SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  PL

Cadde Muuse "Lama kala sheegan-karo dhulka Puntland"

Cadde Muuse M.waynaha Puntland oo Arbacaii Nov 28, 2007 hadal kooban jeediyay mar uu dhagax-dhigayay Xarun cusub oo Imtixaanaadka Puntland ah oo ay hirgalisay Wasaaraddu Waxbarashada Puntland , ayaa wuxuu tilmaamay in ay soo badanayso in la kala sheegto dhulka Puntland.

M.waynuhu wuxuu sheegay beryahaan si wayn deegaamada Puntland ugu badanayso dhowr wiil oo qoryo meel la istaaga oo sheegta in ay leeyihiin meelo la doonayay in Ummadda loogu adeego.

"Waxaan u digaynaa kuwa sheegta dhulka banaan ee la doonayo in laga sameeyo goobo loogu shaqeeyo Ummadda in aanan ka aqbalayn in ay sheegtaagtaan dhulka banaan , tallaabo ayaana ka qaadaynaa oo ma aqbali dooni in la kala sheegto Puntland ayuu yiri". Wuxuu sheegay in dhowr meelood oo la doonayay in laga sameeyo xarumo-wasaaradeed ama baaritaano shidaal , ay koox yar ay diideen iyakoo sheegtay in ay beel ahaan leeyihiin dhulkaasi.

Ma dhacayso , in dhulka Puntland la kala sheegto , wax aan aqbalaynana maaha , tallaabo ayaana ka qaadaynaa kuwa sheeganaya dhulka banaan. Cadde Muuse , wuxuu xusay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso dad laga qaaday , sidoo kale meelo laga qaaday dadka Caasumadda Garoowe , waana taas buu yiri mida mawadinimada ah ee loo baahan yahay.

M.waynuhu wuxuu Puntland u rajeeyay mustaqbal aad u wanaagsan , wuxuuna sheegay in ay noqon doonto Janno Ilaah idinkiis , dadka Puntland ayuu sheegay waxa ugu wayn ee haysta ay ahay faqri iyadana sida uu tilmaamay dhawaan si dhakhso ah looga bixi doono.

bashiir cumar cali/puntland
bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com