SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Aragtida Qurba-Joogga Soomaaliyeed

 

    Waxaa maalmahaan danbe isa soo taraya si is daba joogana u dhacaya Shirar iyo Bannaan baxyo ka dhacaya Dalalka Reer Galbeedka ayna soo qaban qaabsheen Soomaalida ku dhaqan Dalalkaas, iyagoo ku muujinaya sida ay uga soo horjeedaan  joogitaanka Ciidanka Xabashida ee gudaha Soomaaliya, iyo sida ay ugu xunyihiin Barakicinta shacabka iyo gumaadka joogtada ah iyo falalka arxan darada ah ee ku soo noqnoqanaya kana dhacaya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, Shirarkaas oo  ka kala dhacay Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka uuna dhaxtaal u ahaa Shir weynihii ka dhacay Asmara ee dhidibada loogu aasey Ururkii la magac baxey: Isbaheysiga dib u xureynta Soomaaliya, sidoo kale Banan baxyada waxaa lagu kala qabtey Dalalka: Ingiriiska Jarmalka Sweden Finland iyo Gobolo ka dirsan wadanka Mareykanka.

    Shirarkaas waxaa ugu danbeeyey shir ka dhacey wadanka Mareykanka Magaalada Minnesota ee Gobolka Minneapolis 25/11/07, Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen xubno la magac baxay: Qurba-jooga soomaaliyeed oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Aqoon yahanno, Shirkaan oo lagu gorfeeyey xaalada ka taagan Daldka si weyna  loogu faaqidey arimaha lagu xakameyn karo ama keeni kara culeys Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale oo ku aadan Dowlada Ethiopia iyo Dowlada Empagathi, ka qeyb galayaasha Shirka waxaa ka mid ahaa: C/risaaq Xaaji Xuseen, Cali Qaliif , Zakariye Xaaji mMaxamuud Cabdi, C/maan Ibbi, Fowsiyo Sheekh iyo xubno kale oon halkaan lagu soo koobi karin, gabagabadii kulankaan oo ay ka soo baxeen bayaan meela badan taabanaya, war murtiyeedkan laga soo saarey shirka ayaa dad badan ka qosliyey halka uu dadkalena ku noqdey layaab aan la qaadan Karin iyo "Halkii Cir laga Sugaayey ayaa Ceeryaamo ka timid"!!!,iyagoo qaadan la' goonada aan wax ku oolka aheyn ee ka soo baxey shirka Minnesota .

     Qodabada Sshirka ka soo baxey waxaa ka mid ah:

1- inaan wax lagu xawilan xawaaladaha ku yaala Dalka Ethiopia .

2- inaan la raacin lagana goosan tikid duulimaadka Ethiopian airways.

3- inaan qof visa loogu dirin gudaha dalka Ethiopia.

4- inaan Cuntadooda la Cunin gaar ahaan ( Canjeero Xabashida).

5- in la gooyo qofkii garab mara talooyinkaan kuna kaca lidkooda.

         Go'aanadaas iyo kuwo kale ayaa ka soo baxey Shirkii Minnesota ee Qurba-jooga Soomaaliyeed, balse ka qeyb galayaasha Shirka waxaad mooddaa ineysan tixgalin duruufaha (5000)Shan kun oo Soomaali ah oo ku nool Magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia  oo u jooga siyaabo kala duwan qaar leyn ku sugaya siyuu ugu dhoofo dacwad uga timaadda ehelkiisa ku nool Dalalka Reer Galbeedka, iyo qayb iska degan kuna nooleed ilaa burburkii Dawladda ka dib kuna haysta Ammaan iyo Nolol aysanna jirin cid waydiinaysa Sharci iyo Aqoonsi, haddaba marka la yiraa yaan lagu xawilan lacag Xaawalad ku taal Ethiopia sow macnaheedu ma ahan Dadka Soomaaliyeed ee Ethiopia ku nool ha Cayrtoobaan Tuugsi iyo Dawarsina darbiyada ha isla tubaan?, sowse ma ahan in milkiilayaasha Xawaaladaha ee Soomaaliyeed aysan waxba faa'iidin?, tan kalee ah inaan visa loogu dirin qof jooga Addis Ababa waxaad moodda iyana inay tahay hor istaag qofkaas lag hor joogsanayo fursadda uu u helay inuu u dhoofo Dalka uu visaha ka helay!.

    Waxaase la yaab ah dareenkana soo jiidanaysa qodobka sheegaya inaan la Cunin Cuntadooda gaar ahaan (Canjeero Xabashiga) maxaa yeelay Qurba-Jooggii Soomaaliyeed waxaad mooddaa inaysan u kala saarnayn Siyaasadda dagaalka iyo tabahiisa, aqoontii Qurba-Joogga Soomaaliyeed waxay ku ururtay kana dhamaan waysay: Yaan la Cunin Canjeero Xabashi!, waa wax laga Yaxyaxo,ma filayo inay isku dayeen inay kulan la qaataan Senator ka tirsan Congress Maraykanka ama xubin ka tirsan wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka gaar ahaan waaxda qaabilsan arimaha Afrika, iyadoo uu waliba jiro Ergay u qaabilsan wasaaradda Arimaha Dibadda ee Maraykanka Arimaha Soomaaliya oo dhawaan la magacaabay, halka laga rabay inay xoogga  saaraan Siyaasadda ayna muujiyaan dhaq dhaqaaq ay ku sharaxayaan dhibka ka jira Soomaaliya iyo sida xalka lagu heli karo, ayaa waxaad mooddaa in Caqligii laga hor mariyey Caadifad iyo Laab lakac, iyadoo la is tusay in lacagaha Biilka ah ee loo diro Soomaalida ku nool Ethiopia lagu Cunno-qabatayn karo Dawlad dhan oo jirto!, isla markaana la iska indha tiray ama la is hilmaam siiyey in kor loo qaaday taakulayntii Military ee Maraykanku siin jiray Dawladda Ethiopia taas oo kor u qaaday miisaaniyadda wasaaradda Gaashaan-dhiggaa ee Ethiopia, Canjeero Xabashi yaan la Cunin ayaa waxay isoo xasuusinaysaa wadaaddo Carbeed oo marar badan ku celceliyey inaan la iibsan karin Cabitaanada ay ka midka yihiin: Bibsiga iyo Coca-Colada iyo wax soo saarka warshado kale, iyagoo ku andacoonaya inay leeyihiin Shirkadahaas Yuhuud sidaa darteed ay habboon tahay inaan la iibsan si aysan wax u faa'iidin dibna adiga kuugu adeegsan, aragtidaan oo aad uga dhex muuqata go'aanada Shirka Qurba-Joogga Soomaaliyeed malaha Carabta ku neefsatay!.

    Run ahaantii go'aanada Shirka ka soo baxay waxaad mooddaa inaan si miisaamaan loo soo daraasayn lana eegin waaqica, taasna waxay go'aanadii shirka ka dhigtay midaan wax ku ool ahayn, halka ay u muuqdaan ka qayb galayaashii shirka dadaan aragti qumman wadan ama aan sii fogayn!, sidaa darteed waxaa mudan inaan halkaan ka bogaadiyo Ammaanna u diro Bannan baxyadii ka kala dhacay dalal dhowr ah waxaana Mahad mudan Dadkii soo qaban qaabiyey iyo Dadweynihii ka soo qayb galay ee dareenkooda ku muujiyey si nabad  galyo ku jirto iyo hab Ilbaxnino ku dheehan tahay kana fog Rabshadda iyo Qalalaasaha, waana mid loo baahan yahay in lajoogteeyo inta wax iska badalayaan.

    Guntii iyo gabagabadii Xabashidu Dhaqaale iyo Maal kuma joogan Soomaaliya ee aan xoogga saarno Siyaasadda aanna soo bandhigno xaaladda ka jirta Soomaaliya aanna u sharaxno Caalamka sababaha dhibka iyo sidii lagu xallin lahaa aanna ku dadaalno sidii aan ku kasban lahayn taageerada Dunida gaar ahaan Dalalka sida tooska ah ugu lugta leh xaaladda imika Dalka ka taagan.

 

Bashiir M. Xersi.

brdiraac@hotmail.com.

Tripoli-Libya. 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com