SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Date: Talaado 27 11, 2007
 
Maxaan Ugu Xaliseen Kumananka ku nool Wadana Ethiopia Halkese U diyariseen?
  • Mohamud Mohamed Mohamud “Qoobeey”
Aniga oo ku nool Magalada Addis Ababa Casimada wadanka Ethiopia waxaan halka wax yar ka leeyahay shirkii ka dhacay magalada Minneapolis Nov 25, 2007 wax yalahii horudhaca looga dhigay in kasta oo dadkii mesha jogay ay iga aqoon badan yahin igana wax garadsan yahin dana'a aan isku soo dhaweyn laakiin waxaa mesha ku jira in inta aan wax  la goynin wax badan la gorfeeyo oo laga baran dago hadii kale Ururka Midowga Qurba jooga waxa uu isgana noqonayaa mid dadka aan u daneynine af ku dila sida qabqablayaasha dagaal ay xabad ugu laynayaan dadka somaliyeed ilaa 17 sano

Hadii aan u soo noqdo Mowducyada aan rabo in aan ka hadlo waxey tahay

in aan xawiilad lagu soo diran wadanka Ethiopia waxan filaa wadanka Ethiopia waxaa ku Nool 6000 iyo in ka badan oo qoys oo ku joga nabad iyo amaan dadka qarkiis waxey u jogaan in ay ka sii adaan wadamada yurub oo dadkooda ay fisoyin ugu soo hagajiyeen Halkaas dadna waxay u jogaan in ay wax ka bartaan kuna nolaadaan intii wadankooda si Un ka noqonayo iyaga oo ka door biday Kenya da leeksu furanayo oo aadan ku nolaan karin sharci daro Jabutida 5000 oo faran kula daba tagan bil kasta waxey aniga ila tahay Fikirkeeyga qaldan in Ururka Midowga Qurba joga'a in ay dadkaasi u daneynin ee ay Rabaa in ay colaad dhex geliyaan dadka nabada ku jogaa wadanka Ethopia waxaan shaki ku jirin in 17 kii sano ee somalia uu ka jiray dagalada sokeeye ay noqotay dowlada Ethiopia dowalda kaliya ee dadka somaliyeed iyaga oo aan wax sharci ah waydiin  wadankooda  ay si nabad ah iyo amaan ah ugu jogaan iyaga oo aan bixin wax canshuur ah ama wadan ku jogid ah waxaan filaa dad ayaa waxey soo qadeen in aan fiso logu soo dirin wadanka Ethiopia oo loogu diro wadanka Jabuti   ma les waydiyay in jabuti sida ay u la dhaqanto Ethiopia ay u la dhaqmeyso oo aysan  wax canshuur ah ama wadanku jog ah ka qadan dadka aan awooda u laheyn ee Qaxootiga ah Mase qabili kartaa tirada lexda kun iyo waxa la jira ka badan oo  ma u heli kartaa  in ay dagaan ama ku meel gaar ku sii ahadaan wadanaka Jabuti waxaan filaa in aan tasi mesha lagu darin waaaniga sida ay ila tahay  waxaan filaa hadii jabuti somali nimo ku jirto oo ay sida dadka somaliyeed ugu harsadeen Ethiopia ay sameyn laheed in ay dadka somaliyeed soo adeen Ethiopia oo ay ka dor bidi lahayeen in  walaalahooda Jabuti dugsan  Waxaan aniga shaki galineynin in dowlada Ethiopia aysan rabin in somalia dawlad ka dhalato lakin waxaan tasi ka leyahay Ethiopia dowlad nooma dhisi karto dowladna  nagama dumin karto ee wax  dowlada ethiopia mesha soo galiyay waa inaga ee marka hore inaga aan si wadanimo ku jirto u wada hadalno dadka shisheeyo kalka ahna meel looga soo wada jesto inta  nadiifta ahna ay tashato si dadka   iyo dhulka loo badbadiin lahaa.

waxaan aniga xalka leyahay inta aan dowalada ethiopia xag xagan in aan nin kasto oo muwaadan somalia ah kunool ama degaankiisu yahay ilaa sarsacaseer iyo raas kamboni aan gacmaha is qabsano isku dubimujino wadanimo mujino sidii aan wadankeeyna uga bixin laheen dadka shisheeye kalkaalka ah hadii dadka shisheeye kalkaalka ah mesha ka baxaan muwadinka uu soo haro waxaan filaa in malin ay san  somalia colaad ahaneynin waan ogahay dadka ku nool wadanka Ethiopia in ay jecleen in ay ku sii noladaan ethiopia oo dadkooda layneysa lakin waxba waxey ku dhantaa  ayay tagan yahin madama wadamadii dariskooda ahaa ee kale ay dida ay ku nool  yahin halkan aysan ugu nolaan karin. waxaam shaki ku jirin in dowalada ethiopia daqli aad u way uu ka soo galo xawaaladleyda somaliyeed tasi oo aan wadanka muwadininta ku nool wadan qadan ee Bank ay leyahiin dadka u dhashay tigreega ay shati shiyaan xawaladaleyda somaliyeed Bank yada kalena  ee wadanka ka jira looma ogla in ay shatiyada shiyaan oo ay hoos yimadaan Bank  giyada kale sida Bank iga Tigreega ee la yiraah Wegagen Bank si aysan daqaliga xooga badan ee ka soo gala xawaaladaha somaliyeed u aadin meel kale ee ay ugu dhacdo sanduuqoda waxaan hadal laga hayaa mashuulka ugu sareya Bankigaasi in uu yiri waxey aheed mar hore in aan howshan bilaawno hadiiba daqaligana aan heleyno bil kasto marka.

waxaan leyahay Ururka in uu waxyalaha qarkood dib ugu noqodo inta uusan xal modin sida uu isaga wax u arko ee dadka uu dantoda.

Waa walaalkiin Xashaash   
       
Igalasoo xariir halkan

Mohamud Mohamed Mohamud “Qoobeey”
C/o P.O.Box 17088
Tell:-00251-9-667118 Mobil
Addis Ababa
Ethiopia
qobee2000@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com