiritaanka dawlada
Federaalka ah ku egtahay 12ka bisha Oct. 2007da.
Waxaa aqoondarro iyo ka fiirsasho la’aan ah in ay ku
andacoodeen “ in dawladu ay sadex jirsanayso 12ka Oct.
2007 waqtigeedana dhamaaday.
Dawladu waxay sadex jirsanaysaa Janaayo /2008. oo ka
soo bilaabatay markii la dhisay dawladii 2aad ee Prof.
Geedi Baarlamaankuna kalsoonida siiyay.Mana jirto wax
cayimaaya wakhtiga jiritaanka dawladda mudada shanta
sano ee ay haysato masuuliyada talada (Mandate). Waxaase
u furan sida hada ka horba dhacday sanad ka hor in
motion la gayn karo Baarlamaanka si kalsoonida loogala
naqdo dawlada jirta.
Kadib markaan hor dhignay nuqul Axdiga ku meelgaarka
ah dhawr garyaqaan waxaa ku cadaatay axdiga in aan haba
yaraatee Ra’yigaasi meel ka cugsanayn Axdiga iyo
qaanuunka toona .
Bal Akhri waxa uu ka qabo axdigan.
Qodobka 49aad Qaybtiisa 2aad Axdiga ku meel gaarka
ah wuxuu leeyahay sidan:
Wasiirka koowaad wuxuu xafiiska hayn doonaa ilaa
- Uu geeriyooo, is casilo, ama laga qaado xilka,
ama (xilka qaadidaas oo u baahan in ka badan 50%
xubnaha baarlamaanka iney kala noqdaan kalsoonida
sida ku cad Qodobka 51aad ee Axdiga ku meel gaarka
ah ee hoos ku cad..
- Ilaa xilka cid kale loo soo magacaabo (taas
micnaheedu maaha si dadka qaarkiis u qaadan karaan
in la soo magacaabi karo ra’isul-wasaare kale asagoo
midka jooga weli xilka laga qaadin. Micnuhu waa
hadii rai’sul-wasaaruhu lumiyo kalsoonida
baarlamaanka xilkana laga qaado inuu xilka sii hayn
doono ilaa laga magacaabo isla asaga ama mid kale.
Sida aan kor ku soo xusnay, xil ka qaadida wasiirka koowaad wxay ku
cadahay si aan mugdi lahayn Qodobka 51aad ee axdiga ku
meel gaarka ah, wuxuuna leeyahay sedan:
Xil ka qaadista wasiirka koowaa/ ku xigeenada
wasiirka koowaad
- hadii in ka badan 50% golaha shacabku ama
baarlamaanku soo jeediyo go’aan kalsooni darro ah
wasiirka koowaad, Madaxweynuhu wuxuu xilka ka
qaadayaa wasiirka koowaad iyo golaha wasiirada.
- Madaxweynaha xilka kama qaadi karo wasiirka
koowaad ama ku xigeenada wasiirka koowaad inta uu
jiro golaha shacabka ama baarlamaanka, si kastaba ha
ahaatee oo aanan ahayn arinta ku cad Qodobka 51aad
firqadiisa 1aad.
Sida ku cad Qodobka 51aad firqadiisa 2aad, ma
jirto arrin aanan ahayn kalsooni kala noqoshada
Golaha baarlamaanka inay jirin jid kale oo sharci ah
oo loo mari karo laalida xilka wasiirka koowaad. Waa
indho istirid ama aqoon la’aan in la yiraahdo
dawladaa waqti ka dhamaaday si ay tahay guri ijaar
ah oo qof laga kiraystay.
Hadii uu madaxwaynuhu rabo inuu laalo kursiga
wasiieka koowaqad, si uu u fadhiisiyo shaqsi kale oo
uu doorbidaayo sabab kasta ha lahaatee, ha u soo
jeediyo taageerayaashiisa baarlamaanka ku jira inay
horkeenaan motion kalsoonida kala noqanaaya wasiirka
koowaad hana xodxoto tiro aan ka yarayn 139
xildhibaan. Hadii kale waxaan u soo jeedinaynaa
madaxwaynaha inuu sharci daro isagu bilaabin taasoo
dadajin karta burburka Dawladda. Hadii taas ayan
suuro gal ahayn Mudane Madaxwayne adiga iyo
wasiirkaada koowaad wadanka gaarsiiya doorasho
xalaala sanad iyo bar ka dib taasoo baal dahab ka
geli doontiin taariiqda wadanka.
Aqoonyahan iyo Aqoonadyahanad kasta oo rayigaan
raacsan, isla markaana raba inay magacooda ku
taageeraanin Qaanuunka shaqeeyo, fadlan noo soo dir
magacaada iyo xiriirkaada. Waxaan u diri doonaa
dhamaan masuuliyiinta iyo hayadaha ay arintaani
qusayso.