Dhaqan aqooneed mise dhaqan-hoosaad?
Fahmo iyo dadaalbaa nafluhu far isku dhaafaaye
Wax fiican faa,idiyo wanaag inad ku faantaane
Abwaan Maxamed Cali Cartan
Had iyo jeer waxaynu maqalnaa iyada oo laga hadlayo waxsoosaarka (khayraadka)
dhulka, hase ahaato ee inta badan lagama hadlo sidii waxtar looga dhalin lahaa
kartiyaha iyo aqoonta ku kaydsan qaybta ugu mudan dadkeenna – dhalinyarta iyo
dadka wax bartay ee arrimaha nolosha garansan (looma jeedo qof wax dhigtay, hase
yeesho ee aan togagga nolosha iyo aqoonta akhris, waayo’aragnimo iyo wixii la
mid ah ku fahmin).
Jeerkan (waqtigan) la joogo bulshooyinka wax gartay, nadaamka qarannimadana
ka midho-dhaliyey dadka aqoonta iyo xirfadaha kala duwan ku hubaysan waxay u
arkaan qaybta ugu muhiimsan bulshada, ee ay la’aanteed wax waliba qabyo
noqonayaan. Dalalka qaarkood waxaba maanta ka jira wasaarado loo qoondeeyay
miisaaniyad qorshaysan ama hay’ado u gaar ah dadkaas, oo waxtarkooda casrigan
maanta ah loo yaqaanno “waxsoosaarka dadka”(Human Resources).
Mar kasta oo horumar iyo horukac ummadeed laga hadlayo dadyowga inaga aqoonta
badani waxay xeeriyaan in lagu kala baxo aqoon iyo dadaal. Laakiin innaga waxa
nafcigii inaga qaaday dhaqan-hoosaad la iska qabatimay, oo inta badan laba
arrimood ku caan ah. Labadaa arrimood midda hore waa habka ay bulshadu mar isugu
timaaddo, mar kalena ku kala irdhowdo oo ah habka tolaysiga. Arrinta kalena waa
in aan la qiimayn meel walba cidda ku habboon, ee meel kastaba la isla taago qof
aan waxba garanayn oo lagu doodo: “Hebelow ninkan wasaarad hebla ama halkaa noo
gee, wax ha noo keenee!” Waxyaalahaasi waxay ka mid yihiin waxyaalaha
caddaaladdii ay ahayd in aynu ilaashanno tumaatida ku noqday, waxqabadkeenniina
hoos u dhigay.
“Ninkii af leh ayaa abaar ka baxa” murtida ah ayaa mararka qaarkood la soo
qaataa. Aniguna waxaan odhan lahaa kuna dari lahaa: “Ciddii dhaqanka qarannimada
iyo qiimaha ay aqoontu leedahay garata uun baa maanta mugdi ka bixi karta.” In
aynu sidaa nidhaahnaa waa gar, waayo maanta adduunka la isuma tudho, oo
bulshadii danteeda garan weyda quwado kale oo ka xoog roon ayaa warjeefaya,
xaqeeda weydaarinaya, kabahana la dulmaraya!
Maqaalkani ma aha kii quwado kale ama wax la mid ah ka hadli lahaa, hase
yeeshee waxa habboon inta aynaan halkan ka gudbin in aynu caddayno in aynu
waxyaalaha aynu soo sheegnay oo dhan jiritaankooda wada qirayno, oo aan la isku
diiddanayn. “Haddaba haddii ay arrini sidaas tahay maxaa wax looga qaban
waayey?” ayey dadka qaarkood is weydiin karaan. Arrimo dhawra oo in wax laga
qabto u baahnaa markii ay dadkeennu ku guuldarraysteen ayey ku maahmaaheen
“Caado la gooyaa cadho Alle ayey leedahay”! Laakin kaasi waa marmarsiinyo aan
macna lahayn, isla markaana aan inaga soconayn.
Qoraa weyn oo Shiv khera la yidhaahdo ayaa waxa uu qoray hadal uu macnihiisu
u dhowaa: “In xalka la arko lana garto oo haddana lagu dhaqaaqi waayaa waa
nasiibdarro weyn.” Waa run. Iska indha-tiridda dhibaatooyinku ma baabbi’iso
jiritaankooda, ee waa ay sii badisaa.
Haddaba dhalinyarta wax baratay ama dadka kale ee aqoonta iyo hibada lehi
waxa ay wax tari karaan oo keliya marka uu dadkoodu dhaqan-hoosaad kasta oo
carqalad ah dhabaatadiisa garto, dhaqanka qarannimona u bislaado. Waynu is
hafarnaa ee ilaa maanta cid xeerarka ama sharciyada innoo yaal u basil oo dhaqan
caddaalad ah ku dhiirranaysaa ma jirto.
Haddii qiimaynta guud iyo caddaaladda loo bislaado aqoontu wax bay tari
kartaa, waayo waxa yaraanaya leexleexadka iyo wax kasta oo aan daacadnimo ku
salaysnayn. Waxa jira saddex erey oo ay aqoonyahannada maaddada maamulku ku
tilmaameen “3-da E ee Maamulka” (3 E’th of Management). Sadexdaa erey waxay kala
yihiin: “Waxbarasho” (Education), “Tamar Badan” (Excessive Energy) iyo
“Waayo’aragnimo” (Experience). Waxay hoosta ku wataan tayooyin iyo kartiyo
horumar kasta iyo waxqabad kasta oo la doonayo in lagu tallaabsado wax weyn ka
tari kara. Laakiin waxay ka shaqeeyaan meelaha ay cilmiga iyo dhaqammada
qarannimo ka jiraan, ee kama shaqayn karaan meelaha ay dhaqan-hoosaadyada
dambeeyaa ka jiraan; meelahaas oo la iska socdo uun iyada oo aan xeer iyo
nadaam midna la qiimaynayn.
Axmed Iid Aadan,
ahmediid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaaleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|