Dabkaan qaadnaba maxaan buulasheena oogu gubnaa?
asalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatuhu
mahad oo dhan alle ayey u sugnaatay.
waxaan aqiryay qoraal lagu soo daabacay shabakada warbaahinta somaliyed
www.somalitalk.com markasi ayey igu dhalatay in aan qoraalkani sameeyo.
25-Nov-2007 waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis shir ey soo abaabuleen Ururka
Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed kasoo eey ka soo saareen go'ma qaar wax ku ool
ah, in laga dhiidhiyo xaalada somalia kajirta waa arin waajib ku ah qof kaste oo
Somali ah in kastoo qodobada qaar eey yihiin kuwa muhiin u ah in laxsuusiyo
umada laguna baraarujiyo hadana waxaa jiro dhawr qodob oo dhaliil cad cad leh
hadaan soo qaato qaar kamid ah.
1-Qofkii Itobiyaan taageera waa in laga dhigo Gun oo aan laga guursan, lana
takooro, laguna qoro buugga madow.
qodobkaani waxaa ka muuqda in aanan laga fiirsan markii looga
dhawaaqayay bulsha weynta somaliyeed hortooda waayo qofka markii latakoorayo
isla mar ahaantana lana guursanaynin loona guurinaynin waaa in loo eego kitaabka
iyo sunada markaasi kadib go'an laga gaaraa,su'asha in laisweydiiyo u baahan
ayaa ah dadkani latakooraayo ma dad gaalo ahbaa mise waa dad muslim ah su'ashasi
jawabteeda waxaan ka sugaynaa Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed?
balse kuwa taageersan gumeysiga Itoobiya waa kuwa taariqda loogu
qoray balka madow sida eey tahayna ma'ahan danbiga eey galeen in caruurtooda loo
saariyo taana Eebo raali kama ahan alle waxuu yiri naf danbi eey geeysatay
nafkale looma raacanaayo. kuwa somaliya gatayna waxeey dhaleen dad wanagsan waad
garanaysaan asxaabtii rasuulka salalaahu calayhi wasalim kuwoodii waaweynaa qaar
abayaashood in eey aad u dhibi jireen Nabiga SCW iyo asxaabtiisii mana loo
raacan jirin dhibka waalidkod geeysteen hadaan tusaale u soo qaato waxaa kamid
ah Umuyata ibnu qalaf waxuu dhalay nin saxaabi aha,abuu jahal waxuu dhalay
Cikrama,waliid bin muqiirah waxuu dhalay Qaalid bin Waliiid,iyo rag kale oo
badan kana mid ahaa min kibaar saxaabah.
2-Xawaaladaha Soomaaliyeed waa in aysan wax lacag ah geyn Addis Aababa,
Xawaaladii geysanaya waa in Soomaalidu Qaadacdo oo aan lacag lagu xawilan.
qodoba qodobka uu ka danbeeyo ayuu kayaab badanyahay layaab'se
malahan somali hadaan nahay waxaan dhaxal u helnay in aan dabkaan qaadnaba ku
dhajino buulasheena bal eeg aqoonyahanada iskugu tagay Minneapolis xilal kala
duwan'na u soo qabtay umada somaliyed qodobkani sida indha'alaanta eey iskugu
raaceen miyey'se isweydiiyeen xawaaladaha shaqada eey u hayaan dalka iyo dadkaba
qodobkani waxuu la mid yahay ayado layiri somalia wa in cunaqabteen lagu so rogo
meel walba eey dunida ka joogan waayo xawaaladaha itobiya ku yaalo lacagaha oogu
badan eey bixiyaaan waxaa qaato somali waxeeyna ka kala yimaadaan dunida oo
dhan,dadka maaskiinta oo la ildaranaa dhibaatada ey Itoobiya ku heyso walalahood
Somaliyeed ee qurba joogta lacagtii yareed eey quudanayeen hadii la isku raacay
in lajaro lana rabo somalia in laga xoreeyo cadow isku meel magalayaan,imise
ayaa itoobiya ku nool bishiina ku xisaabtaman lacag ooga timaada dibadaha imise
ayaa addis abbaba xaalado caafimad u joogaan kuna xiran dibadaha,hadii laiska
iloobay somali galbeed qodobkani wan u garaabi laheen balse hada waxaaba la oran
karaaba dadka isku raacay ma'ahan dad doonayo masaalix Somali hadii'se qadobkani
dhaqan galo mise qof somali ah hadalkani wax u dhimo waxaa mas'uuliyadeeda
qadayo ururkaa lamagac baxay Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.
3-Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada Itoobiya.
somali hadaan nahay qorshe markaan rabno in aan ka hadalno
lagama yaabo in waxa laga hadlaayo kitaabka iyo sunada loo eego tusaale waxaa
kuugu filan qodobkani Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada
Itoobiya halkii laga oran lahaa qaadka waaa xaaran mana banaano cunitaankiisa
mana u fiicna cafimadka qofka waana maandooriye weeyn hoos u dhacna u keeno
dhaqaale qof iyo dalba marka aqoonyahanada waxeey si dadban u sheegayaan in
qaadka lacuno balse Itoobiya anan laga iibsan sida ka muuqato qodobkan marka
waxaan leeyahay wax kaste oo larabo in laqabto haloo eega kitaabka iyo sunada si
aan u faa'iidno insha'allah.
Somalidu waxeey dhahdaa hadal badan haan ma buuxsho waxaan ku so afjarayaa
qoraalkan alle hadu idmo aqoonyahanada Somaliyeedow urur hebel iyo urur hebel
waa kan mesha hada aan joogna nadhigay maalin kasta oo urur lagu dhawaqana waxaa
nagu sii badata dhibaatada marka waxan idinkulatalinayaa in laga fogaado lagana
fiirsada qodobada joogta ah ee maalin kasta ururada cusub eey soo
saaraan,ururkana yuusan noqon mid cafe lagu cabay kaliya ee hanoqdo mid Somali
isu keeno maankeeda ku heysa alle haduu idmo.
Wabilaahi Tawfiiq.
qore:C/raxman Cali Adam
E_mail: baadiyow12@hotmail.com .
Seattle,WA,USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|