SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Nuur-Cadde Nabadda ma Naawili Karaa?!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.

Nur adde

    Khilaafkii u dhexeeyey Madaxda sare ee dawladda Empagathi gaar ahaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'isul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo af jarmay in Ra'isul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu iska casilay xilka Wasiirka koowaad ee Golaha Xukumadda 29/10/07.

    Is casilaadda Cali Maxamed Geeddi waxaa keenay cadadis uga yimid dhanka Maraykanka oo ku qanciyeen inuu iska dhiibo xilka maadaama Maraykanku ka mid yahay Dalalka sida tooska ah ugu lug leh arimaha Soomaaliya, is casilaadda Cali Maxamed Geeddi ka dib oo madax weyne C/laahi Yuusuf waajib ku ah inuu 30-dan casho gudohood ku soo magacaabo Prime minister cusub oo badalaya Cali Maxamed Geeddi, ayaa waxaa isu sharaxay oo sheegay inay u taagan yihiin qabashada xilka Wasiirka koowaad: Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumaddii Geeddi,Buubaa oo isna ah Wasiirka waxbarahsada iyo kuwa kale oo ay kala wateen kana sharaxnaa dhanka Dawladaha Maraykanka iyo Xabashida, waxaase ku soo baxay qori tuurkii: qabiilkii, Xigaallo Xabashinimada iyo Xigsiimo Maraykanka Mudane: Nuur Xusan Xuseen oo ku magic dheer Nuur-Cadde, oo dabcan ku soo baxay lacago badan uu laaluush ahaan u baxshay iyo Markuu ka helay Maraykanka iyo Xabashida bogaadin iyo ammaan.

    Nuur Xasan Xuseen Nuur-Cadde waxaa loo magacaabay xilka wasiirka koowaad ee golaha Xukuumadda Empagathi, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso golahiisa wasiirada walow ay jiraan warar sheegaya in tirada Xubnaha Golaha xukuumadda iyo magac yahoodaba ay diyaar yihiin horayna loo sii magacaaabay iyadoo dhamays tinna loo dhiibay Madaxweyne C/laahi, haddana waan arki doonna xubnaha uu soo magacaabo, balse Nuur-Cadde sida naynaastiisa ka muuqata ma kala caddayn doona waxyaabo badan oo Mugdi ku jiro ama cayr yaamo saaran tahay?!.

    Nuur Xasan Xuseen Nuur-Cadde muxuu kaga duwanaan doona Gangister Geeddi iyo Quwaax C/laahi? Ma wuxuu noqon doona nimaan qaamuuskiisa ku jirin lagana helayn erayga "Maya"? mise wuxuu noqon doona Habacsane aan awood u lahayn inuu hor istaago: Bara-kicinta, Dilka, Boobka, iyo Dagaalada, arimahaas oo dhanna waxaay ku xiran yihiin inuu aragti cad ka qaato Ciidanka Xabashida uuna Yiraahdo: Isaga Baxa Ciidda Dalka, ama ugu yaraan uu fara galiyo falalka ay wadaan ee bahalnimada ah, Murti baa waxay leedahay: Waxaan la wada helayn lagama wada tago! ama tan tibaaxaysa: Cayri Caymo ma Diiddo!, balse taasi ma iman kartaa? Mise ka suura gali kartaa nin u dhexeeya sadax dhardhaarood ee kala ah: Maraykanka, Xabahida, iyo C/laahi, waxaa hubaal ah in ninka sadaxdan dhex gala uusan ahayn nin damiir leh ama u madax bannaanaan doona taladiisa, balse uu noqon doona Hayin ama Hebed u Heellan Heeryada iyo Rarka!.

    Haddaba su'aasha meesha taalla waxay tahay Nuur-Cadde Nabadda ma Naawili Karaa?! Ama Nuur-Cadde Nabadda ma Naaxin karaa?!, mise noqon doona sida uu ku tilmaamay farshaxaniistaha weyn ee Amiin Caamir ee ah Dhaqtar Nabadda Xanaaneeya?!, balse Nuur-Cadde oo 15-kii sano ee u dambeeyey ku dhex jiray NGO-yada sal dhiggoodu yahay Nairobi(Nayroobi) ayaa waxaa laga filan karaa inuu iska noqon doono nin Qandaraas iyo Bajad, taas oo ku soo duxi doonta Dhaqamadiisa, Murti baa waxay leedahay: Waxaad Barato waa Baaskaa!,  ama Mukulaal Madax Doolli kama Xajiso!, haddaba Nuur-Cadde waxaa looga fadhiyaa inuu la yimaado Siyaasad ka duwan Siyaasaddii Cali Maxamed Geeddi loogana baahan yahay inuu Dalka ka saaro Xaaladda uu ku sugan yahay ee aadka u qalafsan kana dhalatay Ciidanka Xabashida iyo Maleeshiyo Beeleedyada ku baahsan Gudaha Dalka Gees-ka-Gees gaar ahaan Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisha sidoo kale Dalkana ku soo dabbaalo Nabad, Nuur, Nolol, iyo Naruuro!.


ISHA: http://www.aminarts.com/

    Guntii iyo gababadii waxan ku gunaanadayaa tuducyo ka mid ah Gabay uu tiriyey Abaanka weyn ee Maxamed Warsame Ibraahin Walanwal oo ku magac dheer “Hadraawi” baydadkaan oo ka hadlaya Hoggaanka waxayna yihiin sedan:

  • Naaleeye Habacsane
  • Yaa Horseede kaa Dhigay?
  • Ma adigaa Hoggaanshe ah?
  • Gobanimo Hawadin kara?
  • Qarannimo Hitiqin kara?
  • Isku duubni Hanan kara?
  • Dal Sabool ah Hagi kar?
  • Himilada Xil furan kara?
  • Taariikh la Hari kara?
  • Hal-Abuurka Sharafka leh
  • Murtidiisa Helin kara?
  • Hoodaale Noqon kara?.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Libya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2007

Soomaaliya sidii Lagu Xoreyn Lahaa
Somalia

Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof. Ibbi, Drs. Fawsiya... Akhri... Nov 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com