Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 November 2007.
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Dadwayne rayad ah oo ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen.
Gudoomiyaha xarunta dhexe ee jwxo N/hure Sulub Cabdi Axmed oo ka warbixiyey
dagaaladii u dambeeyey iyo duqayntii cirka.
Kaaliyaha xoghayaha QM uqaabilsan gargaarka John Holmes oo booqanaya
Ogadenya.
======================
Dagaallo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya yaa noo soo sheegay dagaallo
badan oo si wayn loogu jabiyay ciidammada gumayisdga Itoobiya. Dagaalladaasi
waxay u dhaceen sidatan;
23/11/07 cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro kala duwan ciidammada
gumaysiga ugu gaystay Qorile, oo ka tirsan degmada Dannood, iyo seddex tuulo
oo kale oo ku yaalla nawaaxiga Qorile oo kala ah Babaase, Dirindiiraha iyo
Dhurda-kariye.
Magaalada Qorile waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana
waa lagaga dhaawacay. Babaase waxaa isagana lagaga dilay 4 askari, 3 kalana
waa lagaga dhaawacay. Dirindiiraha ayaa iyagana sidoo kale ciidammada
cadowga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana lagaga dhaawacay. Dhurda-kariye
waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
22/11/07 Atoorka, oo degmada Dhagax-madow ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga gubay 1 baabuur oo Uuraal ah, kaasoo isaga iyo wixii
saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen.
21/11/07 dagaal isaguna ka dhacay Laku-qotomaley waxaa ciidammada
caga-jiidka ah ee gumayisga Itoobiya lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa
lagaga dhaawacay.
20/11/07 dagaal ka dhacay Aw-riyoole, oo Dig u dhaw, waxaa ciidammada
gumayisga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.
17/11/07 dagaal ka dhacay Laan-goba, oo Cawl-ku-dhal u dhaw, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
14/11/07 Ananu, oo degmada Awaare ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
04/11/07 Luqun-gorayaale, oo Cobolle u dhaw, dagaal ka dhacay waxaa
ciidammada gumayisga lagaga dilay 6 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
Ciidammada gumaysiga ee weerarkan loo gaystay ayaa ahaa kuwo waday koox
shaqaale ah oo ka tirsan Sharikada Shidaalka ee Petrona, oo laga leeyahay
dalka Malleesiya. Kooxdani waxay sahaminayeen meelihii ay Sharikadaasi
hawlaha shidaal qodista ka billaabi lahayd. Kooxdan ayaa markii weerarkaasi
wabsaday waxay ku soo noqdeen magaalada Jigjiga. Weerarkani wax dhibaato ah
uma gaysanin shaqaalaha Sharikadaas.
Dadwayne rayad ah oo ay ciidammada gumaysigu xidhxidheen.
Ciidammada nacabka ah ee gumayisga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aan waxba
galabsanin.
25/11/07 waxay ciidammada gumaysigu Ceelka Bullaale ka soo xidheen 2 nin oo
Ceelka Geel ka waraabsanayay, kuwaasoo ay ku soo xidheen magaalada
Dhagaxbuur. Labadan nin midkood waxaa lagu magacaabaa Xiis Colaad Mahad,
midka kalase magaciisa ma aanaan helin.
23/11/07 Jidhacle, oo Haar-cad u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Gaagaale Caadil
2- C/nuur C/llaahi Ibraahim
3- Maxamed Deeq Gaarane
4- Faarax Siraad Nuur
5- Riish Axmed Faarax iyo
labo wiil oo ay dhashay, kuwaasoo uu midkoodna 2 sano jiro, midka kalana 2
bilood jiro.
18/11/07 Dhiita waxay ciidammada gumaysigu dhac iyo xidhay isugu dareen labo
nin oo lagu kala magacaabo Dhaanshood Maxamuud iyo In C/llaahi-Dheere.
Labadan nin waxay ciidammada gumaysigu ku qaateen diyaarad Helikobtar ah, ka
dibna lama garanayo meel ay geeyee.
11/11/07 Haar-cad waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen gabadh rayad ah oo
lagu magacaabo Faadumo Caydiid Xasan.
08/11/07 waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen magaalada Qabridaharre gabadh
lagu magacaabo Ubax C/llaahi Xasan. Waxay sidoo kale ka dhaceen 20 Kiish oo
Sonkor ah.
27 November 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay
7560 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com, Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|