Roob la’aanta xilliga dayrta oo sababtey in ay xoola dhaqata isaga qaxaan
qaybo ka mid ah degmooyinka gobollada galgaduud iyo hiiran.
Waxaa qeybo badan oo ka mid ah gobolada galgaduud iyo hiiraan isaga qaxay xoola
dhaqatadii ku nooleyd halkaasi, roob la’aan kajirta aawgeed .
Roobabkii la sugayey xilliga dayrta ayaa si wanaagsan uga da’in deegaano ka
tirsan gobolada Hiran iyo Galgaduud, arinkani ayaa sababay biyo la’aan iyo
daaqii xoolaha oo gabaabsi noqdso, iyadoo xoola dhaqatadiina u barakaceen dhanka
Galbeed iyo dhanka koofureed gobollada ku dhaw dhaw gobolka Galgaduud.
Dhanka galbeed waxay u qaxeen (dhulka hadda loo yaqaan) Kilinka Shanaad, sidoo
kale waxaa si wanaagsan looga qaxay Balanbale oo xoola dhaqatadeedu u qaxeen
kilinka shanaad, Caabudwaaqna waxay u qaxeen dhinaca Puntland.
Dhinaca koonfureed uu ka jirey xoogaa roob ah waxa ay u qaxeen tulooyinka
Lubidulle, Senadhaqdo, Bulacle ilaa degaanada ay isla degaan beelaha Murusade,
Xawaadle iyo Duduble.
Degmooyinka sida faraha badan loogu qaxay ay abaaruhu saameeyeen waxaa ka mid ah
Dhusamareb, Mareergur, Xananburo, Cadaado, Caabudwaaq, Balanbale, Guriceel iyo
degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Abaaartaan ayaa keeni karta dhibaatooyin fara badan maamul la’aanta jirta
aawgeed, dhibaatooyinka ay horseedi karto waxaa ka mid ah:-
Nabadgelyo xumo iyo isku dhac beeleedyo.
Daaq iyo biyo la’aan baahsan.
Abaaro iyo qax badan
Nabaad guur.
Qiima dhac ku yimaada sicirka xoolaha.
Musiibo hor leh oo soo garta dadkii ku soo barakacay goboladan.
Abaarahan ayaa halis ku ah dhamaan dadka degan deegaaanada laga qaxay, iyagoo ku
noolaayeen xoolaha sida ay caanka ku yihiin goboladaan.
Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)
Email: muxsin55@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|