Mid Kamid Ah Ku Xigeenadii Hore Ee Hay,da UNDP ee Puntland Oo
Dhaawac ahaan U jiifa Isbitaalka Madiine Ee Muqdisho.
Mid kamid ah ku xigeenadii hay,ada UNDP ee gobolada puntland iyo
walaakiis weriye yaasiin faytin ayaa dhaawacyo kasoo gaareen rasaas ay ku fureen
ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan magaalada muqdisho xili ay socod ku
jireen agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha .
faarax maxamed cali (teacher) oo mudo sii horaysay soo gaaray
magaalada muqdisho islamrkaana in mudo ah u shaqaynayey hay,ada UNDP islamrkaana
macalimo iyo maamul ku xigeeno kasoo noqday dugsiyada sare ee garoowe iyo weliba
burco ayaa dhaawac kasoo gaaray kaadi haysta iyo mid kamida gacantiisa bidix oo
xiligan u jiifa isbitaalka madiino ee magaalada muqdisho .
Dhaawaca aqoon yahankan oo mudo gaaraysa 15-cisho ah ugu jiray
isbtaalka madiino ayaa sheegay inuu xaaladiisa caafmaad ay kasoo raysnayso
islamrkaana u mahad celiyey dhaqaatiirta sida aadka ah dadaalka ugu samaysay
taasoo uu xusay inay dadaal dheeraad ah u sameeyeen guud ahaan dhaqtarada iyo
weliba kal kaaliyaasha caafimaad ee isbitaalkaasi .
Dhinaca kale weriye yaasiin faytin oo isna dhaawac fududi kasoo
gaaray lugta ayaa ka war bixiyey xaaladooda caafimaad isaga walaalkiis faarax
teacher isagoo sheegay inuu isagu aad fiican yahay balse uu iminka kasii daran
yahay walaalkiis faarax maxamed cali islamrkaana uu sheegay in xabada soo
gaartay faarax teacher ay kasoo gaadhay meel halis ah oo kaadi haysta
islamrkaana aysan weli bogsan balse uu alle uga rajeeyey inuu caafimaad siiyo.
Sidoo kale weriye yaasiin faytin ayaa saxaafada uga war bixiyey
xaalada guud ee isbitaalka madiino oo ah isbitaalada fara ku tiriska ah ee ku
shaqeeya xaalada cakiran ee ka jirta magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo
uu tilmaamay in sibitaalka ay ku jiraan in ka badan boqolaal qof oo ay haleeshay
rasaasta ay ridayaan ciidamada xukuumada ethiopia iyo weliba kuwa dowlada KMG ah
islamrkaana ay qaarkood la il daran yihiin xaalad caafimaad xumo mana jiraan
ayuu yiri yaasiin faytin marka laga reebo waxooga daawo ah oo laga qaato
isbitaalka mooyee wax kale oo daryeela oo ay ku haystaan .
yaasiin faytin ayaa xusay inay todobaadkan oo keliya ay
isbitaalka ugu geeriyoodeen dhaawacyo halis ah oo kasoo gaaray rasaasta ay
ridayaan ciidamada ethiopia in ka badan ilaa 5-qofood kuwaasoo u badnaa caruur
,haween ,iyo weliba dad da,ah..
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007
Soomaalida oo Loogu
Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian
Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya

Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo
Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban
qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed..
Akhri...

