Wararkii: Oct 8, 2007
-
Ciidamo Itoobiyaan ah oo lala beegsaday
Qaraxyo
-
Taliyihii ciidamada Itoobiya ee jooga
Soomaaliya oo la bedelay
-
Ciidamo iyo Gawaari tikniko ah oo
Maxaakiimta ka tirsan oo Bu’aale lagu arkay…
-
Khilaafkii u dhexeeyey C/llaahi Yuusuf iyo
Cali Max’ed Geedi oo la sheegay in uu weli taagan yahay
-
Kongareeska Mareykanka oo ansixiyey in
Itoobiya cunaqabateyn la saaro…
-
Wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta oo si
kulul u cambaareeyey hadalkii Wasiirka dib u heshiisiinta Mareeye
-
Dowladda Kenya oo wada sidii ay Qaramada
Midoobey door weyn uga qaadan lahayd nabad ku soo dabaalida Soomaaliya
Ciidamo Itoobiyaan ah oo lala beegsaday
Qaraxyo
Ciidamo Itoobiyaan ah oo hawlgal ka waday
xaafado ka tirsan degmada Heliwaa gaar ahaan SOS iyo Suuqa Xoolaha ayaa
shalay waxaa lala beegsaday qaraxyo.
Qaraxyaadaan ayaa waxaa la sheegay in ay
khasaare ka soo gaartay ciidamada Itoobiya iyo dad rayid ah oo ka agdhawaa
iyaga.
Qaraxyadaasi kadib ayaa la sheegay in ciidamada
Itoobiya ay halkaasi ka sii wadeen hawlgalkoodii iyadoo la sheegay in aysan
ridin rasaas.
Hawlgalka ka socda Suuqa Xoolaha ayaa maalintii
saddexaad galay, iyadoo wax la taaban karo oo ay ciidamada Itoobiya gaareen
aysan jirin, waxaana weli sii socda qaraxyada iyo weerarada lagu hayo
Ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa shalay galab dib isaga
laabtay fariisimahoodii, iyadoo xalay la maqlayey rasaas goos goos ah oo an
la garaneyn cidda rideysa.
Hawlgalka ayaa la sheegay in uu socon doono mudo
labaan maalmood ah, waxaana walwal ka muujiyey dadweynaha Soomaliyeed oo
sheegay in hawlgalkaasi uu keeni karo dhibaatooyin, iyagoo soo jeediyey in
Dowladda Federaalka timaado talaabo ka duwan midda haatan ay adeegsaneyso.
Taliyihii ciidamada Itoobiya ee jooga
Soomaaliya oo la bedelay
Warar aanu ka helnay saraakiil
ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in la bedelay taliyihii
ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya Gabre, waxaana xilkiisa loo dhiibay janaraal
kale, waxayna saraakiishaasi sheegeen in sababaha loo bedelay Gabre tahay
kadib markii ay sii cakirantay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho,
isla markaana weeraro joogto ah lagu hayo ciidamada Itoobiya.
Gen. Gabre oo gaaray Magaalada
Adis-Ababa ayaa wax faahfaahin ka bixin bedelkiisa. Gabre oo si weyn u
bartay shacabka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa waxaa
la sheegay in uu xiriir dhow la lahaa qaar ka mid ah Madaxda sare ee
Dowladda. Janaraalka cusub ayaa loo keenay in uu ka qayb-qaato hawlgalka la
sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ku sugayaan
Muqdisho, waxaana la sheegay in uu horey u soo raacay ciidamo badan oo
Itoobiyaan ah oo Muqdisho soo gaaray.
Hawlgalka ugu xoogan oo dhici
doona Tobanka October waa xiligii la doortay Madaxweyne C/llaahi, waxaana la
sheegay in maalintaasi soo gali doonin wax dad ah kana bixi doonin, sidoo
kalana waxaa la baari doonaa dhamaan goobaha ganacsiga iyo guryaha.
Hawlgalkaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka qaybqaadan doonaan ilaa iyo
20-kun oo Itoobiyaan iyo ciidamada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in
ciidamada Itoobiya degi doonaan dhowr goobood oo ku yaala Magaalada Muqdisho
iyo waliba saldhigyada Booliiska Gobalka Banaadir, waxaana ciidamadaasi
Itoobiya la sheegay in ay la shaqeyn doonaan ciidamo ka tirsan Dowladda
Federaalka. Maamulka Gobalka Banadir ayaa dhawaan waxa uu soo gudbiyey
qorshe lagu sugayo ammaanka Gobalka Banaadir kaas oo uu ansixiyey Golaha
Wasiirada, iyadoo ciidamadu ay ka hawlgali doonaan ilaa iyo 52 barood oo
Magaalada Muqdisho ku yaala.
Ciidamo iyo Gawaari tikniko ah oo
Maxaakiimta ka tirsan oo Bu’aale lagu arkay…
Wararka naga soo gaaraya
gobalka J/dhexe gaar ahaan Magaalada Bu’aale waxay sheegayaan in shalay
deegaankaasi laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan, waxayna dadku
sheegeen in la arkayey Gawaari fara badan oo tikniko ah iyo gawaari kale
oo xamuul ah oo aan la garaneyn waxa ay sidaan.
Ciidamadaan ayaa xoogoodu
waxa uu ka yimid deegaanka dhoobley, waxaana la sheegay in ay doonayaan
in ay fariisin ka sameystaan Magaalada Bu’aale ee Gobalka J/hoose.
Dadweynaha deegaanka ayaa si
weyn u soo dhaweeyey ciidankaasi, hase yeeshee kooxo ka soo horjeeda
ayaa sheegay in arrintaani keeni karto iska hor imaad ka dhaca gobalka.
Waa ciidankii ugu xooganaa
oo ay leeyihiin Maxaakiimta Islaamiga ah oo lagu arko gobalkaasi, ilaa
iyo haatanna ma jirto cid ka hor tagtay ciidankaasi, iyadoo Dowladda
Federaalka iyo Ciidamada Itoobya aysan halkaasi ku xoog badneyn.
Khilaafkii u dhexeeyey C/llaahi Yuusuf
iyo Cali Max’ed Geedi oo la sheegay in uu weli taagan yahay
Web-Site-ka lagu magacaabo Power Interest
news report, ayaa shaaciyey in uu weli taagan yahay khilaafkii u
dhexeeyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed.
“khilaafkaan waa mid aan haatan
bilaaban balse uu horey u soo jiray, C/llaahina waxa uu doonayaa in uu
la mid noqdo madaxda deriska la ah dalkiisa, sida Itoobiya, Ereteriya
iyo Jabuuti oo iyagu xukunka keligood gacanta ku haya” ayaa lagu yiri
warbixin uu soo saaray Web-Site-kaasi.
Golaha Baarlamaanka ayaa waxa uu
yeeray labada mas’uul in ay si dhaqsi leh u yimaadaan Magaalada Baydhabo
si loo ogaado waxa dhaliyey khilaafkaasi, hase yeeshee warbixinta
web-site-ka ayaa waxay sheegeysaa in Ra’isul Wasaare Geedi laga yaabo in
tegistiisa Magaalada Baydhabo ay keeni karto in xilka looga qaado, hase
yeeshee Ra’isul Wasaare Geedi taageero badan ayaa ku leeyahay golaha
Wsiirada, iyagoo dhowr jeer ooh ore cod siiyey.
Web-Site-ku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay
mid sii wiiqmeysa, balse ay ku taagan tahay joogitaanka ciidamada
shisheeye, gaar ahaan kuwa Itoobiya.
Kongareeska Mareykanka oo ansixiyey in
Itoobiya cunaqabateyn la saaro…
Kongareeska Mareykanka ayaa
dhawaan ansixiyey in cunaqabateyn lagu soo rogay kadib markii taliska
wadankaasi ka arimiyaha uu ku xadgudbay xaquuqda Aadanaha, Isla markaana uu
wadanka ku soo dabaali waayey dimuquraadiyad dhab ah.
Kongareeska oo si wadajir ah
isugu raacay go’aankaasi ayaa waxa uu haatan ansixintiisa hor yaalao
Madaxweynaha Mreykanka Bush oo la sheegay in si aad ah taxadar uga muujin
doono go’aankaasi, iyadoo Dowladda Mareykanka ay xiriir dhow la leedahay
Dowladda Itoobiya.
Cunaqabateyntaan ayaa lagu
sheegay in ay tahay mid dhaqaalaha looga jarayo dowladda Itoobiya, sidoo
kale waxay Dowladda Mareykanku sheegtay in ay joojin doonto safarada ay
saraakiisha ugu sareeye Itoobiya iyo madaxdeeda ku tagaan dalalka Yurub iyo
Mareykanka.
Cunaqabateyntaan ayaa ku soo
beegantay xili ay ciidamada Itoobiya dagaalo ka wadaan Magaalada Muqdisho,
oo ay maalin waliba ku dhimanayaan dad rayid ah.
Wakiilka Itoobiya u fadhiya
dalka Mareykanka ayaa waxa uu soo jeediyey Dowladda Mareykanka in ay ka
fiirsato cunaqabateyntaasi, isago sheegay in Dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday
talaabooyin lagu sugayo xaquuqda aadanaha.
Dhawaan ayay ahayd markii wafdi
ka socday Qaramada Midoobey oo dhanka xaquuqda adanaha ay gaareen dalka
Itoobiya, iyagoo soo arkay tuulooyin ay gubeen ciidamada Itoobiya, waxayna
xaqiijiyeen in Dowladda Itoobya mar waliba ku xadgudubto xaquuqda aadanaha.
Wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta oo si
kulul u cambaareeyey hadalkii Wasiirka dib u heshiisiinta Mareeye
Waxaa maalintii doraad ahayd
golaha Baarlamaanka ka hadlay wasiirka dib u heshiisiinta Max’ed Cabdi Xayir
Maareeye oo sheegay in shirkii dib u heshiisinta uu ku dhamaaday fashil iyo
musuqmaasu, hase yeeshee wasiir ku xigeenka dib u heshiisiinta Xasan Cabdi
Guure ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn,
isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka ka soo yeeray wasiir.
Wasiir ku xigeenka waxa uu
sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu ku dhamaaday sidii loogu talagalay,
waxa uuna sheegay in wasaarada dib u heshiisiinta si weyn ula socotay
xaaladda shirka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
Wasiir iyo Wasiir ku xigeen ay isku khilaafaan wasaaraddooda, dhawaan ayay
ahayd markii Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mawliid Macaane oo xilkii
ka qaaday Guddoomiyaha Xiriirka K/koleyga Aadan Xaaji Yabarow Wiish, hase
yeeshee wasiir ku xigeenka wasaraddaasi ayaa sheegay in guddiga Olombikada
iyo Xiriirka K/koleyga ay Bulshada Soomaaliyeed u qabteen hawlo baaxad ah,
isla markaana hadalka Mawliid Macaane uu yahay mid isaga ku kooban
Dowladda Kenya oo wada sidii ay Qaramada
Midoobey door weyn uga qaadan lahayd nabad ku soo dabaalida Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa waxay warqad qoraal ah u
gudbisay Qaramada Midoobey oo ay kaga codsaneyso sidii ay gacan weyn uga
gaysan lahayd xaaladda murugsan ee ay ku jirto Soomaaliya. “Waxaan Qaramada
Midoobey ka codsaneynaa in ay door weyn ku yeelato arrimaha Soomaaliya, si
nabad loogu soo dabaalo” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Dowladda Kenya oo
sheegay in Dowladda Kenya ay dareemeyso in maalinba maalinta ka dambeysa sii
kordheyso xaaladda nabadgelyo xumo ee Soomaaliya. Dowladda Kenya waxay
sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay in si dhaqsi ah loo geeyo ciidamo
nabad ilaalin ah oo u huwan magaca dalladda Qaramada Midoobey, hase yeeshee
Qaramada Midoobey ayaa ka fiirsaneysan in Soomaaliya u dirto ciidamo Nabad
ilaalin ah, maadaama ciidamadii horey loogu ay ku fashilmeen doorkoodii.
Amiin Yuusuf Khasaaro.
SomaliTalk.com | Oct 8, 2007
Khilaaf
la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda
.Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo lagu dilay Xamar
.DFKMG: shirkii dib u heshiisiinta waxa uu ku dhamaaday fashil
.Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay Suuqa Xoolaha..
.Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Oct 7
Janaraal
Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo
Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri...
Oct 6
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|