Axmed Gurey ma noolyahay? W.Q. Axmed C. Aadam
hawadiye@yahoo.com
Hardanka iyo loolanka geeska Afrika ee u dhexeeya
Kirishtaanka xabashida iyo Muslimiinta oo ay hormuud u
yihiin Soomaalidu wuxuu soo jiray muddo qarniyaal ah,
wuxuuna soomaray marxalado kala duwan. Waxa maanta ka scocda
guud ahaan geeska Afrika gaar ahaan dhulka Soomaalidana waa
taxanahaas taariihkiga ah, waxaana muuqata maadaama ay
dhacdooyinkani yihiin xalqado isdaba joog ah inay ka
dhaxeeyaan isu ekaansho waxaana la yidhaahdaa “taarikhdu
nafteeda ayay soo celisaa”, oo macnaheedu yahay duruusta
taariikda laga faa’iidaysto door weyn ayay ku leedahay la
falgalidda iyo jid u bixinta xaaladaha la joogo markaas, si
loo gaadho mustaqbal lagu bogaadsado. Sidaa darteed
taariikhdu waa dugsiga wacyiga iyo garashada ummaddeed ee
jiheeyaha u ah ilaalinta jiritaankeeda, ummaddii
taariikhdeeda ilowda ama is ilowsiisana waxay halis u tahay
inuu ku dhaco majara habow.
Hadaba, xaaladda geeska Afrika maanta marayso waxay aad
ugu egtahay xilligii Imaam Axmed Gurey ee qarnigii 16aad
markasoo ay jireen maamulo dhawr ah oo ay leeyihiin dadka
muslimiinta ah ee geeska Afrika kuwaasoo ahaa kuwa hoos taga
boqortooyada xabashida inta aanu Axmed Gurey jihaadka
bilaabin. Nimanka maamuladaas lagu magacaabi jiray
“Imaarado” xukumayay waxay la mid ahaayeen gudoomiyayaal
gobollo waxayna ku dheeraraayeen laga bilaabo xeebaha badda
cas ee Zaylac ilaa Harar iyo wabiga Hawaash, waxayna todobo
maamul (Imaarado). Nimankaas madaxda ahaa waxay daacad u
ahaayeen isla markaana baad siin jireen boqorkii xabashida,
waxaana dhexdooda ka dhici jirtay inay ku tartamaan u
dhawaanshaha boqorka xabashida. Mararka qaarna waxay isu soo
kaxaysan jireen ciidanka xabashida si ay isaga takhalusaan
waxaana intaas dheeraa in maamul kasta ay la joogeen
saraakiil iyo ciidamo matalaya boqorka xabashida.
Xilligaas murugada leh ayuu Imaam Axmed Gurey oo isagu
ahaa hogaamiye ciidan ee Imaarada Harar oo u dulqaadan
waayay xaaladdaas duli iyo daciifnimo ee ay ku jireen dadkii
muslimiinta ah ayaa wuxuu go’aansaday inuu ka gilgisho
gabood falka madaxdaas dadkii Muslimiinta ahaa u loogay
gaaladii xabashida, wuxuuna bilaabay abaabul kacdoon oo
dadkii iyo ciidankii muslimiinta ahaa ku tusayo
dibindaabyada ay ku hayaan nimankaas madaxda u ah isagoo u
arkayay inaan cadawga gaalada layska celin karin iyadoo aan
gudaha muslimiinta la midaynin lagana takhalusin hogaanka
gaalada u dabacsan. Imaam Axmed Gurey ugu dambaystii wuxuu
ku guulaystay inuu mideeyo dadkii dareenkooda iyo
xoogoodaba, isagoo gacan ku dhigay talada imaaradii Harar
kadib markii dhaqdhaqaaq hubaysan uu kaga itaal roonaaday
ninkii markaas xukumayay, wuxuuna halkaas kasii waday
halgankiisa ah inuu ummadda muslimiinta ah ka xoreeyo
madaxdii markaas haysatay ee u adeegaysay boqorka xabashida,
Ilaahay mahadiis wuxuu Imaam Axmed Gurey ku guulaystay inuu
mideeyo xooggii muslimiinta ee maamuladii markaas jiray.
Waxayna taasi u fududaysay talaabooyinkii xigay ee ku
wajahnaa cadawga dibada.
Axmed Gurey markii uu ku guulaystay inuu mideeyo awooddii
muslimiinta ayuu markaa bilaabay inuu guluf dagaal oo aan
kala go’ lahayn ku qaado gaaladii xabashida iyo
boqortooyadoodii. Jihaadka Imaamku wuxuu socday in kabadan
toban sanno oo xidhiidh ah (horey ayuu usii socdayintaas )
ilaa markii ugu dambaysay uu cagta mariyay, wiiqayna
awooddii kirishtaanka xabashida, magaaalo madaxdoodii Aksum
na uu qabsaday, waxaase xusid mudan in gaalada reer
galbeedku (Yurub) ay gurmad usoo fidiyeen xabashida iyadoo
ay ciidamo Bortaqiis(Portugal) ah yimaadeen oo ay la
dagaalameen Imaamka iyo mujaadidiintii uu watay, waxaana
taariikhdu sheegaysaa in Imaam Axmed Gurey uu u dhintay
dhaawac kasoo gaadhay dagaalka uu la galay ciidamadaas
Boortaqiiska ahaa. Markasta oo ay is hayaan gaalada
xabashida iyo Muslimiinta geeska Afrika waxaa soo faragaliya
gaalada kale ee reer galbeed iyagoo gacan siinaya xabashida,
waa arin sideeda in loo faaqido u baahan hase yeeshee waa
iga baraarujin si loo fahmo isbahaysiga xabashida iyo
Maraykanka ee xilligaan.
Si kastaba Imaam Axmed Gurey jabkii iyo guuldaradii uu
baday xabashida waxaa lagu xasuustaa in caadada ay xabashdu
u leedahay inay hilibka caydhiin cunaan oo ilaa hadda jirta
ay sababteedu ahayd inaysan shidan jirin dab ay wax ku
karsadaan iyagoo ka baqi jiray in iftiinka dabka ay arkaan
ciidamadii Imaamku sidaas awgeed gaaladii xabashidu way ka
caageen inay dab shitaan meelkastoo ay joogaan. Ilaa hadda
waxaa jirta marka ay xabashidu isku boorinayaan inay
muslimiinta Soomaalida la dagaalamaan waxay is xusuusiyaan
Axmed Gurey, khatar kasta oo dhanka Soomaalida kaga
imanaysana waxay hal ku dhag uga dhigaan “Axmed Gurey ayaa
soo socda”. Waxaan mahadhada uu ku dhigay Imaamku kuu
caddayn karaya hadaladii uu Minilik ku sheegay warqad uu u
diray ninkii gumeysiga Ingiriiska u fadhiya
Cadan(Yaman)markii uu qabsaday Harar oo ahayd caasimadii
Muslimiinta geeska Afrika, waxaa ka mid ahaa inuu yidhi “
waan ka takhalusay Axmed Gurey dadkiisii mana soo noqon
doonaan” hadalkaan wuxuu yidhi in ka badan laba boqol oo
sanno markii laga joogo Axmed Gurey. Waxaa hubaal ah in
maanta markay taangiyadii iyo ciidankii xabashidu ay galeen
caasimaddii Soomaaliya ay tahniyaddaas is dhaafsanayaan
gaalada xabashidu iyo walaalahooda gaalada ah ee galbeedka.
Waxayna tani marag u tahay yoolka xabashi tooganayso ee
marar badan u adeegsanayso dhoohanayaal dub soomaali leh.
Tani waa guud mar kooban oo taariikheed oon uga gol
leeyahay in dad badan oo Soomaaliyeed aan ku xasuusiyo
taariikhda dagalka Soomaali islamarkaana aan da’yarta
Soomaaliyeed ku barayo gabal ka mid ah taariikhda duuga ah
si aan u dareensiiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in
waxa maanta socdaa uu yahay mid daba jooga taariikh hore oo
cadawga ummadda Soomaaliyeed isu kaashanayo inuu xusuusta
maskaxdeena ka tirtiro balse ay ku hungoobeen.
Markaad u fiirsato xidhiidhka ka dhexeeya boggaga
taariikhda, boggii hore iyo bogga maanta furan waxaad
ogaanaysaa in Kirishtaanka xabashidu ayna marna ka hadhin
damacoodii iyo qorshahoodii guracnaa ee ku salaysnaa
qabsashada dhulalka muslimiinnta geeska Afrika. Laakiin
waxaa ayaan darro ah inaad arkaysid dad Soomaali ah oo is
halmaansiinaya (xaqiiqada way ogyihiin) xididdada
taariikheed uu uu leeyahay loolanka ka taagan geeska Afrika.
Gundhiga hadalka haddaan soo xoorino, lagtankii u
dhexeeyay Muslimiinta geeska Afrika iyo gaalada xabashida
ayaa wuxuu gaadhay heerkii ugu khatar sanaa marka loo eego
dhanka Muslimiinta kafadooda laakiin dagaal waa moorkaysi
(mar way kaa dheeliyi marna waad dhalin goolka), waxaanse
wada ogsoonaahay in xaaladdu heerkaan gaadho waxaa wax badan
loo tiirin karaa asbaabaha gudaha ah oo la mid ah kuwii
jiray xilligii Imaam Axmed Guray sidaa darteed duruufaha
adag ee maanta la marayo waxay Soomaali u baahan tahay
hogaan Ilaaahay ku xidhan, go’aan adag oo awood u leh inuu u
mideeyo Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan iyo Muslimiinta
geeska Afrika guud ahaan inay ka hortagaan cadwgooda.
Arrinkaana wuxuu u baahan yahay inaan fahanno baaxadda iyo
culayska uu leeyahay qorshaha maanta xabashi ku jirto, waana
wax wada taabanaya dhammaan dhulka Soomaalida afartiisa
jihaba.
W.Q. Axmed C. Aadam
hawadiye@yahoo.com