Beesha Cabdi Koombe (Jambeel) oo Bayaan ka soo saartay in aan magaalada
Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan...
Bayaan:
Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Bootaan barre Samatar, Afhayeenka Beesha Jambeel (Cabdi koombe) |
Anagoo ah Beesha Cabdi koombe (Jambeel) degana deegaanka Buruc waxaanu bayaan
kasoo saarnay taariikhdudu markay ahayd 24.11.2007 shir aanu kuyeelanay
magaalada Boosaso in aan Buruc wax macdan ah laga baari karin xilligan oo aanaan
ogolayn in buruc macdan laga baaro (waqtigan la joogo).
Beeshu waxay isku raacsasan tahay ganacsato, shaqaale, maamul (odayaasha
beesha), qurbajoog iyo dadka caadigaaba bayaankaas kusaabsan inaan Buruc wax
macdan ah laga baari karin waqtiga hada ah sababo jira awgood markaanu fiirinay
xaalada maamulka iyo xaalada degaankaba.
Marka anigoo ah Bootaan Barre Samantar ahna afhayeenka beesha Cabdi
Koombe(Jambeel) waxaan cadaynayaa markale in aanu iskuraacnay go'aankaa ay
beeshu wadagaartey, aanuna baaqa kasoo saarnay siwada jir ah.
Waxaanuna udirnay guddi aanu u magcawnay arintaa (si loogu war geliyo) cida
wax baaraysa iyo maamulkaba si aan xilligan la joogo loo tegin buruc waxna looga
baarin.
Bayaanka waxaa soo saaray.
- Afhayeenka: Bootaan Bare Samanter
- Ciise Maxamuud Weyrax
- Jaamac muumin
- Muuse Hurun Ciise
- Cumar Bayr ibraahim
- Faarax Siciid Deer
- Siciid Cismaan Weyrax(siciid biniaadan)
- Dharaar Shabeele.
- iyo dadbadan oo aan meesha lagu koobi karin
Bayaankan waxaa lagala xiriiri kaaraa
Afhayeenka beesha cabdi koombe(Jambeel)
Bootaan Barre Samantar.
botanbare@hotmail.com
- Lifaaq: Buruc waxay
waxay 60 km dhanka bari ka xigtaa magaalada Boosaaso, isla markaasna 20 km
dhanka galbeedka ka soo xigtaa magaalada Qandala.
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2007


|