Bayaan Beesha Ismaaciil Saleebaan ay ku taagerayso Raysalwasaaraha cusub
mudane: Nuur xasan (nuur Cade)
Tagerid & talo so jeedin RW Nuur Cade
Kulan balaaran oo lagu taageerayo raysal wasaaraha cusub ee dowlada FKMG ah
nuur cadde ayaa maanta ka dhacay magaalada boosaaso ee xarun goboleedka bari ee
maamulka punt-land .
Kulankaasi oo ahaa mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay
odayaasha ,waxgaradka,ganacsatada,aqoonyahanka,dhalinyarada,haweenka
jaaliyadaha dibada iyo qaybaha kale ee bulsho waynta besha ismaaciil saleebaan
ayaa looga hadlay arimo ay kimid yihiin tageerida Ra段sal wasarha cusub iyo talo
soo jeedin. Kulankaan oo ka dhacey magaalada bosaaso ayaa waxa shir gudoominayey
oday dhaqmeedada besha inkastoo beeldajuhuu uu dalka dibada uga maqan yahay ayaa
waxa uu kaga qayb qaatay khadka telefoonka shirka ayaa waxuu ku bilowday jawi
heer sare ah waxaana lagu furay aayada quraan ah oo uu ku furay shiikh cabdi
manaam intaa kadib ayaa waxaa makarafonkii qatay xiriiriyaha shirka isagoo
halkaas kasoo jeediyey hadalo soo jiitay kasoo qayb galaayshii sidoo kale waxaa
iyana halkaa ka hadlay wax garadkii kasoo qayb galay shirkana waxaana khadka
telefonka khudbad aad udheer kasoo jeesiyey beeldaaje cabas beeldaaje cali
waxuuna halkaa uga soo jeediyey raysal wasaaraha cusub duco iyo hanbalyo uguna
duceeyey in ilaah lagarab galo xilkaas culus ee uu umada uqaaday isagana ku
booriyey in uu umadiisa si daacad wadaninimo ku jirto ugu shaqeeyo waxaa kaloo
iyana khadka telefonka uga qayb qatay jaaliyada dibada ee besha ismaaciil
saleban gar ahaan siyaasiyin caan ah iyo aqoon yahano ka mid ah besha ragas waxa
kamid ahaa siyaasiga cali budey oo ku nool caasimada wadanka bilgim iyo prof: oo
wax ka dhiga jaamacad ku taal wadanka maraykanka
dhaman kasoo qayb galayaashii besha ayaa si farxad iyo rayrayn leh u soo
dhoweysay magacabista Ra段sal Wasaaraha cusub Nuur Xasan Xuseen (Nur Cade) si
gaar ahna waxay u jeclaysteen in ay cadeyaan Mudane Nur Cade iqalma xilkaas,
lehna aqoon iyo waayo aragnimo isla markaana ka bixi kara xilligaan adag
hogaaminta dowlad dib-u heshiisiineed iyo kala dambeyn soo celin oo loo dhan
yahay.
dhinaca kale beshu waxay ka codsatay raysal wasaaraha cusub in uu besha
xubnaha ay ku lehayd dowlada faderalka ka siiyo madama uu san horay usiin
raysalwasarihii ka horeyey iyo madaxwayne cabdulaahi yusuf oo labaduba ku tuntay
xaqii ay beshu ku lahayd dowlada federalka ,wa hadii dowladu tahay dowlad dib
uheshiined oo dadka udhex ah .
Beeshu waxay leedahay hambalyo dhamaan umadda Soomaliyeed meel walba oo ay ku
noolyihiin waxayna u rajaynayaan in dhibatadaana ilaaha awooda lehi ka saaro.
umada somaliyeed
Waxaana leenahay kuna boorinaynaa Ra段isul Wasaaraha Mudane Nur Cade in uu ku
dadaalo sidii uu u soo celin lahaa nabadda ,sumcaddii umadda Soomaaliyeed ee aan
horey ugu lahayn aduunka
Waxaan u soo jedineynaa sidoo kale inu dib u heshiisiin dhab ah, sinaan iyo
cadaladda xagga maamulka uu xoogga saaro uuna ka fogaado waxkasta oo fashil u
keeni kara Dowladda Federalka ee Somaliyed, iyadoo la illalinaayo sharciga
lagana fa段daysanayo khaladaadkii hore ee fashilka keeni jiray. kasoo qayb
galayaasha oo ku hadlaya magaca beesha ismaaciil saleeban meel walba oo ay
dunida ka jogaan waxay mar labaad leenahay habalyo ku socota Madaxwynaha iyo
Ra段isul Wasaaraha iyo golaha Barlamanaka.iyo umada somaliyeedba.
Masuuliyiinta bayaanka tagerada soo saaray waxaa ka mid ah:
- Beeldaaje cabaas beeldaaje cali
- Nabadoon Cabdi Ugaas Aw Axmed
- Nabadoon Saciid Cali Galan
- Nabadoon Ismaciil Cumar Guuleed
- Nabadoon Abdi Gelle
- Nabadoon Abshir Saalax Maxamed
- Nabadoon Saciid Maxamuud Axmed
- Nabadoon Muuse Mxamuud Yuusuf
- Dr. Yaasiin Saalax Samatar
- Dr.maxamed aw yuusuf (kirli)
- Dr.deeq nuur axmed
- Dr. C/Qaadir Muuse( Baylood)
- Dr. Axmed Muuse Walow
- Dr. Cismaan Saalah Samatar
- Dr. C/KARIIN Mohamed
- Eng. C/Qaadir xaaji MAXAMUUD
- Eng.Muuse Maxamed Saalax
- Gen. Faarax SaciidHorin
- Col:nuur maxamed {nuur dig
- Col Khaliif Garmashaqo
- Col Nuur Axmed Yuusuf
- SIYAASI:CALI Mahamed (cali budey)
- SIYAASI:Maxamed yuusuf (sharlaawe)
- SIYAASI:bile maxamuud(qabowsade)
- SiYAASI:bashiir maxamed (tuuryare)
- SIYAASI:maxamed Gentlamen
- Caaqil Yuusuf Xaliye Samatar
- Caaqil shire Cali Muuse
- Caaqil Axmed ibraahim {axmed jacayl}
- oday Ayaanle Muuse C/dalle
- oday Axmed Daahir Maxamed
- oday Baxwal Cali dheere
- oday Maxamuud Saciid Aadan
- Ganacsade Faarax Saciid Jaamac
- Ganacsade Maxamed Cumar Guuleed
- Ganacsade Cismaan Cajab Guuleed
- Ganacsade Raage Cali Jaamac
- Ganacsade Khaalid Abshir Saalax
- Ganacsade Ciise Faarax Cabdi
- Ganacsade maxamed nugus
- Garre Saalax Waloow
- Maxamuud Cusmaan Dheere
- Dayib Cali Axmed
- Bshiir Cusmaan Maxamed
- Maxamed Cusmaan Maxamed
- Saciid Ciise Faarax
- Muuse Faarax Axmed
- Guure Maxamuud Ibraahin
- Maxamed Cumar Guuleed
Afhayeenka dhinaca siyaasada ee besha ismaaciil saleebaan
Mudane:sadam cabdi mudhalib ahmed
Email: sh.sadam@hotmail.com
WabilaahiTowfiiq
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Waxaa soo tebiyey: Bile Qabowsade |
qaboowsade11@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|