Somaliland dib ha u eegto siyaasaddeeda ku
aaddan gobolka Sool
Shirkii u socday madax-dhaqameedyada Sool ee laga
qabtay Boocame waxaa ka soo baxay baaq loo jeedinayo maamulka
Somaliland. Arrin xun ma aha haddii Somaliland ay siyaasaddeeda dib
u eegto sababo badan awgood. Waa marka hore e maamulka hadda
Somaliland ka jira wuxuu sii xoojiyey siyaasaddii ahayd kala
qaybinta dadka Sool iyadoo la magaacabayo dad Sool ka soo jeeda oo
aan xiriir la lahayn reer Sool si ay maamulkaa uga mid noqdaan.
Somaliland waxay muujisay in aysan wax qaddarin ah u hayn
madax-dhaqameedka Sool kadib markii ay marti-qaadday Axmed Cabdi
Xaabsade oo waraysigiisii BBCda ku dooday in madax-dhaqameedyadu
aysan kaalin siyaasadeed lahayn.
Kal hore markii maamulka Puntland Xaabsade xil ka
qaadis ku sameeyey waxaa Garoowe u soo galbiyey madax dhaqameedyo Laas
Caanood iyo Buuhoodle ka soo kala jeeda. Hadallada Xaabsade waxay
muujinayaan in Somaliland doonayso ku tumashada madax dhaqameedka Sool,
madax-dhaqameedka dadka kala go'a tageersanna la dhowro si ay u
furdaamiyaan dhibaatooyinka siyaasiyiinta abuuraan. Waa
madax-dhaqameedyada kuwa xaqa dadku isku leeyihiin xeeriya. Waa
siyaasiyiinta kuwa gobolka Sool dhibaatada u keenay, dano gaar ahna
ku fushanaya maamulka Somaliland ee aan lagu aqoon la xisaabtanka ragga
ay u aqoonsatay in ay wakiil ka yihiin dadka Sool deggan.
Mashaariicda siyaasadda waxa dhaawaca ama kufiya
siyaasadaha isburinaya. Gefka siyaasadeed ee maamulka Somaliland galay
waa isaga oo lugta la soo galay ishayn siyaasadeed oo ay wax ka qaban
kareen madax-dhaqameedka Sool. Waxay u dhego nuglaadeen rag siyaasiyiin
ah oo aan maanta Sool taageero ku lahayn.
Haddii ay Somaliland keentay aragtida kala go'a
iyada ayaa looga baahan yahay in ay keento habkii arrinkaa looga wada
hadli lahaa. Ilaa hadda taa ma dhicin, waxaana muuqata in siyaasiyiinta
Somaliland ay indhaha ka laallayaan runta hor taal: in siyaasiyiinta
reer Sool ay dadkooda kasban waayeen, kalana fogeeyeen dadka kala go'a
doonaya iyo dadka midnimada doonaya.
Somaliland waa in ay mid xusuusataa: waxay ahayeen
madax-dhaqameedyada sida marxuum Garaad Cabdiqani kuwa wax ka qabtay
dhibaatooyinka siyaasiyinta Sool sameeyeen iyagoo leh ujeeddooyin
siyaasadeed. Haddii maamulka Somaliland uu qaadan waayo talooyinka
madax-dhaqameedka Sool, way adkaanaysaa in laga wada hadlo wax ka
qabashada dhibaatooyinka siyaasaded ee taagan. Arrinkuna wuxuu noqon
karaa mid keena nabadgalyo darro baahda oo jiitanta. Maamulkii marxuum
Cigaal uun baa yiqiin dhibta ay geysan karaan siyaasiyiinta ismagacawday
ee sheegatay in ay wakiil ka yihiin reer Sool. . In ay isku duubni dadka
ay wakiilka ka yihiin ( waa sida ay sheegteenee) ka keenaan buu weydiin
jiray. Tixgelin weyn buu u hayay madax-dhaqameedyada oo ah tiirka
siyaasadda. Haddii Xaabsade intaa garan waayey oo uu meel kaga dhacay
madax-dhaqameedka Sool, maantana hudheel Hargeysa ku yaal dhex jiifo la
yaab ma leh. Kuwa illoobay sida Xaabsade dadka u kala fogeeyey intii uu
Puntland ka mid ahaa, haddana aysan u muuqan sida uu u kala dhantaali
karo wax kasta oo sees u noqon lahaa wada-hadal siyaasadeed, ayaa ah
kuwo lala yaabo. Madax dhaqameedka Somaliland waa in ay kaalintooda
same-ka-talinta qaataan oo weydiiyaan maamulka Somaliland waxa la gaari
karo haddii la iska dhega tiro baaqa madax-dhaqameedka Sool ee Boocame
ku shiray. Waa in loo arkaa baaq siyaasadeed. Somaliland oo dib u eegta
siyaasaddeeda ku aaddan dadka midnimada doonaya ayaa horseedi karta
horumar siyaasadeed iyo mid bulsho.
Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2007