WARQAD FURAN OO KU SOCOTO SHUCUUBTA IYO WADAMADA AFRIKA
London 26/11/2007
Waxaan warqadaan furan u direynaa shucuubta Afrika oo aan doonaayo inaa kala
hadlo xaalada Soomaaliya ,oo aan is leeyahay way mudan tahey in la xusuusiyo
dadyoowga Afrika, madaama ay iska hilmaameen wadan ka mid ah wadamadii sida weyn
ugu lugta lahaa halgankii xoreynta iyo gobanimo doonka ee qaarada Afrika .
Soomaaliya waxay aheyd xaruuntii gobanimo doonka ee Qaarada Afrika sanadihii
1960 ilaa 1991,Soomaaliya waxey xoreysay wadamo baden oo Afrikaan ah sida
Angola,Mozambiig, Jabuuti, Namibiya Zuid Afrika iyo Eritrea iyo kuwa kale oo
fara baden.
Dowladii Soomaaliyeed & Shacabkii Soomaaliyeed kuligood waxay ka mideysnaayeen
in Afrika laga xoreeyo gumeysiga, dadka iyo dalalka Afrika ee gacanta gumeysiga
ku jirana la xoreeyo, Afrikana aayaheeda ka tashato iyadoo xor u ah madax
banaanidooda.
Waxaa dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed la soo gudboonaadey dagaalo sokeeye laga
bilaabo 1991 ilaa hadana socda,dagaaladaas oo ay ka dambeeyaan faragalin
shisheeye balse loo adeegsadey mid sokeeye.
Hadaba sida u qirey madaxwaynaha dalka Zuid Afrika madaxweyne Mbeki warqad u
kaga hadlaayey arimaha Soomaaliya ee murugada leh ,isagoo baaq u jeedinaya
wadamada Afrika si arinta Soomaaliya wax looga qabto ayuu ku daabacay jaraaid ka
soo baxa wadanka Zuid Afrika sanadkii hore,waxaana u cinwaan uga dhigey sidatan:
‘’ Soomaaliya oo aheyd xaruuntii gobanimodoonka Afrika waxay u baahan tahay in
Afrika wax ka qabato dhibaatada Soomaaliya ka jirta’’
Hadaba waxaa ceeb ah in Afrika iska hilmaamto
abaalkii ay u galeen shacabka Soomaaliyeed ee mar walbo garabka ka taagnaa
aaminsanaana in Afrika wada xoroowdo ,xiligii ay Afrika ku jirtey gobanimo
doonka oo ay xornimadooda raadinayeen.
Waxaa kale oo shacabka Afrika iyo
dowladahooduba ceeb ku ah inay ka aamusnaadan xasuuuqa iyo barakicinta ay
ciidamada Ethopia ee gardarada ku qabsadey Soomaaliya ku hayaan dadka
Soomaaliyeed ee aan waxbo galabsan ee loogu yimid dalkooda gardaro cad.
Ethopia waa dal iyo dad taariikh xun ku leh
Afrika, hadii dib loo eego taariikhda waayo Ethopia waxay gaashaan buur la
aheyd gumeysitihii Afrika qabsadey ee ku soo duuley ,mudada dheerna heystey
Afrika kaas oo dadyowga Afrika mudo gumeysanaayey.
Ethopia waxay ka qayb gashey shirkii Berlin lagu
qabtey sanadku markuu ahaa 1884tii ee Afrika lagu qaybsanaayey,waxayna qayb u
soo heshay dhulka ay hada dhibaatada ku heyso ee loo yaqaan Ogaden ama Soomaali
galbeed.
Wadamadii Afrika gumeysanayey ee galbeedka ahaa
ma ‘aysan gumeysan Ethopia ,madaama ay la shaqeyneysay gumeystaha oo ay iyada
usoo hor kacdey in Afrika la gumeysto,waxaana taa badalkeeda ama la shaqeyntii
ay kala shaqeysay shirkii Berlin 1884 loogu abaal mariyey in Ethopia laga dhiso
xaruunta midowga Afrika ee Addis Ababa, si gumeystaha ugu sahlanaanto in Afrika
waligeed midoobin waxna qabsan kana tashan aayaheeda waa Afrikee.
Waxaa nasiib xumo ah in Afrika garan khiyanadaas
lagu shirqooley Ethopiana loogu abaal gudey.
Waxaa iyana taas ka sii daran in Afrika iska
hilmaamto khiyaanadii Ethopia ay ku sameysay Afrika xiligii gumeysiga 1884
Berlin conference.
Waxaa nasiib xumo in wadamada Afrika ay ka
aamusnadaan in dal ka mid ah midowga Afrika u qabsado dal kale oo Afrikaan ah oo
waliba ah dalkii ay ku taal xaruuntii midowga Afrika,Ethopia-na ay ku tumato
axdigii u yaal wadamada Afrika ee kheexayey xuquuqda iyo madax banaanida dalalka
Afrika ee aan lagu xadgudbi karin.
Hadaba waxaa taas ka sii daran in wadamada
Afrika iyo shucuubta Afrika ay indhaha ka qarsadaan dhibaatada ay ku hayaan
ciidamada Ethopia dadka Soomaaliyeed ee dalkooda loogu yimid,iyadoo loogu soo
marmarsiyoodey qandaraas laga soo qaatey Madaxwaynaha Mareykanka G.W.BUSH oo
loogu magac darey la dagaallanka argagaxisada geeska Afrika,iyadoo dowlada
Ethopia loo isticmaaley in lagu fuliyo danaha uu Mareykanka ka leeyahay
Soomaaliya.
Waxaa nasiib xumo ah in Afrika garan wayso
ujeedada ay Ethopia u fulineyso Proxy war Mareykanka ee Soomaaliya
- Inay tahey Ethopia inay ka aargudato
Soomaaliya ,dharbaxaadii dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia ee dhaxmarey 1977
· In Ethopia qabsato Soomaaliya.
Waxaa wax lagu xumaado ah in shucuubta Afrika iyo wadamada Afrika ay ka
aamusnadaan dhibaatada lixaadka weyn ee soo foodsaartey shacabkii Soomaaliyeed
ee aan waxbo galabsan,iyadoo ciidamada Ethopia duqeyn iyo xasuuq iyo barakicin
joogta ah ku haya guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Waxaa wax lala yaabo ah in wadanka Uganda
isna uu ku garab siiyo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed,waa ciidamada iyo
dowlada Uganda ay gabaad ama si dadban ula jiraan Ethopia,waayo joogitaanka
ciidamada UGANDA waxay sharciyeynayaan heysashada Ethopia ee Soomaaliya.
Waxaa kale iyana mudan in lagu xuso warqadatan
in Dowlada Kenya ay xuduudaha ka xiratey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo
barakacay duqeynta arxanka daran ee ciidamada Ethopia ka wadan caasimada
Soomaaliya ee Muqdisho.
Kenya waxay u gacan gelisey muwaadinin Soomaali
iyo Kenyan ah oo aan wax dambi ah ka gelin Dowlada Ethopia iyo ciidamadeeda
,taas iyana ah cadaalad daro iyo cadawtinimo fog oo ay u qabaan Soomaaliya
wadamada dariska ah ee heysta dhul iyo dad Soomaaliyeed oo horey gumeysiga ugu
gacan galiyey.
Dowlada Yemen ayaa iyana mudan in lagu sheego
warqadatan kaalinta ay ka ga jirto xasuuqa dadka Soomaaliyeed ee ka soo cararaya
dagaalada Ethopia ka wado gudaha Soomaaliya,Dowlada Yemen waxay si toos ah oo
aan xishood laheyn ula safan tahey Ethopia oo ay leeyihin is gashaanbuureysi
Milatery.
waxayna sir iyo qalab ciidan siisaa
Ethopia,madaama Yemen ay naga heysato jasiirada la yiraahdo Suqadra ,ma rabto
inay aragto dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo la xisaabtami karta.
Waxaa murugo ah in shucuubta AFRIKA &
madaxdoodaba iska indho tiraan dhibaatada ka aloosan Soomaaliya iyo faragalinta
qaawan ee Mareykanka u adeegsanaayo Ethopia .
Waxaan Afrika ugu baaqeynaa inay ka hadlaan oo
soo faragaliyaan arimaha Soomaaliya si degdeg ah,madaama Soomaaliya ay u baahan
tahey taageerada walaalaha Afrika iyo dalalkooda si loo soo afjaro xasuuqa
,barakicinta ,kufsiga ay ka wadaan ciidamada Ethopia iyo kuwa gacnaha u
qabanaayo Soomaaliya ee ah
· KENYA
· YEMEN
· UGANDA & Dowlada Mareykanka
Ma mudna in Afrika ay ka hadlaan meeshii danta
Goerge Bush ku jirto sida Darfur oo kaliya, oo ay ka aamusnadaan Soomaaliya,
taasina wax Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba aqbali karaan ma’ahan.
Waxaan marnaba iloobeynin hadaan nahey shacabka
Soomaaliyeed taageerada Dowlada Eritariya iyo shacabkooda ay la garab istaageen
dadka Soomaaliyeed,waana dowlada kaliya ay ka dhiidhisay gardarada qaawan ee
ciidamada Ethopia ku qabsadeen Soomaaliya iyo waliba xasuuqa ay ka wadaan.
Sidaa daaradeed waxaa ceeb ah in dowlada ugu
xooga baden dunida ee Mareykanka (USA) ay si toos ah ugu hanjabaan dowlada
Eritariya iyo shacabkeeda taageerada walaalnimo ay la garab taagan yihiin
walalahooda Soomaaliya,taas oo ay Eritariya ay Mareykanka kaga muteysatey inuu
ugu hanjabo inuu ku dari doono liiska wadamada taageera Argagaxisada, hadii
aysan joojin ka hadalka iyo isgarab istaaga dadka Soomaaliyeed ee sida weyn u
diidan joogitaanka iyo xasuuqa ay ka wadaan gudaha Soomaaliya ciidamada Ethopia.
Balse waxaa shacabwaynaha Afrika iyo
dowladahooduba ceeb ku ah inaysan la mid noqonin dowlada Eritariya oo kale taas
oo ku diidey waa Eritariyee Mareykanka ama Janday Fraizer caga jugleynta beenta
ah ay wadaan.
Waxaan AFRIKA ugu baaqeynaa inay arinkaan ka
hadlaan walina culeys ku saraan sidii Mareykanka ugu qanci lahaa in Ethopia
aysan Soomaaliya heysan karin danaha u ka leeyahay Soomaaliyana aysan u fulin
Karin marnaba ,iyadoo xoog adeegsaneysa ,isla markaana loo baahan yahay in
Afrika wax ka qabato arimaha Soomaaliya.
Ethopiana dalkeeda dib loogu celiyaa walina
maxkamad caalami ah la hor keenaa kuwii :
- Barakicinta 1 malyan oo shacab ah oo ka
kooban dumar ,caruur iyo waayeel.
- Kuwii diley dadkii rayidka ahaa
- In la sii daayo dadka Soomaaliyeed ee aan
waxbo galabsan ee xabsiyada Ethopia ugu jira sida sharci darada ah.
In Ethopia Soomaaliya uga baxdaa shuruud la’aan Ugu dambeyntii waxaan
shucuubta Afrika ugu baaqeynaa inay wadamadooda culeys ku saraan sidii
Soomaaliya dhibaatada ka jirta loo soo afjari lahaa,shacabka Soomaaliyeedna u
garab istaagi lahaayeen si ay u helaan nolasha iyo nabada ay heystaan dadyoowga
dunida ku nool maanta
Soomaaliya ha xoroowdo Soomaaliya Soomaali
baa leh
Mahadsanidiin
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
NB: English ayaadoo ah baa loo direy dowladaha
Afrika iyo Jaraaidada Afrika laga aqrista
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|