Maxay Galabsadeen dhaliyarada ay waalidkood Taageereen Itoobiyaanka
Maxamad Bashiir
gumburi1885@yahoo.com
Salaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.
Salaantan ka dib waxaan maalintii shalay akhriyey go,aamadii ka soo
baxay shirkii qurba jooga soomaaliyeed oo ka dhacay carriga maraykanka ,
waxaana aad ula yaabay go,aamada qaarkood oo aan ahayn wax macquul ah
ama caqliga bani,aadamku yeeli karo. Go,aamadaas oo ku qoran bogga
www.somalitalk.com
waxaa ka mid ahaa in la takooro kuwa taagersan itoobiyaanka aana
caruurtooda la guursan loona guurin , hadaba waxaa is weydiin leh maxay
galabsadeen caruurtu oo loogu qabanayaa denbi ama qaladka ay galeen
walidiintoodu.
Haddii uu qof galo denbiga ugu weyn waxaan ognahay in aan waxba ka gelin
waalidkiis iyo uabdkiisa midna uuna qofkaasi dembigaas xambaarsanaayo.
Tusaale ahaan gaaladii ku caasiday nebiga waxaa qaarkood ay dhaleen rag
magac iyo maamuus ku leh diinta islaamka sida khaalid bin waliid oo lagu
tilmaamay seeftii ilaahay halka aabahiis ahaa waliid binu muqiira oo la
wada yaqaan taariikhdiisa.
hadaba waxaa aan kula talinayaa kuwii soo saray go,aamadan inay dib uga
laabtaan uagana fiirsadaan go,aamadooda.
Waxaa kale oo ka mid ahaa go,aamadaas in la joojiyo xawaaladaha wax u
dira itoobiya anaa loo dirin wax xawaalad ah , hadaba ma la is weydiiyey
hadiiba go,aankasi maanta dhaqan galo in ay ku dhiabaatoonayaan
malaayiin soomaali ah oo ku sugan dalkaas duruufona ku haystaan . Ma
lagu xisabtamay in ay joogaan kuwo jiifa isbitaalada oo haddii xawalada
laga jaro ay ku dhacayso daawo la,aan iyo rafaad.
Waxaa qodobadaas ka mid ahaa in aan la iibsan qaadka itoobiya, iyadoo
culimada iyo dhaqaatiirta badidood isku raacday inaan qaadkaba la cunin
uuna bulshada ku hayo dhibaato dhaqaale iyo caafimaad labadaba, miyaanay
markaa haboonayn in lagu baaqo in la gooyo cunista qaadkaba, waayo kan
itoobiya kama duwana kan kenya , oo keenyaba waan ognahay siday ula
dhaqanto soomaalida oo waa tan dadka barakacay ku celisay xuduudaha,
mowqifkeeduna waa la mid kan itoobiyanaka.
Canjeelada itoobiyaanka haba la joojiyee maxaa loogu dari wayey pizza da
maraykanka iyo cocola iyo humbergarka.
Dhanka fiisaha in lagula soo wareego jabuuti ma xuma ee waxaa is weydiin
leh jabuuti diyaar ma u tahay inay qaabisho malaayiin soomaali ah haddii
ay ogolaatose jabuuti ma qadi kartaa oo ma ka helayaan guryo iyo degaan.
Anigoo aad u neceb itoobiyaanka iyo joogitaankooda iyo xasuuqaay ku
hayaan soomaaliya waxaan jeclaan lahaa in haddii cid lagu cambaaraynaayo
taageerada i toobiya in lagu cambaareeyo barlamanka soomaaliyeed ee
ansaxiyey weliba cod aqlabiyada ah ku ansaxiyey ayna markaas ku jireen
kuwo badan oo manta mucaarid ah maalintaase ahaa muxaafidiin taageersan
itoobiya iyo siyaasadeeda.
Waxaan halkan hadaba talo ugu soo jeedinayaa siyaasiyiinta iyo
aqoonyahanada soomaaliyeed in talaabo kasta oo loo soo bandhigaayo
bulshada ay noqoto mid ah danta umadda soomaaliyeed balse aanay noqon
mid noota fatwo cusub oo qofkay doonto gumaysa ka doontona ka dhigta
gob.
Umadda soomaaliyeedna waxay gumaysiga kaga bixi kartaa midnimo iyo wada
tashi iyo ficil dhab ah.
waxaan umadda soomaliyeed u rajaynayaa guul iyo barwaaqo iyo gumaysiga
oo dalkooda ka baxa , cadaalad iyo nabadna dalka lagu soo dabaalo, lana
soo celiyo qaranimadii iyo midnimadii, iyo sharaftii umadda
soomaaliyeed.
Kuwa taageerdaa u haya itoobiyaankana iyaga oo keli ah ayaa tariikhdu
takooraysaa ee caruurtoodu hadaanay iyagoo kale noqon wax kagalay ma
jiraan waa muwaadiniin soomaaliyeed oo xor ah cidina aanay ka qaadi
karin haybadooda alle siiyey.
Guurkuna waxa uu leeyahay wadooyin sharci ah oo loo maro , laguna doorto
qofka la guursanaayo ee looma eego aabihiis wuxuu sameeyey ama hooyadii
taasna waxaa na baray diinta islaamka oo ah dastuurka alle ee sharciga
ah.
Gunaanadka hadalkayaga waxaan soomaalida ugu baaqayaa bal inay akhriyaan
go,aamada shirkaas, fikirkoodana ka dhiibtaan hadii aan qalad fahmayna
la i qabto .
Maxamad Bashiir
gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkanwaxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007
Soomaaliya sidii Lagu
Xoreyn Lahaa

Warbixin
dhamaystiran oo ku saabsan kulankii Sabtidii lagu
qabtay Minneapolis ee looga hadlay sidii Soomaaliya
looga xorayn lahaa Itoobiya, warsaxaafadeedkii
Ururka Midowga Qurmab Joogga, qoraal loo dirayo
senatorada/congress-ka USA, hadalladii C/risaaq Xaaji
Xuseen, Sakariye Xaaji, Prof. Mahadallah, prof.
Ibbi, Drs. Fawsiya...
Akhri... Nov 26


|