SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

Waqtigii Baarlamaanka Puntland u Qabtay in Cadde Muuse kusoo Celiyo Laascaano oo Dhammaaday….

Garoowe:- Cadde Muuse ayaa dhawaan waxa baarlamaanka Puntland waxay u qabteen mudo ah Bil inuu gacanta Puntland ku soo cesho caasimada Gobolka Sool ee Laas-caanood iyadoo hadii ay mudadaas xukuumada Cadde Muuse loo qabtay inay ku soo hanato Magaalada laascaanood hadii kale kal soonida laga noqon doono Cadde Muuse Baarlamaanka Puntland ayaa mudoyin badan ka duudayay qaabkii maamulka Puntland ula soo noqon lahaa Magaalada laas-caanood ee ay Maamulka S/land ka qabsadeen.

Cadde Muuse ayaa tan iyo intii maaalada Laascaanood maamulkiisa laga qabsaday waxa uu ku jira Abaabul xoogan isaga oo dhawr jeer isku keenay Isimada Gobolda Puntland taas oo qorshihiisu ahaa inuu kala xaajoodu sidii gacanta Puntland loogu soo celin lahaa Magaalada Laascaanood oo ah magaalo is-taraatiiji ah Cadde Muuse waxa uu sheegay in Puntland ay dhawdahay wakhtigii ay Laascaanood qaban lahayd oo ay Somaliland kala wareegi lahayd iyadoo Baarlamaanku ku cadaadiyay inuu mudo cayiman ku qabto Laascaanood hadii kale gursiga iskaga dego.

Muddo haatan laga joogo 28-casho ayaa Baarlamaanka Puntland kal fadhi ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta u ah Puntland waxay kaga faalloodeen kalfadhigoodaas sidii laga yeeli lahaa Gobolka Sool oo ah Gobolka gacanta Puntland ka maqan, dood badan iyo falaqan ay galeen Baarlamaanku waxa laysla meel dhigay in Cadde Muuse xukuumadiisa loo qabto mudo dhan Bil taas oo lagu amray inuu mudadaas ku soo cesho magaalada Laas-caanood hadii kale Booska uu ku fadhiyo Cadde Muuse loo dooranayo shakhsi kale oo Laascaanood soo celinkara.

Hada mudadii noocaas ahayd ayaa dhamaatay oo soo afjarantay taas oo ah mid Cadde Muuse wel wel iyo calool xanuun ku abuurtay waxana la soo sheegayaa in Cadde Muuse oo si dhuumaalaysi ah Baarlamaanka qaarkiis uga dalbaday inay wakhti dheeraad ah siiyaan balse arinkaas ayaa Baarlamaanku ku gacan saydhay oo ku diiday iyadoo ay jiraan shirar goos goosa oo ay leeyihiin Baarlamaanka Puntland kuwaas oo ka xaajoonaya sidii looga tashan lahaa qofkii bedeli lahaa Cadde Muuse maadaama Cadde Muuse ku guul daraystay inuu laascaanood soo cesho.

Magaalooyinka Puntland ayaa hataan waxaa ka socda diyaar garoow ku aadan dhicitaanka dawalada inkastoo aaney ka muuqan magaalada Garoowe dadka  Siyaasada Cadde Muuse ee guracan ka soo horjeeda ayaa fursadan ka faa iidaysan doona iyagoo ay soo baxayaan Musharaxiin badan oo durba isu soo taagay korsiga Cadde Muuse inay ku fadhiistaan.

Guud ahaan magaalooyinka ka tirsan Puntland ayaa waxa laga dareemayaa jawi bedelan kaas oo ku aadan is bedelka Siyaasadeed ee soo food saaray Maamulka Puntland waxa jira in magaalada Bosaaso aad looga dareemayo jawi gacasan oo ah mid lagu taageerayo in Cadde Muuse is casilo.

Dhanka kale arinta aadka loo hadal hayo ayaamahan ayaa ah Golihii Deegaan ee magaalada Bosaaso oo mudooyinkan ay ka taagnaayeen buuq iyo is maandhaaf taas oo aan ilaa haatan la soo dooran Duqii Degmada Boosaaso iyadoo Beelo badan oo deegaan ahaan degan magaalada Boosaaso xaqna u leh inay jagadaas qabtaan ay ka biyo diideen oo ay baaqyo soo saareen kuwaas oo ka cabanaya qaabka wax loo wado oo ah mid aad uguracan dadkaasi waxay sheegayaan in Duqa magaalada Boosaaso Cadde Muuse uu la doonayo nin Beel ahaan ka soo jeeda Beesha Cadde Muuse taas oo dad badan ka cadhaysiisay.

Isku soo duuboo Dadka Siyaasada ka falan qooda ayaa Masiirka ay Puntland ku danbayntooda ku tilmaamay mid aad khatar u ah iyagoo ay saadaadliyeen in ammaan xumi ay  ka dhacaan Gobolada laysku dhaho Puntland  taas oo ah wax aad looga naxo waxana  dushana looga tuurayo arimaha halkaas ka dhaca Cadde Muuse iyo kooxa ah Boorsada u sida.

Dadkaa Siyaada ka faaloodaa waxay ka loo soo qaadeen Maamulka Maakhir ee dhawaan Gobolka Sanaag loo dhisay iyagoo sheegay inuu yahay mid wax wayn ka bedeli doona Gobolka marka loo eeego xaaladda haatan lagu jiro oo ah mid adag.

 Jaamac Feyte
feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com