Haweenka Majeerteen ee Minnesota oo Taageerey Baaqii ka
soo Baxay Boocame
Xaflad si qurux
badan loo soo agaasimey oo ay soo qaban qaabiyeen Haweenka u dhashay Beesha
Majeerteen ayaa ka dhacdey badhtamaha magaalada Minneapolis. Xafladaas oo ku
saabsaneyd sidii loo taageeri lahaa baaqii ay soo saareen Beesha Siciid Harti
(Dhulbahante) cuqaashooda iyo waxgaradkooda ku shirayey in dhaweyd magaalada
Boocame. Haweenka Majeerteen ee degan gobolka Minnesota ayaa gunaanadkii
xafladan soo saarey baaq ay ku taageerayaan oo ka kooban todobo qodob:
1. Haweenka Majeerteen oo si buuxda u taageerey go’aamadii
ka soo baxay shirkii Boocame.
2. In aanu cambaaraynayno duulaanka qaawan ee gardarada ah
ee lagu soo qaaday deegaanada Puntland, laguna qabsaday gobolka Sool, magaalo
madaxdiisa Laascaanood. Isala markaasna aanu kula talinayno ciidamada Somaliland
in ay si degdeg ah uga baxaan magaalada Laascaanood, si aan dhiig damebe oo
soomaliyeed ugu daadan.
3. In la mideeyo, lana adkeeyo magaca qaranimada
Soomaaliyeed marnabana la’ogolaan kala go’a wadanka Soomaaaliyeed.
4. In si buuxda looga qayb galo taakulaynta dadka ka
barakacay guryahoodii magaalada Laascaanood, ee uusan caalamku weli u gurman.
5. In Haweenka Majeerteen ay wadaan dadaalkooda ay ku
raadinayaan nabada iyo wadan jaceylka Soomaaliyeed.
Iyadoo isla goobtaas ay haweenku ku sameysteen seddex guddi oo ka shaqeeya
midnimada umadda Soomaaliyeed:
A. Guddiga Maamulka
B. Guddiga dhaqaalaha
C. Guddiga xiriirka
Gunaanadkii, ayaa Haweenka Majeerteen halkaas ku soo bandhigeen
buraanbur duco ah oo ku saabsan marxaladda hadda ka jirta goblka Sool.
Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|