Madax Dhaqameedka Gobolka Sool iyo Xiisadda Dhextaal
Buntland iyo Somaliland Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Qalalaasaha ka taagan gobolka Sool wuxuu soo
jiitamayey tan iyo markii dhidibada loo taagay ismaamulka Buntland 1998dii
waayo waxa maamulka cusubi sameeyey khariidad siyaasadeed oo saameyn ku
yeelatay sheegashada Somaliland ee ku dhisan xuduudihii gumeystaha ka tagay
kadib markii labadii gobo lee Talyaaniga iyo Biritishka kala haystaeen
madax-bannaani qaateen.
Labada ismaamul waxa midkiiba uu soo maray xilli
kala-guur keenay dagaallo dhiig badan ku daatay. Waxay labada maamul markii
ugu horreeyey isu soo dhowaadeen sanadkii 2000 markii shirkii dib u
heshiisiinta Soomaalida ee Jabuuti lagu qabtay ay ka soo baxday dalwad uu
hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Maamulkii Buntlnaad ugu horreeyey wuxuu qaatay
siyaasad aan ku dhisnayn aloosidda colaad halka Cadde Muuse uu qaatay
siyaasad uu ku doonayo in gobolka Sool ku sugnaado xaalad u dhaxeysa
adagaal iyo nabad.
Taa waxaa dheer maamulka Cadde Muuse oo garan kari
waayay culayska siyaasadeed ee siyaasiyiinta Sool gaar ahaan Axmed Cabdi
Xaabsade. Waxa kale oo jirta in maamulka Buntlaand kala sii fogeeyey dadka
wada dega Sool kadib markii cabashooyin ku saabsan qaybsiga maamulka la
tixgelin waayay. Intaba waxay sii xogeysteen wixii ka dambeeey bishii June
ee sanadkii hore.
Madaxweyne Cadde oo ka qabygalay xafladdii caleemo
saarka Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu sheegay in uu la tashan doono
Garaadka. Taasi ma dhicin. Billowgii sanadkii hore markii Xaabsade lagu soo
celiyey Garoowe isaga oo la socda madax-dhaqameedyo reer Sool iyo reer
Togdheer isugu jira, waxa muuqanaysay kala-qaybsanaan siyaasadeed oo u
dhexeysa siyaasiyiinta Sool ee maamulka Buntland ka tirsan.
Waxa sii wiiqmayey kaalinta madax-dhaqameedyada oo
lagu soo koobay bixinta wareysiyo siyaasadeed marka labada maamul ee
Buntland iyo Somaliland ishayaan. Taasina waxay keentay in ay lumiyaan
kaalintii dhex-dhexaadnimo ee ay ku kala saari lahaayeen siyaasiyiinta ama
hawlwadeennada isqabta hase ahaatee doonaya in hab-dhaqameed
ismaan-dhaafkooda loo eego.
Kaalinta Xaabsade
Xilka-qaadistii lagu sameeyey Axmed Cabdi Xaabsade,
wasiirkii arrimaha gudaha ee Buntland, sanadkan ayaa dadka arrimaha ka
faalloodaa ku tilmaamaan inay tahay mid kala dhantaashay maamulka Buntland,
lagana yaabo inay horseeddo dhibaatooyin xagga wada-nolaanshaha oo soo
foodsaara dadka Laas Caanood ku nool oo kala taageersan Buntland iyo
Somaliland. Waxa xilka laga qaaday Xaabsade isaga oo howl nabadayn u joogay
Buuhoodle.
Ka hor inta aysan Laas Caanood gacanta u gelin
maamulka Somaliland waxa muddo seddex sanadood isku hor fadhiyey Ari
Caddeeye ciidamada Buntland iyo Somaliland. Dadka Laas Caanood waxay ku
noolaayeen xaalad dagaal oo asyan dadka Burco, Garoowe, Buuhoodle,
Gaalkacyo iyo Qardho ku nooleyn , tusaale ahaan. Arrintaa Buntland waxay u
arkaysay mid ku habboon Laas Caanood waayo dadka dega qaybo ka mid ah Sool
ayaa oggolaaday in dhulkooda la keeno ciidamo Somaliland ah. Arrintani way
sii kala fogeysay dadka Sool ku nool, oo waxay keentay laba dagaal oo dhex
mara ciidamada Buntland iyo kuwa Somaliland.
Dadka u kuurgula arrimaha Buntland waxay is dhinac
wadaan labo aragtiyood oo ku saabsan sababaha dhaliyey in Laas Caanood
maamulka Somalailnd hoos tagto.
Midi waxay oranaysaa: madaxweyne Cadde wuxuu si deggan
u ugaarsanayaa madaxda Buntland ee la safatay madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf oo awoodda kula loollamay Jaamac Cali Jaamac. Aragtida labaad waxay
oranaysaa ismaandhaaf sii weynaanayey oo dhexyiil madaxweyne ku xigeenka
Buntland, Xasan Daahir, iyo Xaabsade. Waxa muuqata in Cadde Muuse iyo
Xasan Daahir ay danta iyo nabad ku wada nolaanshaha ummadda ay madaxda u
yihiin illoobeen, isna qaban waayeen markii ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin
siyaasadeed oo kala dhantaalay maamulka Buntlnaad oo iimo badan la
kufaa-kacaya. Waxa iimaha ka mid isdhaliillidda ( self-criticism) oo gebi
ahaanba ka maqan Buntland. Waana sababta uu Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke,
madaxa Xarunta Horumarinta Cilmi Baarista Bunland, markii uu booqanayey
dalka Ingiriiska sanadkii 2006da u soo jeedshay in la sameeyo axsaab
siyaasadeed oo yareeya ku tiirsanaanta maamulka Buntland ku tiirsan yahay
qabyaaladda. Dhibaatooyinkii warbixintii xukunka wanaagsan (Towards
Good Governance in Puntland ee 2003dii iftiimisay —“ sababaha assaasiga
ah ee kartidarrada maamulka Buntland waa siyaasiyiinta iyo shaqaalaha oo
daacadnimada ay u hayaan qaabiilka ay ka weyn tahay tan ay u hayaan xilka ka
saaran dadweynaha”—ayaa weli taagan oo sii kobocday.
Waxaanse mugdi ku jirin in dadka ku nool gobolka Sool
ay yihiin kuwa dhibta ugu ba’an ka soo gaarayso horumarinta la
xagal-daaciyey. Dadka gobolku ma haystaan qaab ay kula xisaabstamaan
siyaasiyiinta uga midka ah maamulka Buntland, haddana ma haystaan qaab ay
kula xisaabtamaan kuwa iyaga oo wax tabanaya Laas Caanood hoos geeyey
maamulka Somaliland.
Weli waxaa fursad hoggaamineed leh madax-dhaqameedyada
ku shiri doona magaalada Boocame. Iyaguna waxa saaran xil weyn oo kan ugu
horreeya uu yahay in ay qaataan kaalinta ay ku leeyihiin dhibta hadda
taagan. Waxa kale oo loo baahanyahay in madax dhaqameedyada Sool ay dib u
wada hantaan kalsoonida dadkooda si ay ugu cadaadiyaan
labada maamul ee ku hardamaya gobolka Sool inay
xakameeyaan siyaasiyiinta labada maamul ku kala jira ee dhibta hadda taagan
xuddunta u ah. Taa ayaa horseedi karta in gobolku maamul gaar ah yeesho ama
ka mid noqdo maamul aan ka mid ahaanshihiisa la isku haysan.
Liibaan Axmad
libahm@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan