SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Ayaandaran oo booqatay xarunta dhaqanka Århus..

Dhammaan dadkii la marti qaaday way yimaadeen oo qofna ma goynin si ay u dhagaystaan nacnacda Ayaandaran Xirsi Cali oo booqatay 26-11-2007 xarurta dhaqanka ee magaalo madaxda labaad ee Denmark Århus. 

Cabdi Yare
cimaadi@gmail.com

Halkaas waxaa loogu qorsheeyay inay been abuurad iyo xadgudubyo diinta islaamka ka dhan ah ugu akhriso  200 oo qof oo ayaga laftigoodu xumaha xiiseeya, laakiin intaysan soo gaarin kuraastii ay beenta ku dhagaysan lahaayeen waxay la kulmeen baaritoon aysan noloshooda la kulmin..

Ka soo qayb galayaasha waxaa loo sheegay inay ku soo xaadiraan hoolka been abuuradka loogu akhrinayo ugu yaraan 45 min ka hor inta aysan la kulmin been hawaasta 38 jirta ah.

Waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinkii ay la kulmeen qolyaha beenta soo raadsaday in laga baaro meel kaste oo wax lagashan karo, laguna baaro 4 ilaa 5 checkpoint oo la mid ah kuwa la is mariyo marka Airporada laga dhoofayo, waxaa dhulka loogu calaamadiyay diilimo cad cad oo aysan dhinacna u dhaafi karin. Baaritaanadaan waxaa iska kaashaday hayàdda nabad sugidda ee loo yaqaano PET iyo shaqaalaha guriga dhaqanka ee magaalada.

Waa markii labaad ee Ayaandaran soo booqato dalkaan Denmark oo laftigiisa lagu tiriyo wadamada aadka ula collaytama diinta islaamka iyo dadkiisaba oo waxaa la xasuustaa aflagaadadii ay u gaysteen nabigeenna suuban NNKH. Waxaa casuuntay   wareejinaysana Jariiraddii aflagaadaysay nabigeenna suuban NNKH. Markii horan waxay u timid isla arintaas si ugu bogaadiso ninmanka la soo kooray doonta cadaabka, jariiradana ugu taageerto xadgudubkii ay ku kacday.

Ayaan daran waxay ku soo kortay Somalia, waxay soo martay Kenya kadibna waxay soo gashay Holland sannadkii 1992, sida ay sheegtana waxay tiraahdaa ninbaa la igu qasbay oo dhib kala kulmay sidaa daraadeed ayaan goàansaday aritaan.

Sida la ogyahay ayaandaran waxay ka mid ahaan jirtay Baarlamaanka Holland, waxaana laga saaray markii la ogaaday beentii ay sheegtay markay is dhiibaysay. Markay aritaasi soo baxday dawladda holland waxay ayaan daran u sheegtay inaysan wixii hadda ka danbeeya masuul ka ahayn nabadgaliyadeeda maadaama ay u baahantahay in har iyo habeen la ilaaliyo xataa markay musqusha galayso.

Markuu waagu ku baryay ayaandaran waxay u boqooshay USA si ay ugu beerlaxawsato Bush iyo kooxdiisa inay isku doonsaaranyihiin hawl badanna oo tooda lamid ahna ay qabatay, sidaa daraaded aysan mudnayn in maanta cadawga loo loogo. Way ka aqbaleen sidaasayna daganaansho uga heshay Maraykanka oo ay hadda ku dhuumaalaysato.

Waxaa kaloo ka mid ahaa waxyaabihii lagu siinacay markii ay galaafatay noloshii filim dhigihii reer Holland ee la dilay ka dib markii uu la dhigay filim  islamka iyo dadkiisa loogu xadgudbayo.

Waxay magaalada ka daggantahay meel aad loo qariyay, halkaasayna ciddii la kulmaysa loogu geeyaa. waxaa ka mid ahaa dadka maanta meeshaas qarsoodiga ah kula kulmay, duqa magaalada oo sida la sheegay ugu bogaadiyay xadgudubyada ay diinta islaamka kula kacayso isagoo oo u arka inay xaqiiqooyin badan daaha ka fayday xaqiiqaduse waxay tahay alkuffaaru millatun waaxidaha.

Waxaa ka mid ahaa hadalladii mid ka mid ah ka soo qaybgalayaashii ( Waan ku caawinaynaa hawshaan, waa gabar aad u wanaagsan, waxaan ku faraxsannahay inaan dhagaysanno waxyaabaha wanwanaagsan ee ay noo sheegayso) mid kalana waxay tiri waa haweenay fantastik ah mudanna in la dhagaysto aadbaan ugu faraxsannahay inaan la kulmo ayaandaran.

Kaffeega shaaha waxaa u dheeraa oo ay meesha ka gateen 2 buug oo been abuur ka buuxoo oo kiiba laga siiyay lacag  qiyaastii 55 $ u dhiganta ayadoo la gadi jiray 65 $. 

Ayaandaran waxaa lagu soo dhaweeyay roogga gaduudan, waxaa hareer fadhiyay ninkii bixiyay amarkii lagu daabacay sawiradii nabigeena NNKH loogu xadgudbay ee ay daabacday jariirada JP. Milkiilayaasha jariiraddaan waxaa lagu sheegaa inay YUHUUD yihiin, inta waraysigu socdayna waxaa la xiray dhammaan albaabada, wiishashka iyo meel kaste oo banii aadam ka soo gali karo.

Ayaan daran in badanbay wax ka sheegtay diinta islaamka, nabi Muxamed, nnhk iyo guud ahaanba dadka muslimiinta ah, ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu caalamad ay inta u sacbinaysa iyo iyaduba ku quus qaataan ka muujiyo asagaa awoode, sidii calaamadii ka soo ifbaxday nin gaaloobay oo wiil saaxiibkay ahi iiga sheekeeyay.

 Wuxuu yiri waxaa jiray wiil aan saaxiibo ahayn oo masjid muàddin ka ahaa inuu markii uu subaxdii noo adimay, galabtii noo yimid oo nagu yiri ( ogaada wixii saacaddaas ka danbeeya waan gaaloobay) habeenkiibuu seexday asagoo caadi ah subixiina wuxuu soo toosay asagoo madixiisa qaybna cirro xoosh ah tahay qaybna madoow tahay, dhawr marbuu muraayadda isku fiiriyay oo u qaadan waayay isla markiiba wuxuu ogaaday meesha laga raacay wuuna toowbad keenay.  

Waxaan ka tarjumay Jariiradda JP.

Cabdi Yare

cimaadi@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com