Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 November 2007.
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyay Baarta iyo Ananu.
Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.
Idaacada SBS ee wadanka Australia oo waraysatay G/kuxigeenka 2aad ee Jwxo.
SBS:
Arbaca |
XORIYO:Arbaca/Sabti
======================
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan
oo si wayn loogu waxyeelleeyay ciidammada caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya.
Dagaalladan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxay u
dheceen sidatan;
17 – 19/11/07 waxaa ciidammada gumaysiga weerarro mir iyo maalinimo isugu jira
loogu gaystay Sallaxaad iyo Laga-hidda, waxaana lagaga dilay inta la ogyahay19
askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 17/11/07 waxaa ciidammada guamysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay
Fool-jeex, oo Qorraxey ka tirsan, waxaana gumaysiga kaga dhintay in ka badan 50
askari oo baabuurkaas saarnaa.
16/11/07 Gabagabo, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, waxaa weerar mir ah loogu
gaystay ciidammada gumaysiga ee halkaas fadhiya, waxaana loogu gaystay khasaare
aan faahfaahintiisa la haynin.
15/11/07 Geed-dheer, oo degmada Awaare ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal deegaankaas u joogay, waxaana
laga dilay 3 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.
Isla 15/11/07 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammo guamysigu leeyahay oo
fadhiyay Baarta, oo Awaare ka tirsan, waxaana loo gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
11/11/07 dagaal adag oo ka dhacay Gudhis, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 51 askari, waxaana lagaga dhaawacay 24 kale. Ciidammada jabkan loo gaystay
waxaa ku jirtay koox Dabaqoodhi ah oo la hawlgalayay.
10/11/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga
eek u sugan magaalada Iimey, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyahay 4
askari, 2 kalana way kaga dhaawaceen.
Diyaaradaha Itoobiya oo duqeeyay Baarta iyo Ananu.
Diyaaradaha dagaalka ee ciidammada gumayisga Itoobiya ayaa duqeeyay Baarta iyo
Ananu, oo labaduba ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar maalmihii Khamiista
iyo Sabtida ee taariikhdu ahayd 15 iyo 17/11/07.
Diyaaradaha Itoobiya waxay deegaanadan duqeeyeen, ka dib markii weerarro kala
duwan ay CWXO u gaysteen ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgallo u tegay
deegaanadaas, isla markaana ay u gaysteen khasaarooyin ba’an.
Duqayntan waxaa ku dhintay dad badan oo rayad ah oo ka mid ah dadkii xoolo
dhaqatada ahaa ee deegaanadaas ku noolaa. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad
kale.
Diyaaradaha gumaysiga Itoobiya waxay Baarta duqeeyeen markii taariikhdu ahayd
15/11/07. Dadka halkaas ku dhintayna waxaa ka mid ah C/llaahi Maxamed oo Jeefad
lagu naanaysi jiray. Ninkani wuxuu ahaa nin curyaan ah. Dadka kale ee halkaas ku
dhintay magacyadooda nooma suuragalin inaan helno.
Ananu ayay iyadana diyaaradaha gumaysigu duqeeyeen markii ay taariikhdu ku
beegnayd 17/11/07. Dadka halkaas ku dhintay ee aan magacyadooda helayna waxaa ka
mid ah Axmed Jaamac Dhuun-gale iyo Khadar Maxamed. Dadka kale ee halkaas ku
dhintay magacyadooda wali ma hayno.
Maadaama ay diyaaraduhu rusheeyeen dad xoolo dhaqato ah oo Balliyo deegaanadaas
ku yaallay xoolo ka waraabsanayay ama ka dhaansanayay, waxaa adag in durba la
helo tirada dhabta ah ee dadwaynaha duqayntaas ku dhuintay ama ku dhaawacmay.
Sida ay wararku nagu soo gaadhayaan waxaa duqayntaas iyaguna ku baaba’ay xoolo
badan oo dadwaynuhu lahaa.
Waxaana muuqata in Itoobiya rushayntan ula jeedo oo kaliya inay dadwaynaha
rayadka ah ku khalkhal galiso, ka dib markii ay dadku ugu dabci waayeen
waxyyeellooyinka iyo xasuuqa ay u gaysanayso.
Dadwayne gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidhay.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya
ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aan waxbva galabsanin.
18/11/07 Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ardo C/llaahi Ismaaciil
2- Faadumo Duullane Xasan
3- Gorda Mahad Muxumed
4- Bashiir Maxamed Yuusuf iyo
5- Daweeya Cali
15/11/07 ciidammada gumaysigu xabsiga u taxaabeen maamul ku-sheeggii degmada
Shaygoosh oo dhan, kuwaasoo uu hormuud u yahay ninka lagu magacaabo Fara-biid
Cabdi Mahad.
13/11/07 Dhagax-madow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Shariif Baddal Shariif C/llaahi
2- Sh Caliyi Budul
3- Xasan Maxamuud Yuusuf
4- C?raxmaan Sh Axmed
5- Sh Cabdi-Xabiin Sh Axmed
6- Xaadir Xaaji Cumar
7- Xafso Cali Qoodhe
8- Ibraahim Cali Aaden
9- C/llaahi Dayl
10- Saado Cali Qoodhe iyo
11- C/llaahi Faarax Sooyaan
11/11/07 Muluqa, oo Garigo’an u dhaw, waxay ciidammada gumaysigu ka soo
qaqabteen 7 qof oo rayad ah oo ay ku xidhxidheen magaalada Shaygoosh. Dadkaas
waxaan magacyadooda helnay;
1- Maxamed Aaden oo 70 jir ah
2- C/wali oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin oo isaguna 60 jir ah
3- Macalin Haybe C/qaadir oo 70 jir ah iyo
4- Ina Muxumed Maxamuud oo magaciisa hore aanaan haynin.
Ciidammada gumaysigu waxay Muluqa isla maalinkaas ku qasheen 35 Neef oo Adhi ah
oo dadwaynuhu lahaa.
10/11/07 waxay ciidammada guamysigu magaalada Haar-cad ku xidhxidheen dadwayne
aad u farabadan oo rayad ah. Waxaa noo suuragashay inaan magaceeda helno gabadh
lagu magacaabo Sureer Xuseen.
Isla 10/11/07 waxay ciidammada gumaysigu Gabagabo ka soo qaqabteen dad rayad ah
oo ay ku xidhxidheen magaalada Garbo. Dadkaas waxaan magacyadooda helnay;
1- Cabdi Xasan Aaden
2- C/llaahi Ibraahim Axmed
3- Axmed C/raxmaan
4- Maxamed Axmed Barkhadle
5- Cabdi Xasan Gurey iyo
6- Ina Muxumed Cabdi Sulub oo magaciisa hore aanaan haynin.
08/11/07 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen nin
lagu magacaabo Qaasim Aw Aaden, oo Beeralay ahaa, waxayna kala wareegeen
Beertiisii iyo Matoor u saarnaa.
Dhinaca kale 15/11/07 Cobolley, oo gobolka Qorraxey ka tirsan, waxay ciidammada
gumaysigu ku qasheen 43 Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa. Dadka Adhigaas laga
qashay waxaa ka mid ah;
1- Sh Muxumed iyo
2- Dhaga-qool Muxumed
20 November 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida
7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari

