SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Cadde Muusow waa Faarax Salool

Maalintii iigu horaysay ee aan Cadde muse arko waxaan ku arkay Muqdisho , waxaan ahaa 6 sano jir, waxaan ku jiray school, waxaan taagnaa safka, oo waxaan sugayey in fasalada la galo, waxaa schoolka albaabkiisa ka soo galay Cadde muse  oo ay la socdaan ciidankiisii iyo baabuur oo wada wiilkiisii curadka ahaa Cabdi Raage oo ninkaani inuu yahay nin dawladda jago wanaagsan ka haya, oo si diirran u soo dhoweeyay, cadde ayaa yiri “ macalin wiilkaygii weeye fasalka 3 aad fadhiisi” maamulihii hadal kuma celine “ waayahay mudane” ayuu yiri.

Cabdi Raage ayaa fasalka nala soo fariistay mase umaba bilowna gabanka oo koobkaas masoo rogto, waa iska dhex fadhiyi jiray fasalka.

 Maalin maalmaha ka mid ah ayaan waxaan is raacnay Cabdi Raage si aan u soo wada ciyaarno, xaafadooda oo xooga iga durugsanayd ayaan tagay, cabaar markaan wada ciyaarnay ayaan isku xumaanay oo gacan isu qaadnay, cadde muse ayaa arkay anagoo is haysana markaas ayuu igu yiri “ magacaa adeer” markaas ayaan iri “ Faarax Salool”

 Markuu I garan waayey ayuu mid askartiisii ka mid ahaa ku yiri “ u leged garan maynee”. Cabdi raage ayaa la ii legday, afka ayaa ciid la iigu shubay, iska soo baxayoo ceel ayaan ka sii waji mayrtay nina uma sheegin, maalintii ku xigtay markii fasalkii laga baxay ayaan luuq u galay Cabdi raage , oo tuu qaadoba jebiyay, tabco iyo qonof iyo sabaaxad iyo wixii aan aqaanay oo dhan ayaan isugu daray, dee gabankii mawuxuusan xaafadii aadan baa isagoo daallan oo rifan.  

Berigaa caruurtu waa I yaqaaneen oo subaxdii waxaa schoolka lagaga sheekaysanayey faarax salool ayaa gacan u qaaday. 

Maalintii labaad ee aan Cadde Muse arko waxaan ku arkay xeryaha qaxootiga ee Kenya, dhawr buush ayaa noo dhexeeyay, odayaal isagoo shax la ciyaaraya ayaan soo dul istaagay markiiba waan aqoonsaday, shaxdii markii cabaar la waday ayuu xooga cadde ku dul fekeray, aniga ayaa soo dhex galay  oo meel fiican ugu raray markaas ayuu intuu isoo eegay yiri “ Magacaa adeer” markaas ayaan iri “ waa Faarax Salool”.markaas ayuu yiri “ magacaasi iguma cusba”

Waatii la is qaadi jiraye, cadde oo xeradii ku jira ayaa aniga USA la ii qaaday,

Mar saddexaadkii aan arko cadde waxay ahayd aniga oo soo gaaray Toronto oo bil jooga ayaan waxaan maalin maalmaha ka mid waxaan soo galay maqaaxi shaaha laga cabo oo Somali leedahay, waxaa gees shaah ku cabayey Cadde si fiican ayaan u eegay waan aqoonsaday isbedel sidaas ah kuma dhicin, waan soo ag fadhiistay waxaan iri “ cadde muse iska waran”  wuxu yiri” fiican iyo barwaaqo, waa kuma adigu” waxaan iri “ waa faarax salool ma I garanaysaa” markaas ayuu wuxuu yiri “ ku garan mayo laakiin magacaasi iguma cusba”. Cabaar ka dibna waan ka tegay oo dhalinyaro ayaa ii timi aan meesha ku sugayey. 

Maalin afraadkii aan cadde arko waxay ahayd maalmihii 2001 kii dagaalkii cabdulahi yusuf iyo cadde dhex socday ayaan Somalia safar ku tegay, waxaan gaari u raacay Garoowe, meel Qardho agteeda ah ayaa waxaa nagu istaajiyay ciidankii Cadde muse, waana nala baaray, markaas ayaa $ 100 oo konton konton ah oo aan meel qarsoon ku cufeeyay la iga soo saaray, markaas ayaan cadde oo iga fog u dhawaaqay oo waxaan iri “ war caddaw waa Faarax salool, ee lacagta 50 ii reeb waxaan kusii jid maro mahaystee”

“faarax salool ku garan mayo , laakiin magacaagu iguma cusba, ee adeer biya sii cab ilaa meeshaa u socotay, lacagtaan wadan ayaa lagu xorayn” 

Maalin shanaadii aan cadde la kulmo waxay ahayd 2005kii markii uu madaxweyne Puntland ka ahaa,. waxaan ku qaabilay xafiiskiisa madaxtooyada ee Bosaso. Waxaan ku iri :

“ Mudane Madaxweyne magacaygu waa Faarax Salool waxaan ahay nin reer Puntland ah jecelna horumarka wadankeena sidaa daraadeed waxaan USA uga imi oo halkaan u imi inaan mashruuc wadanka ka hirgeliyo, mushruucaas oo ah waxaan hayaa shirkad dhista laamiyada oo magaalooyinka puntland oo dhan luuq luuq laami u marinaysa laamiga weyna dayactiraysa wax lacag ahna shirkadaasi kama rabto maamulka puntland, waxay uun lacag yar ka qaadaysaa baabuurta kantaroolada magoolooyinka ka baxaya ama soo gelaya muddo 10 sano ah dabadeedna waa inaga tegayaan, marka hadii aad ii saxiixto arintaas muddo bil ah gudaheeda waa ku imaanaysaa shirkaddu madaxweyne”

Wuxuu iigu jawaabay:

 “ adeer waxaad tahay ragii loo baahnaa oo waxaad wadaa hawl aad u wanaagsan waana soo dhawaynaynaa, magacaagu iguma cusbee kumaa ahayd adeer”

Waxaan ku iri :

“ waxaa la I dhahaa Faarax salool Cabdiraxman , u malayn mayo inaad I garanayso”

Intuu dhoola cadeeyay buu yiri:

“ Ma faarax saloolkii reer qurac”

Waxaan ku iri:

 ” Maya maaha waxaan ahay reer qansax”

Markaas buu wuxuu yiri:

“ adeer I dhegayso wadankaan laami uma baahna dadka waxay u baahanyihiin waa nolosha asaasiga ah iyo in nabadooda la sugo, marka arinkaaga dib inoogu dhig ilaa 5 sano” 

Aad baan uga xumaaday run ahaantii jawaabtiisa nin dhan oo madaxweyne ah oo horumarkii umadiisa ka soo horjeeda. Isla maalmahaas ayaan iska soo baxay puntland kumana laaban weli maxaa yeelay wadankii aad ayuu u burbursanyahay dhaqaalaha ka soo baxana aad ayuu u badanyahay kaas oo lagu takri falay. 

Mar lixaadka aan la kulmo cadde waxaan rajaynayaa inaan kula kulmo aqalka doorashada Puntland ee inagu soo foodleh insha ALLAH, waxaan isu soo sharaxayaa madaxweynaha Puntland inkastoo aanan weli si rasmi ah (officially) ah u iclaamin ama dadka ugu soo bandhigin.

Markaas ayaan rabaa inaan ku dheho “ Cadde Musow waa Faarax salool” isaguna haku jawaabee “ magacaasi iguma cusba” 

Qore :  Faarax Salool C/raxman
Email:  faraxsalol@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Oct 4, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com