SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BAROORTA IYO GEERIDA MAXAA ANIGA IGAGALAY! 
  • HADII SOMALIA LA GUMAYSTO MAXAA ANIGA IGA GALAY
  • HADII DADKA OO DHAN QAXAAN MAXAA ANIGA IGA GALAY
  • HADUUSAN KUWAAN U RABAY KU DHICIN MADFACA MAXAA ANIGA IGA GALAY
  • WIXII DHIMANAYA MAXAA ANIGA IGA GALAY.
  • SOMALIYABA XALKEEDA MAXAA ANIGA IGA GALAY
  • ETHOPIA IYO WADAADO MAXAA ANIGA IGA GALAY

WQ, Shariif C/nuur Xasan (Shafka) 

shariifqoobey@hotmail.com  


Asalaamu calaykum  dhamaan umada somaliyeed  waxaan marka hore ilaah subxaanuhu uga baryayaa in ay dhibaatada  iyo colaada  calool xumada leh ilaah ugu badalo nimco iyo barwaaqo oo ay bari un ka sheekeeyaan inta ka badbaaday. 

Maqaalkaan aan cinwaankiisa ka dhagay maxaa aniga iga galay waa qormo aan taariikhda  garaadkayga uga sheekayn doono waxyaabihii ay xaalada Somalia i bartay oo dadka qaarkiis way la yaabi doonaan cinwaankan laakiin qormadan u dhugyeelo. 

Xili ay da,daydu aad u yarayd  oo aan u malaynayo in taariikhdu ahayd 1990 ama 91dii  ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaan meel baadiye ah  xoolo la joogay aniga iyo walaalkay iga weyn  waxaa dhankeena soo istagay Baabuur ay dushiisa ka muuqdeen niman qoryo wata oo muuqaalkoodu aad u qaabdaran yahay sida boorka iyo rafaadka bini aadninimo ee ka muuqday wajiyadooda, nimankii waxay walaalkay ku amreen in uu baabuurka raaco aniga waxay I weydiiyeen  in aan xaafadii garanayo iyo inkale  balse waan u jawaabi waayay argagaxa iyo naxdinta aan ka qabay nimanka  caradu wajigooda ka muuqatay.  

walaalkay oo niyada ii dhisaya ayaa igu yiri nimanka maahan niman nadilaya waa rag beesha ah  balse dagaal ayay ka yimaadeen  waxayna igu qasbayaan in aan dagaalkaasi aado hadii aan diidana waa I dilayaan  ee waan raacayaa ee hooyo u sheeg sida wax u dhaceen asaga oo markaasi ii tilmaamay meesha  reerku ku aadan yahay. 

Ma aanan garanayn cida lala dagaalamayo ama sababta loo dagaalamayo ama dagaalku faaiidada iyo qasaarada uu lee yahay.  Balse   in cabaara markii ay isii moogaayeen nimankii  ayaa waxaa ii yimid aniga oo booyin meel la fadhiya Oday aan garanayay oo I waydiiyay sida wax u dhaceen waxaana uga sheekeeyay sida wan u dhaceen  odaygii oo aan ka sugayay in uu dhibkaasi la calool xumoodo ayaa yiri Adeer adiga xitaa waa laguu baahnaan lahay ee qoriga ayaadan qaadi Karin!laakiin in aad iska raacdo ayaa fiicnayd waad ku dagaal baran lahayd!. 

Arintaasi ima aysan farxad galin  oo waan dareemayay in dagaalku yahay wax ama lagu dhiman karo ama lagu dhaawacmi karo.  

Hadaba aqristow marka aqligaagu ku soo barbaaro dagaal dadka waaweynina kugu ciilkaambiyaan hadii aad qori qaadi kari lahayd waan kuu dhiibi lahayn  marka aad xoogaa xoog yar iska dareentana qoriga garabka laguu suro ileen facaa ayaa watee hadii aad ka dheeraatana lagugu tilmaamo fulay habartiis haanbiyo ah foolatay  hadhow maxaa mustaqbalkaagu noqonayaa?

(wax waayaab waxna waa yaab iyo amakaag waxna waa yaabka yaabkiisa)) 

Nasiib badanaa nin dalkiisa oo nabada dhashay asaga oo nabada wax ku soo bartay dalkiisa oo wali nabada dhintay.

Nasiib xumaa oo ayaan daranaa in uusan dhalanba u roonaan lahaydaa nin aqligiisu ku barbaaray  qoriga qaado dadkana ku dil dowladna aan waligiis arkin  dhaca iyo maalka dadkana u maleeya in uu iska caadi yahay. 

Aqristow  ninma  xiligiisa ayuuu taariikh ka dhigtaaye bal aan xoogaa intii aan xamar joogay bartay idinbaro . 

Waxaa  maalin maalmaha ka mid ah aan isbaaro ku taal magaalada Muqdisho baabuur kuwa dad weynaha ah oo aan saarnaa waxaa joojiyay tuuga baaranaysay waxaa ka mid ahay tuugadaasi wiil dariskeena ah oo aan dugsi qur,aan isla dhigan jirnay mar marna tafsiir isla dhagaysan jirnay  waxaana dabeecad tuugada aan wali soo caanbixin ah oo lagu yaqaan in qofka ay garanayaan ay dilaan si aan meesha uu wax ku dhacayay loo sheegin. 

Tuugii ayaa qoslay markii u indhaha I saaray oo aqoonsaday in aan ahay saaxiibkii ay isku dugsiga ahaayeen aad ayaan uga naxay oo waxaan is iri maxaad samaysaa salaanta uu dhoola cadaynta kugu salaamay ma ka qaadaa mise waad is moogaysiisaa si uu isu yiraah kolba waa ku ilaaway o kuma yaqaan. 

Aniga oo aan wali wax talaabo ah ku dhaqaaqin ayaa waxaa ii xigtay in uu magacayga iigu wacay uuna ii sheegay in aan gaariga ka soo dago, Qosol midka soomaalidu u taqaan qosol gariirka ah  ayaan afka kala qaaday oo waxaan iri hebelow xageed ii dajinaysaa saaxiib. 

Dhib majiro ayuu yiri ee soo deg  dadka qaar markii sidaa la iyiri way naxeen dadka qaar kalena waxay ku shakiyeen in aan tuug kale ahay oo aan iyaga xitaa soo tiftifayo gees ayuu iila baxay wuxuuna iigu dhaartay maanta in uu I cafinayo laakiin hadii arinta tuuganimada ay reerigiisa gaarto qofka sheegay uu aniga yahay anigana waxaan ugu jawaabay Maxaa aniga iga galay nin howshiisa haysta ayaa tahay oo shaqaysanaya taasi oo ah mida kaleya ee aad tuug uga badbaadi karto in aad shaqadiisa xumanta ah ku faanisid. 

Waxaa kale oo sanadii 1997  ayaa waxaa xaflad qalin jabin ah  loogu sameeyay ardo course luuqado ah ka baranaysay mid ka mid schoolada sida  gaarka ah loo lee yahay  ee ku yaal magaalada Muqdisho  waxaa xafladaasi shahaado ku qaadanayay ardo aad u badan oo xiliga xaflada la isku sugay si aan hotelka laba jeer loo kirayn  waxaan maalintaas caawinayay macalimeenta oo maalintaasi  waxaan ka mid ahay ardada shaqada  xaflada wax ka haysay  waxaa baabuur nuucyada Tiyota ee korka ka banaan ku daad guraynaynay Micraphoneyo   iyo Marya qoraal schoolka lagu xayaysiinayay ay ku qoran yihiin oo darbiyada lagu dhajinayay,

waxaa Baabuurka nala saarnay Gabdho qaarkood shahaado qaadanyeen oo aad u soo labistay qaarkoodna ay Dahab sitaan markaan marayno mid ka mid ah sigowsyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa na joojiyay dhalinyaro ku hubaysan qoryaha AK47 waxaana ka mid ahay tuugadaasi Arday schoolka fasalka aan ka dhigto dhigan jiray  macalinkii wax nabari jirayna wuxuuba waxka saaranyahay Xaajiyada aan alaabta ku sidnay  tuugii aad ayuu nooga naxay oo wuxuuba ku sigtay in uu cararo markii uu na aqoonsaday  balse waxaa qori nagu soo fiiqay mid ka mid ah maleeshiyadii oo yiri ka soo daga gaariga waan idin baaranaynaaye  hadii kale adinka oo mayd ah ayaan idin baaranaynaa ee isku dhajiya gaariga.

Yarkii tuugada ka midka ahay ee aan garanaynay ayaa wuxuu tuugii amarka nasiinayay u sheegay in waxa baabuurka saaran ay yihiin ardadii ku fasalka ahayd iyo Macalinkiisii wuxuuna ka codsaday in qoriga nalaga sii jeediyo nalana fasaxo laakiin midkale ayaa ugu jawaabay maxaa naga galay haduu macalinkaagii yahay iyo haday ardo kula ahaan jireen murankii dhaxdooda ayaa gaaray in uu tuugii nayaqeen ku hanjabo in uu dilayo ninkii qori danbe xageena u soo taaga meeshiina sidaa dagaal iyo xabad uga bilaabatay oo tuugadii ay dhaxdoodii ka tolatay wallow aan isku daynay in aan  tuuga aanaqaanay barino si uu u ogolaado in nala baarto taasi oo aan ka baqaynay in xabadaha  ay isku ridayaan aan ku wax yeelowno. 

1999 ayaa waxaan sidoo kale joobjoog u ahaay dhacdo ilaa hada niyadayda aan ka go,in oo waxay ahayd markii maalin Baabuur buuca qudaarta keena Magaalada Muqdisho oo ah nuuca looyaqaan 110 ama janta diyeeshe  ayaa waxaa ku daba dhagay baabuurkaasi oo soo galayay suuqa Bakaaraha qeybta qudaarta wiil yar oo ka mid ah dhalinyarada Suuqa ku dhex nool ee aan howga lahayn  wuxuu goostay cunigii yaraay gacan moos ah ama qeyb isku dhagan ee moos ah.

Midka ka mid ah istaafka gaarigaasi oo dusha sare ka saaraay gaariga ayaa curuurkii yaray wuxuu ku dhuftay xabad  caruurkii oo naftu dhibayso ayaa isbitaal loola cararay  waxaase yaab kale ahayd markii mid ka mid dadkii meesha isku soo baxay uu ninkii wiilka dilay waydiiyay oo yiri war walaalow mooseka iyo canuga naftiisa kee daran  wuxuuna gacan ku dhiiglihii ku jawaabay maxaa naftiisa aniga iga galay .

Caruurkii oo naloo sheegay in uu isbitaalka ku geeriyooday ayaa waxaa weerar soo qaaday maleeshiyo ay qaraabo yihiin waxaana maalintaas ku dhimatay ilaa 7 qofood oo sabab ay u ahayd xabada mooska ah iyo maxaa iga galayda caruurka loo dilay. 

Waxaa qiso kale oo yaab badan ahayd oo ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa isla sanagkii 99 kii maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa wiil ka midah baando tuuga ah ee dadka dhacda waxaa habartiis lacag looga soo xawilay dibada oo ehelkeeda qaar ka mid ah ay ku maqnaayeen  waxaana lacagtaasi luugu soo diray in ay boos ku dhisato ay ku lahayd deegaankaasi.

Waxaa haweenaydaasi u yimid wiilkeeda oo weydiistay in ay lacagta siiso si uu jaad ugala baxo iyo waxyaaba kale duqdiina waa ku gacansayrtay arintaasi. 

Tuugii wuxuu u sheegay saaxiibadiis in hooyadiis ay lacag badan hayso uuna u baahan yahay in habarta lacagta laga soo qaado kadibna qeybtiisa looga keeno, wuxuuse ka dardaarmay in baharta wax dhib ah loo gaysto oo wuxuu yiri hooyaday waan jeclahay ee yaan wax dhib ah la iiga gaysan lacagtana meeshaas ayay ku jirtaa ee ka soo qaada .

Nasiibdaro haweenayda cabsi ay lacagtaas wiilkeeda uga qabtay ayay dukaan gaystay lacagtii uu guriga ku malaynayay.

Habeenkii ayaa waxaa gurigii yimid tuugadii lasoo diray waxaana habartii la weydiiyay lacagtii  balse habartii waxay sheegtay in aysan lacag hayn  midka mid ah tuugadii ayaa qoriga amaanka ka furtay oo rabay in habarta uu u caga jugleeyo si ay lacagta u soo bixiso  balse nasiib daro xabadii ayaa ku fakatay habartii oo waxay geeriyootay ayada oo aan lacagna la helin. 

Tuugii ay haweenta la dilay dhashay ayaa loo sheegay in hooyadiis dhimatay markuu qeylo bilaabay ayaa waxaa luugu jawaabay maxaa anaga naga galay hadii ay dhimatay ayadaa lacagta iska soo fududayn weysay. 

Waxaa dhacdo kale oo yaabreebtay ahayd sanadii 2003 markii xaafada Magaalada Muqdisho aan ka daganaay ee war dhiigalay oo aan ku lahaay saaxiibo dhalin yaro badan oo inta badan ka sheekaysan jiray ciyaaraha Horyaalada Talyaaniga iyo Ingriiska  ay maalintii danbe ayada oo dagaal ka socday Malaalada  Muqdisho waxaan iskugu nimid goob aan ciyaaraha uga sheekaysan jirnay  waxaana  yaab noqotay markii shekadii ciyaaraha loo badalay dagaal maalintaasi ka socday Muqdisho oo ay ku dagaalamayeen Maleeshiyooyin beeleedyo aan dowladii carta ee xiligaas jitay aan raali ka ahayn iyo ciidama beeleedyo dowlada matalayay oo dagaal xoogani magaalada ku dhex marayay. 

Waxaa goobta ku sugnaay dhalin yaro u badan beelaha dagaalku dhex marayay oo in muda ah saaxiibo banooniga isla dheela ahaay wax arinqabiilna aan saaxiibo ku ahaan jirin waxaana mid ka mid ah uu yiri  ciyaalkii aad qaladeen waad maqashay sida loo galay  iyo kiikale oo hadala caro ah uga jawaabay waxaana markii danbe  sheekadu gaartay maxaad la aadiweysay fulayahow iyo hada ayaan aadayaa ee car isu kaana keen hadaad nin tahay taasi oo gaartay in lagu heshiiyo in qolokastaa qolo la soo safato dagaalkana la aado  durbadiina waxaa la kiraystay laba xaajiyadood oo kuwa dadka qaada ah ayada oo qoryo xaafaha laga soo qaatay lawato waxaase yaab ahayd markii ay ayagii oo meeshi dagaalka gaarin ay hadana ku heshiiyeen in ay isku bilaaabaan taasna ay sababtay dhimashada 4 ka mid ah iyo dhaawac aad u liida oo qaar badan soo gaaray.

Intii aysan bixin ayaan isku daynay in aan baajino go,aamada ay saxiixdeena oo ah dagaalka lagu balamaynay aan ka celino waxaase jug garabka iga siiyay midka mid ah dhalinyaradii kale oo igu yiri dhaaf maxaa kaa galay adiga ma naftooda ayaad la leedahay. 

Hadaba aqristow qisooyinkan aan idiinka soo sheekeeyay maahan kuwa sheeko oo kaliya looga gudi karo waa kuwa runtii murugo iyo uurkutaalo ah oo waxaan aniga ogahay in Somalia tahay  maxaa aniga iga galay kumanaan barakacay ninbaa u barakinaya maxaa aniga iga galay oo aan lahayn naxariis bini aadnimo iyo alle ka cabsi toona  

DHALINYARADA MAANTA DAGAALADA KA QEYB QAADANAYSA 

Badankood ma jiraan wax muuqaal sawir ah oo ay ka haystaan Ethopianka ay la dagaalamayaan waxay un ogyihiin in uusan ku diin ahayn  taasi oo damiirkooda ku xanbaari karta see dalkiina gaalo u joogi kartaa waxba dhib ah uma arkaan gumaysiga iyo colaada soo jireenka ah ee laga sheekeeyo kumana fakarayaan alow dowlad wanaagsan idin sii  ee waa dowlad maxaa iga galay gaalka dil. 

WADAADADA MAANTA DAGAALKA KULA JIRA ETHOPIA IYO DKMG. 

Waxaa dalka Somalia dhankiisa koofure laga sheeg sheegsheegaa  6 bilood oo ay somalidu waa balaayo sheege ay ku micnaysay lix aan soo noqondoonin  waxay ahayd amar ilaahay watay laakiin ay sabab u ahayd  garabkii shacabka iyo kacdoonkii culimada.

Markii  umada wanaageeda dad dhib la noqotay oo wanaagii xumaan lagu badalay ayaa waxaa soo baxay oraah ah dagaalkii waan badalnay, ku dhifoo ka dhaqaan iyo ku dheelmo dagaal loo bixiyay, laakiin waxaa dhib ka yimid

((Ku aadi meesha ay daganyihiin hadaad la weydo maxaa adiga kaa galay))) 

ETHOPIANKA IYO HOWLGALADA MADAAFIICDA

Waxaa ilaah qoorta u galiyay hoyaad la,aan waxay ku shalaayeen maxaa meeshaan na keenay  waxay is weydiiyeen goormaa hurdo nuugu danbaysay, waxayna aamineen in Somalida xitaa kuwa ayaga u shaqeeeya ay habeenkii ku soo dheelmadaan oo weeraraan.

Markii hoobiye lagu soo rido ayay yiraahdaan PM Rid

((Maxaa adiga kaa galay soomaali waa wada Muqaawamo))) 

MOORYAANTA ETHOPIAN LA SHAQAYSA IYO FIKARKOODA.

Wuxuu ku aqliyaystay dagaal qabiil, wuxuu shaqo ka yaqaan qoriga uu wato, wax uu cuno waxaa ugu qiimabadan Jaadka,  Dowladnimo waligiis ma arkin Odayaasha lama sheekaystaan si ay u ogaadaan Cadownimada Ethopia ee soo jireenka ah hadii aad isku daydo in aad tiraah war dalkaan sow adiga malihid oo Somalia oo dhan ethopian ayaa la wareegay jawaabtu waa (((soomaaliya Maxaa aniga iga galay)))) 

QABQABLAYAASHA SOOMALIYEED IYO FEKERKOODA

Hadii lacag la isiiyo oo aan arko ayada oo mudane la idhahayo

(((hadii aan Qaranba aan dib loo arag somaliyabna aan qofba ka harin maxaa aniga iga galay))) 

QURBA JOOGTA IYO BEEN KU SHEEKAYNTOODA

Midbaa calaacal kula soo galaya aad u malaynayso in uu yahay ruux daacad ah oo ka murugaysan xaalada dadkiisii iyo dalkiisii  waxaad weydiinaysaa xagee hada wax marayaan wuxuuna kuugu jawaabayaa meel hebla waa la qarxiyay  howlgana waa socdaa oo suuqyadii dadkii waa la dhacay maalinkasta waxaa dhimada 20 qof oo rayid ah  laakiin waa loo baahan yahay hasocoto  qaraabadii waa jirtaa laakiin

((maxaa iga galay ilaahbaa iga soo waday meeshaasi ))  

soomaliyey qormadan  ma dhamaystira dhamaystirkeeda ka hor waxaan rabaa in aan ogaado maxaa iga galay Somalia intaa ay ku sii jiri karto ila qiyaasa  

WQ, Shariif C/nuur Xasan (Shafka) 
shariifqoobey@hotmail.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 8, 2007

Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda
.Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo lagu dilay Xamar

.DFKMG: shirkii dib u heshiisiinta waxa uu ku dhamaaday fashil
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Suuqa Xoolaha..
.Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 7

Janaraal Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.
Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Oct 6


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com